Talyaaniga oo Malta ku eedeeyey in aanay u damqanayn dad badda laga soo samatabixiyey

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Talyaaniga ayaa sheegay in dalka Malta diiday in uu qaabilo laba boqol iyo afar iyo soddon qof oo muhaajiriin ah oo haatan saaran markab samata bixiyey oo taagan badda Mediterranean-ka, markabkaas oo u shaqaynaya urur samofal Jarmal ah oo la yidhaa Lifeline.

Wasiirka gaadiidkaTalyaaniga, Danilo Tonielli, ayaa arintaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Facebook-ga. Toninelli waxa uu ku tilmaamay go'aanka Malta mid "naxariis darro ah".

Dadkaa muhaajiriinta ah waxa Khamiistii laga soo samata bixiyey meel ka baxsan badda Libya, dalka Malta ayaa isna hore u sheegay in aanu hayn karti uu ku qaabilo dad badan la soo samatabixyey.

Ururka Lifeline ayaa beeniyey eedo ay u soo jeediyeen laba wasiir oo Talyaani ah oo ahaa in ururkaasi markabka ay wataan uu si bilaa sharci ah ugu maaxayo calanka Holland isla markaana uu muhaajiriin uga soo gurayo badda Liibiya taas oo xad gudub ku ah bay yidhaahdeen heshiisyada caalimaga ah.