Ma hirgelaysaa mamnuucidda dhuxusha ee maamul goboleedka Jubbaland?

Xigashada Sawirka, RADIO DALJIR
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada dhulkooda dhuxulaysigu faraha baas ku hayo, waxaana laga cabsi qabaa in dhulka Soomaaliya isku bedelo lama degaan.
Muddo dheer ayaa dhuluxaysigu ka socday Soomaaliya, taas oo aan ku koobnayn uun mid lagu shito gudaha dalka, balse waxa loo dhoofiyaa dalka dibaddiisa.
Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay dhawr bilood ka hor soo saartay ku sheegtay in sannadihii u dhexeeyey 2011 ilaa 2017 dhulka Soomaaliya laga jaray sideed milyan oo geed.
Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyaduna waxay soo saartay amar ay ku mamnuucayso dhuxulaysiga xaalafku ka haya dalka.
Waxa hadaba iyaduna amar kaa la mid ah soo saartay xukuumadda maamul goboleedka Jubbaland.
Wasiirka deegaanka iyo dalxiiska ee maamulkaas, Caydiid Saleebaan Xaashi, oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa u sheegay in xukuumadiisu mamnuucday in dhuxul laga dhoofiyo dekedaha maamulkaas iyo in la jaro dhirta qoyan. Waxaanu yidhi "waxa mamnuuc ah jaridda dhirta qoyan, iyada oo ilaalinta deegaanka laga fekarayo. Wasaaradda environment-ka (deegaanka) oo u xilsaaran shaqadaas, waxay la socodsiinaysaa shacabka in ay mamnuuc tahay jaridda dhirta".
Hadaba amarkaa uu soo saaray maamulka Jubbaland sidee loo dhaqan gelin karaa?
Su'aashaa waxa aanu waydiinay Liibaan Maxamed Faarax oo ah khabiir deegaanka ku takhasusay ah, waxaanu ku jawaabay:
"Runtii anigu aragtidayda waxaan u arkaa arin fiican oo loo baahnaa in ay tahay. Horta sharci marka la sameeyo waxa loo baahan yahay in fulintiisii la raaciyo. Hadii qoladii deegaanku markaa ay amar soo saartay waxa fulintii laga rabaa wasaaradda amniga iyo maxkamadaha iyo booliiska, in ay shaqeeyaan oo sharcigaa la soo saaray sidii lagu fulin lahaa ay ka shaqeeyaan"










