Idaacadaha Iskaashiga la leh BBC

BBC World Service waxaa laga heli karaa Radio, TV iyo Online. Xiriirkan ayaa BBC awood u siinaya in qaybo ka mid ah wararkeeda la gaarsiiyo dhagaystayaal hor leh. BBC World Service waxaa hadda laga heli karaa qaybaha hoos ku xusan:

Muqdisho, Soomaaliya

<link type="page"><caption> Warbaahinta Shabeelle</caption><url href="http://shabelle.net/" platform="highweb"/></link>, Shabelle Media Network (SMN) waa warbaahin abaalmarin heshay oo ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareeraysan. SMN waxaa la aasaasay 06th May 2002. Aasaasayaasha Warbaahinta Shabelle waxay ka tirsan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana hogaamiye u ah Mr. Abdimaalik Yusuf Banna iyo Engineer Cali Daahir. SMN waxay qabataa howlo la xiriira Radio, TV iyo Online, waxaana ka go’an in warar iyo xog ku salaysan war tabin sugan, ka faalayn aan dhinac u janjeerin iyo damac iyo tabinta xaqiiqada dhabta ah ee dhacdooyinka.

Bosaaso, Soomaaliya

<link type="page"><caption> Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC</caption><url href="http://allsbc.com/" platform="highweb"/></link> waa Qayb warbaahineed oo aan dowli ahayn (Radio, Television and Internet,) SBC waxaa la aasaasay bishii June ee sanadkii 2001 waana Raadiye FM ah kii ugu horeeyay ee laga sameeyo Puntland ama waqooyiga bari ee Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya

<link type="page"><caption> STAR FM</caption><url href="http://starfm.co.ke/" platform="highweb"/></link> waa idaacad hormuud ah oo ka dhisan waqooyiga Kenya iyo gobolka Soomaaliya. Waxaanu ka howlgalnaa oo kale Muqdisho, Nairobi, Takaba, Garissa, Wajir, Dhadhaab, Kakuma, Tani River, Habaas-weyn and Mandheera

BBC World Service waxay raadinaysaa in ay la shaqayso war-tabiyayaal tayo sare leh aduunka oo dhan. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan la shaqaynta BBC fadlan la xiriir: [email protected] ama [email protected].