Jimicsi ka socda waddooyinka dalka Itoobiya, oo maanta gaadiid la’aan ah

Amir Aman, oo ah ninka okiyaalaha qaba, wuxuu doonayaa in uu horumar gaarsiiyo caafimaadka Itoobiya
Qoraalka sawirka, Amir Aman, oo ah ninka okiyaalaha qaba, wuxuu doonayaa in uu horumar gaarsiiyo caafimaadka Itoobiya

Kumannaan ruux oo xusaya maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka dalka Itoobiya, iyagoo lugeynaya isla markaana jimicsi sameynaya.

Waddooyinka ugu muhiimsan ayaa la xiray, iyadoo wasiirka caafimaadka ee Itoobiya Amir Aman uu hogaaminayay dadka ku lugeynayay magaalo madaxda Addis Ababa.

Waa markii ugu horreysay ee Itoobiya laga xuso maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka, waxayna ujeeddadu ahayd in dadka lagu baraarujiyo caafimaadka nolosha iyo yareynta wasakhda ka dhalata qiiqa hawada ku baxa ee ay baabuurta dhaliyaan.

Teendhooyin ayaa sidoo kale lagu xiray waddooyinka, si dadka dadka jimicsiga sameynaya loogu fuliyo baaritaanno caafimaad oo bilaash ah.

Sida guudba, dadka reer magaalka ah ee Itoobiya ku nool ma sameeyaan jimicsiga joogtada ah, sida uu ku soo warramay wariyaha BBC-da ee magaalada Addis Ababa Amensisa Negera.

Mr Amir ayaa isku dayaya in arrintaas la baddalo wuxuuna sheegay in xuska maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka la sameyn doono maalinta Axada ah ee ugu dambeysa bil kasta.

Waddooyinka waxaa loo xiray si kumeel gaar ah, si ay dadka ugu lugeeyaan
Qoraalka sawirka, Waddooyinka waxaa loo xiray si kumeel gaar ah, si ay dadka ugu lugeeyaan
Waa markii ugu horreysay ee Itoobiya laga xuso maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka
Qoraalka sawirka, Waa markii ugu horreysay ee Itoobiya laga xuso maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka
Dhallin yaro iyo waayeelba way ka qeyb qaateen jimicsiga
Qoraalka sawirka, Dhallin yaro iyo waayeelba way ka qeyb qaateen jimicsiga