Halhayska "Yaa Soomaaaliya Wax u sheega" oo dib uga soo labo kacleeyay Kenya

Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya saacadihii la soo dhaafay markale dib uga bilawday hadal heyn ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, murankaas oo ay ka hadleen dad badan oo isticmaala barta Twitter-ka, isuguna jira Soomaali iyo dadkale.
Dadkan ayaa sameeyay halkudhiga ah "Soomaaliya yaa wax u sheega". (#SomeoneTellSomalia "), taasi oo qaar badan oo kamid ah dadka ka ra`yi dhiibtay ay ku weerarayeen dowladda Soomaaliya, halka kuwa kalena ay difaacayeen Soomaaliya.
Dadkan oo isugu jira Soomali iyo dadkale oo u dhashay Kenya ayaa kala difaacaya labada dal, waxaana kamid ah Cabdilatiif Macallin oo sheegay in labada dal ay wadaagaan wax ka badan khilaafka u dhaxeeya.

Xigashada Sawirka, Abdi Latif Maalin

Halkan ku dhigan midkii ka horeeyay ayaa ahaa mid aad looga hadal hayay baraha bulshada, waxaana xiligaas dad badan ay labada dal ku kala taageerayeen waxa ay ka aaminsan yihiin.
Qof xiligaas magaciisa ku sheegay Cabdisalaan Caato ayaa ka dhawaajiyay in dhulka lagu muransan yahay ay leedahay Soomaaliya halka Cali Baashi Maxamed uu yiri 'waa in Kenya ay ogaataa in haatan Soomaaliya aysan joogin xilliggii ay socdeen dagaallada sokeeye.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Dhammaadka X boggan, 2
Khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray wuxuuna salka ku hayaa arrimo ku saabsan muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca badda ee u dhaxeeya labada waddan.
Axmed Maxamed oo isagana kamid ah dadka sida weyn uga dhex muuqda baraha bulshada wuxuu sheegay in Soomaalida ay kaalin weyn ka qaateen sare u qaadidda dhaqaalaha Kenya isla markaasna Balaayiin shilin ay sannad kasta ku biiriyaan dhaaqalaha Kenya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Dhanka kale, qaar kamid ah dhalinyarada Kenya ayaa qaba in dalkooda uu cadaadis ku heyo Soomaaliya, muranka badda aawaadeed, balse ay iska indha tirtay arrinta ku saleysan jasiiradda kale ee uu muranka kala Uganda iyo kenya ay isku haystaan lahaansheheeda, halka qaar kalena ay qabaan in hal taako aysan u ogoleyn in Soomaaliya ay qaadato.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4

Dhammaadka X boggan, 5
Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya waxaa si weyn u hadal hayay warbaahinta gobolka, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa warar hor leh ay kasoo kordhayaan.
Dad qaar waxay soo jeediyeen in laga shaqeeyo midnimada iyo nabadda si looga shaqeeyo danaha dalka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 6
Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya oo iyadu dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.
Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah.
Faallo: Soomaaliya lama taaban karo inta ay ka soo miyirsaneyso
Wargeyska The Star ayaa qoray faallo ku saabsan muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya iyo damaca kasta oo ay ka leedahay shidaalka laga helay deegaannada dhaca aagga uu khilaafka ka taagan yahay ee dhanka badda.
Dhawaan baarlamaanka Soomaaliya waxay ansixiyeen sharciga shidaalka si ay sahan uga sameyso dhulka badda oo ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya, waxay arrintani Kenya ku abuurtay walaac ah in Soomaaliya ay gasho heshiis dhanka shidaalka ah oo ay uga golleedahay in aanan wax faragelin ah lagu sameyn dhulka lagu muransan yahay.
Maqaalka ayaa lagu sheegay in Kenya aysan weli xaqiijin qorshaheeda ku aadan ka faa'ideysiga shidaalka aggaasi balse, ma waxay noqon doontaa sida dal aanan waxbo isku ogoleyn dalalka kalena aan waxba u ogoleyn?
Kenya waxay deris dhaw yihiin Soomaaliya, waxay magangelyo u fidisay malaayin qaxooti soomaali ah. Kenya waxay ka fikiri laheyd sidii ay u bilaabi laheyd ka faa'ideysiga shidaalka laga helay aagga lagu muransan yahay si ay ugu daryeesho qaxootiga soomaaliya. "Arrintaas cid cabasho ka keeni karto ama ka hor istaagi karto Kenya inay ku tallaabsato ma jirto", ayaa lagu yiri faallada lagu qoray wargeyska.
Inkastoo dadka ay halkaas kusoo bandhigayeen aragtidooda ayaa haddana waxaa jira kuwa kale oo uu kamid yahay qof magaciisa ku sheegay Bishaar Cabdinuur, oo ka dhawaajiyay in khilaafka labada dal aysan dan ugu jirin Soomaalida Kenya.

Nasiib darro, Kenya waxay iska indha tirtay arrintani iyadoo nabadda iyo dhaqaalaha Kenya aanan lala barbardhigi karin dalka deriska ah ee colaadaha ay ragaadiyeen. Ilaa hadda, Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dhibaatada dagaallada waxay bilawday inay ka faa'ideysato shidaalka laga helay deegaanno dhaca xadka labada dal oo Kenya hadda ay ku baraarugtay.
"Soomaaliya waa sida Feeryahan la lagdday oo isku dayaya inuu dhulka kasoo kaco. Sharciga ciyaartan uma ogolaanayo qofka la lagday in lasii weeraro tan iyo inta uu dib ugu soo kacayo."
Maqaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ceeb tahay in Kenya xilliggan ay si caro leh uga jawaabto muranka badda ee kala dhexeeyo Soomaaliya. Kenya waa inay shidaal qodis ka sameyso dhinaca deegaanada xadka labaada oo aanan muran ka dhalan karin oo ay raali ka noqon karto Soomaaliya.
"Ugu dambeyn, Kenya iyo Soomaaliya waa inay ka shaqeeyaan xoojinta derisnimada kuwaas oo sannado badan isku tiirsanaa."