Raila Odinga: Siyaasiga ugu nasiibka daran Kenya ee mar lagu eedeeyay inuu afgambi isku dayay

Raila Odinga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Raila Odinga

Markii shanaad ayuu Raila Odinga ku guul darraystay tartanka doorashada madaxtinimada Kenya, waxaana ka adkaaday siyaasi markii ugu horraysay usoo istaagay jagadaas.

Odinga oo horay Kenya uga soo noqday Raysul Wasaare ayaa tartan aad u adag la galay madaxweyne ku-xigeenka xilka ka dagaya, William Ruto.

Codadkii laga dhiibtay doorashadii qabsoontay 9-kii August ayuu hoggaamiyaha mucaaradka ka helay 48.8% halka Ruto uu helay tiro aan sidaas uga badnayn oo ah 50.5%.

Markan iyo afartii jeer ee horeba, Odinga waxa uu sheegay in laga xaday codadkii doorashada.

Guul darrasiisa waxaa la wadaagta Martha Karua oo rajaynaysay inay noqoto haweeneydii ugu horraysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota Kenya.

Raila Odinga iyo Martha Karua

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raila waxa uu u muuqdaa inuu mar kale isku diyaarinayo sidii uu amxkamadda ugu sarraysa ula tiigsan lahaa natiijada uu qaaddacay.

Sanadkii 1982 ayaa Odinga mar xabsiga la dhigay kaddib afgambigii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa madaxweynihihii hore ee Kenya, Daniel arap Moi.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu taageerada badan Kenya, inkastoo uu ku guul darraystay dhowr jeer oo uu u tartamay xilka madaxweynaha.

Xogta aasaasiga ah ee Raila Odinga

  • 77 jirkaan waxaa uu wax ka soo bartay jaamacadda farsamada ee Magdeburg ee loo yaqaano (Otto-von-Guericke Magdegburg) oo ku taalla Jarmalka.
  • Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Isbahaysiga Azimio
  • Tani waa markiisii shanaad ee uu tartamayo. Wuxuu soo tartmay: 1997, 2007, 2013 iyo 2017
  • Markii uu ololaha doorashada ku guda jiray, Odinga waxa uu ballan-qaaday dhowr arrimood oo uu samayn doono haddii la doorto.

Guulaha muhiimka ah

  • Odinga waa mid ka mid ah halyeeyadii u soo dagaalamay dimuquraadiga Kenya. Horay ayaa loo xiray.
  • Wuxuu noqday ra'iisul wasaare intii u dhaxeysay 2008 - 2013
  • Odinga wuxuu masuul ka ahaa mashaariic waawayn oo ay fulisay dawladii Kibaki, sida koronto galinta deegaanada miyga iyo mashruucii wadoooyinka

Ka hor inta aan doorashada la billaabin, dad badan waxa ay saadaalinayeen in uu si fudud ugu guulaysan doono kursiga, balse taasi ma dhicin.

Intii uu ololaha doorashada ku guda jiray waxa uu ballan qaaday arrimo uu hirgelin doono haddii uu doorashada ku guulaysto.

Waxyaabaha uu ballan qaaday ee laga filanayo waxaa ka mid ah:

  • Kobcinta dhaqaalihiisa isaga oo sameynaya maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta warshadaha wax soo saara
  • Bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah
  • Tasiilaadka ciyaaraha iyo horumarinta bulshada

Waa kuma Raila Odinga?

Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka Kenya, Jaramogi Oginga Odinga.

Da'diisu waa 77, waxa uuna 7-dii bishii January, 1945 ku dhashay magaalada Maseno ee galbeedka Kenya.

Taageereyaashiisa ayaa ugu yeeraa Baba

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Taageereyaashiisa ayaa ugu yeeraa Baba

Taageereyaashiisu waxay ku naanaysaan Agwambo iyo PAPA. Wuxuu wax ku soo bartay Barigii-Jermalka ee hore.

In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera.

Dadka ugu badan ee taageera waa qawmiyaddiisa Luo oo degta gobolka Nyanza ee dhaca koonfurta-galbeed ee dalka, halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay iskuulkana ka dhigtay.

Wakhti dheer ayuu xabsi ku jiray

Markii ugu horraysay ee uu madaxweynenimo isku dayay waxay ahayd 1997-kii, markaas oo uu galay kaalinta saddexaad.

Siyaasiyiin badan oo miisaan leh ayaa saaxiib lasoo noqday Odinga

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Siyaasiyiin badan oo miisaan leh ayaa saaxiib lasoo noqday Odinga

Doorashadii madaxweynenimada ee sannadkii 2002-diina kama uusan qayb galin, wuxuuna taageeray Mwai Kibaki si looga adkaado Uhuru Kenyatta. Doorashadaas ayaana horseeday in meesha laga saaro xisbigii Kanu oo talada hayay tan iyo markii ay Kenya qaadatay Xoriyadda sanadkii 1996.

Odinga iyo taaageereyaashiisu waxay rumaysan yihiin in laga boobay guushii uu gaaray 2007-dii, markaas oo uu hogaaminayay xisbiga ODM, isaga oo la tartamay Kibaki.

Doorashadaas ayaana ahayd middii horseedday rabshadihii qabaa'ilka ku salaysnaa ee sababay in ay dhintaan 1,300 oo ruux, ayna ku baro kaceen 600,000.

Odinga ayaa aasaasay xisbiga ODM sanadkii 2005

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Odinga ayaa aasaasay xisbiga ODM sanadkii 2005

Heshiis awood qaybsi ah ayuu xilligaas ku noqday Raysul Wasaare, si loo soo afjaro colaaddii ka dhalatay doorashada.

Dadaalkiisii ka dhanka ahaa halka xisbi ee digtaatooriyadda ayaa u horseeday in labo jeer la xiro. Markii koowaad waxaa xabsiga la dhigay 1982 isaga oo ku jiray ilaa 1988, haddana waxaa lagu celiyay 1989 isagoo ku jiray ilaa 1991. Waana masuulkii ugu waqti ugu dheeraa xabsi ku qaatay.

Isku day Afgambi

Kadib isku day afgambi oo dhacay 1dii Agoosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa'inul wadanimo oo ah tii loo xiray iyada oo an cadeyn loo hayn.

Gudiga dib u heshiisiinta iyo cadaaladda dhabta ah ayaa loo sheegay sanadkii 2011 in Odinga uu xariir la lahaa maskaxdii ka dambeysay afgambiga. Odinga mar walba wuu iska diidaa in uu ku lug lahaa afgambiga.

Markii u horaysays waxaa loo xiray in uu afgambi isku dayay sannadkii 1982, taas ayaase u horseeday in uu si wayn uga muuqdo masraxa siyaasadda qaran.