Jilaaga Nick Cordero oo kooma uu ku jiray ka soo kacay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaska jillaaga caanka ah ee Nick Cordero, ayaa sheegtay seygeeda u jiifay cudurka Covid-19, lugna laga jaray oo in muddo ah ku jiray koomo ay dhakhtarradu geliyeen inuu koomadi haatan ka soo miiraabay.
Amanda Kloots ayaa sheegtay in arintaasi "mucjiso" tahay haatanna ninkeeda Nick Cordero uu ka soo kabanayo dhibaatadii gaadhay.
Jilaaga oo u dhashay dalka Canada ayaa loo gartay inuu ka mid noqdo dadka u qalma abaal marinta Tony Awads ee heesaha Bullets Over Broadway, waxaanu ku jiray isbitaal ku yaal magaalada Los Angeles tan iyo dabayaaqadii bishii Maarij.
Kloots ayaa maalin walba baraha bulshada ku baahineysay hadba xaaladda uu ku sugan yahay jilaagan caanka ah ee ay da'diisu tahay 41 jir.
Olole qaadhaan loogu ururinayey qoyskaa iyo wiilkooda yar ee Elvis ayaa ilaa tahaan laga soo xareeyey lacag dhan 500,000 oo doolar.
Cordero waxa markii ugu horraysay isbitaalka la dhigay 30 Maarij ka dib markii laga helay jeeni wareen markii dambe ee laga baadhayna waxa laga helay fayraska Korona.
Sida ay afadiisu sheegtay, markii hore waxa uu koomo u galay malax sambabada ka gashay awgeed, waxaana sidoo kale laba goor "si fudud ugu dhuftay faalig" kaas oo sababay in xijiro xidhaan halbowlaha lugta loo jaray.
Iyadoo Salaasadii muuqaal kaga hadlaysay bogga Instagram, ayaa Kloots waxay sheegtay in ninkeedu "aad u tamar darreeyey" laakiin "uu haatan ka falcelinayo waxa loo sheego, taas oo muujinaysa in xaaladiisu soo fiicnaanayso".
Cordero ruwaayadaha kale ee uu jilay waxa ka mid ah Waitress, Rock of Ages iyo heesaha Bronx Tale.










