Cristiano Ronaldo oo ka badbaaday xukun xabsi

Xidiga kubadda cagta ee dalka Burtiqiiska, Cristiano Ronaldo ayaa heshiis la gaaray maamulka dalka Spain, si isfahan looga gaaro canshuuro la sheegay in Ronaldo uu la baxsaday, oo uusan bixinin.
Heshiiskan ayaa Ronaldo u sahlaya in aanan xabsiga loo taxaabin, sidoo kale na uusan bixin lacag dhan labaatan milyan oo doolar oo qaab ganaax ahaan ah loogu soo rogay, kadib markii maxkamad ku taala dalka Spain ay xabsi iyo ganax ba isugu dartay laacibkani.
Heshiiskan ayaa waxaa la filayaa inay wada saxiixdaan waaxda canshuuraha ee dalka Spain iyo qareenka Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa sidoo kale lagu eedeyay inuu la dhuuntay lacago qaab xayeysiin ahaan ah uu ku helay sanadihii 2011 ilaa iyo 2014-ka, balse eedeymahaasi waxaa beeniyay Ronaldo.






