Godfrey Gao: Atoore caan ah oo dhintay isagoo filim jilaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaaga lagu magacaabo Godfrey Gao ayaa masraxa ku dhacay isagoo jilliin sameynaya. Wuxuu qeyb ka ahaa filim lagu soo bandhigayay dhaqamada Shiinaha.
Ninkan oo 35 sano jir ahaa waxaa lagu casuumay filimk taxanaha ah ee telefishinka ka baxa ee Chase Me, kaas oo kooxo ay ku tartamayaa.
Soosaarayaasha waxay sheegayaan in uu masraxa ku suuxay xilli uu koox ku dhex ordayay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka.
Sannadkii 2011, Gao wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee Aasiya ka soo jeeda ee loo qaatay xayeysiimaha qaaliga ah.
Ka dib wuxuu ku biiray Hollywood, wuxuuna ka soo muuqday filimka Qalabka Geerida ee City of Bones kaas oo ah filim dagaal.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale, wuxuu caan ka noqday Shiinaha ka dib markii uu qeyb ka noqday filimka musalsalka ah ee xusuusashada Lichuan.
Ninkan ku barbaaray Canada wuxuu suuxay isagoo kaamerada hortaagan oo jilliinka ku guda jiray.
"Martideenii noogu sareysay, Godfrey si lama filaan ah ayuu u suuxay isagoo ordaya. Dhaqaatiirtii masraxa ku sugnayd waxay billaabeen in ay daweeyaan, si degdeg ah ayaana isbitaalka lagu geeyay," waxaa sidaa sheegay maamulka Barnaamijka Chase Me oo warbixin soo saaray.
"Ka dib laba saacadood oo la isku deyayay in la badbaadiyo, ugu dambey isbitaalka wuxuu shaaciyay in si aan la fileyn uu wadnihiisa u istaagay uuna dhintay."
Taageerayaashiisa ayaa baraha bulshada ku soo daabacaya sawirkiisa si ay u xasuustaan jilaagan.

Jilaaga u dhashay Australian, Remy Hii, oo ku soo caanbaxay filimka dagaalka ah ee Spider-Man: ayaa sheegay in aflaanta Aasiya aysan sidooda "sii ahaan karin, Gao la aantiis".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Chase Me waa taxane tartan ah oo lagu jilo ka gudbidda caqabado badan, taas oo lagu tijaabiyo awoodda kooxaha loolamaya.
Mid ka mid ah musalsalka waxay dadka ku tartamayeen in ay ka boodaan meel sare ama xarig buuraley ku dul xiran.











