Trump oo siinaya dhalashada Mareykanka 1.8 milyan oo caruur muhaajiriin ah

Saraakiisha Aqalka Cad ee waddanka Mareykanka ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha 1.8 milyan oo carruur ah oo ah muhaajiriin aanan diiwaangashanayn lagu siinayo dhalashada Mareykanka.
Taa badelkeedana maamulka Trump waxa uu Koongareeska ka dalbanayaa inuu ansixiyo kharash gaaraya 25 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo darbiga laga dhisayo xudduuda waddanka Mexico uu la leeyahay Mareykanka.
Ismariwaaga u dhaxeeya Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiinta ee salka ku haya sida loola tacaalayo carruurta yaryar ee sida sharci-darrada ah ku jooga Mareykanka ayaa ka qeyb qaatay howl joojintii todobaadkii la soo dhaafay ku timid dowladda federaalka ee Mareykanka.
Qorshaha Aqalka Cad waxa uu u muuqdaa inuu yahay mid adag oo lagu xakameynayo muhaajiriinta, taas oo ay ka mid tahay in la dardargeliyo howlaha musaafurinta, iyo in la maalgeliyo dhismaha darbiga xudduuda Mexico.
Taasna waxa ay baaq wanaagsan u tahay taageerayaasha Donald Trump.
Dhanka kale si loo dajiyo dadka barnaamijkan ka soo horjeedo waxa uu qorshahan dhalasho muddo 10 sanno ah ku siinayaa carruur gaaraysa 1.8 milyan kuwaas oo si sharci-darro ah ay qoysaskoodu ku keeneen Mareykanka, taas oo wax badan ka badan inta markii hore laga wadaxaajooday.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa waxa ay rajaynayaan in bilowga bisha soo socota cod loo qaadi doono sharciyeynta qodobkan, kahor inta dhaqaalaha dowladda federaalka uusan markale waqtiga ka dhicin.






