Samir Nasri oo cayil dartii tababarka looga reebay

Xigashada Sawirka, EPA
Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaaraha kooxda Manchester City, Samir Nasri ma uusan ciyaarin inta lagu guda jiray ciyaaraha saaxiibtinimada iyo tababarada taas oo ay ugu wacan tahay inuu cayilay, sidaasi waxaa sheegay macallim Pep Guardiola.
Nasri oo 29 sano jir ah waxa uu ahaa qof bedel ahaan aan loo isticmaalin ciyaartii Khamiistii ee koobka horyaallada caalamka ee lagu qabtay dalka Shiinaha.
Ciyaaryahanka difaaca ee Man City Gael Clichy waxa uu arbacadii shaaca ka qaaday in tababare Guardiola uu dhowr ciyaaryahan ka saaray tababarka kooxda koobaad illaa ay ku noqonayaan heerka jirkooda laga rabo ee cayilka.
Macalinka cusub waxa uu sheegay in Nasri uu gaaray cayilka xad-dhaafka ah.
Ciyaaraha caalamiga ah ee Faransiiska waxa uu ka maqnaa lix bilood kadib markuu lugta ka dhaawacmay intuu tababarka ku jiray.






