Cunto la'aan ka jirta Koonfurta Afrika

Xigashada Sawirka, AFP
Barnaamijka cuntada ee Qaramada Midoobay ee WFP, ayaa sheegtay in ilaa afar iyo toban milyan oo qof Afrika ay ay ku dhacayso cunto la'aan Koonfurta Afrika abaar iyo roobabka El Nino darteed.
WFP ayaa sheegtay in Malawi ay tahay waddanka ugu daran, halkaasoo la filayo in 2.8 milyan oo qof ay cunto la'aan ahaadaan. Madagascar iyo Zambabwe ayaa ku xiga.
Hayadda ayaa sheegtay in roob yari darteed mustaqbalka inuusan fiicnayn.






