Ma dhici kartaa in calooshu ku taagantahay oo aanad is ogayn?

Astaamaha calool istaagga lagu garto dadku way ku kala duwan yihiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Astaamaha calool istaagga lagu garto dadku way ku kala duwan yihiin

Cilmi baadhis ayaa lagu ogaaday in dhakhaatiirta iyo shacabku ay ku kala aragti duwan yihiin calaamadaha lagu garto calool istaagga, taasina ay sababto in dadka qaarkood aanay dhakhaatiirta uguba tagin in ay daweeyaan.

Waxa cilmi baadhistaa lagu ogaaday in dhakhaatiirtu aaminsanyihiin in qofka oo wakhtiyada uu saxaroodaa ka yaraadaan saddex goor ay tahay calaamad muhiim ah oo muujinaysa calool istaagga.

Koox ka tirsan Jaamacadda King's College ee London ayaa sheetay in loo baahanyahay in la helo qeexitaan cusub oo lagu xaddido waxa calool itaaggu yahay, iyadoo lagu salaynayo duruufaha dadka.

"Arintani waxay muujinaysaa in uu dhamaaday wakhtigii laga xishoon jiray ka hadalka saxaradu" ayay tidhi hay'ad khayri ah oo la yidhaa Guts UK.

Calool istaaggu waa xaalad dadka ku badan oo qiyaastii todobadii qof ba midkood qabo, dadkaas oo sidooda kale iskaga caafimaad qaba.

Calool istaaggu waa in qofku ku dhibaatoodo inuu saxaroodo amaba uu xanuun dareemo marka uu fadhiisto, laakiin sida loo qeexayo ayaa lagu kala duwan yahay.

Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in ay lixda hormo ee calaamadaha hoos ku qoran ahi gacan ka gaysan karaan in qeexitaan cusub loo helo calool istaagga:

  • Casiraad, xanuun iyo dibirro- dharka oo ku qabta.
  • Malawadka oo xanuuna, dhiig ku yimaad ducashada badan, xanuun dabada laga dareemo.
  • Aminaha la saxaroodo oo aan joogto noqon iyo saxarada oo adkaata. Sida caadiga ahi waa inta u dhaxaysa saddex goor maalintii ilaa todobaadkii saddex goor.
  • Qofka oo dareemi waaya in saxaro hayso ama marka uu fadhiisto dareema in aan wixiiba soo wada dhaafin.
  • Dibirro iyo neef qofka ka timaad oo qadhmuun.
  • Saxarada oo marba nooc ah, mararka qaarkoodna qofku hayn kari waayo ama malawadka oo dhiiga.
.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Imisa goor ayay tahay in qofku saxaroodo?

Ma sahlana in jawaab saxa laga bixiyo su'aashaa, sababta oo ah dadku way kala duwan yihiin.

Cilmi baadhista waxa lagu ogaaday in celcelis ahaan dadka aan calooshu taagnayni todoba goor saxaroodaan todobaadkiiba.

Laakiin khuburadu waxay leeyihiin sida caadiga ahi waa in qofku maalintii saddex goor ama todobaadkii saddex goor saxaroodo.

Markaa qofka ayay ku xidhantahay in uu fahmo sida calooshiisu tahay ee aanu dhibsanayn, ka dibna ka foojignaado wixii is bedel ah ee ku yimaad.

Maxaa u dawo ah calool istaagga?

Dadka badankooda ayaaba dareema in dhibaatada calool istaaggu hayso oo isku daya inay iska furdaamiyaan oo waxay cunaan cunto firiley u badan iyo cabbitaan badan, arintaasina waa sida ay ku talo bixiso wakaalada adeegga caafimaadka ee Ingiriisku.

Cuntada firileyda ah wax aka mid ah roodhida laga dubo daqiiq laga sameeyey firiley aan buushigii laga saarin, khudradda, lawska iyo wixii la hal maala, digirta iyo firileyda kale.

In uu qofku jimicsi sameeyo oo had iyo goorna joogteeyo aminta uu wax cunaa iyadna wax tar bay leedahay.

Hadii tallaabooyinkaa aad waxba iskga garan weydo waxaad iibsan kartaa dawooyinka caloosha socodsiiya oo aad Farmasiiyada u doonan kartaa.

Laakiin waxa muhiim ah in aad marka hore dhakhtar la tashato hadii aad astaamaha calool istaagga isku aragto oo cuntooyinka kor ku xusanina waxba kuu tari waayaan.