Magaalo malaayiin doollar bixineysa qof lagu dhex dilay darteed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaafad ku taal magaalada Minneapolis ayaa oggolaatay inay bixiso 3.2 milyan oo doolar oo la siiyo qoyska Daunte Wright, oo ahaa wiil madow ahaa oo ay dishay askari ka tirsan booliska Mareykanka. Waxaa la sheegay inay u isticmaashay bistooladda ay xabbadda runta ah ka dhacdo, iyadoo u maleyneysay bistooladda korontada ku qabata qofka.
Qareennada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in aan la dhameyn doonin dacwadda ilaa heshiis laga gaaro tababaro dheeraad ah oo la siinayo saraakiisha booliiska magaalada. Qoyska Wright ayaa galka dacwadda dilka qaladka ah ka xareeyay xarunta Brooklyn.
Wright ayaa hal xabbo xabadka looga dhuftay bishii Abriil 2021, waxaana toogtay sarkaal caddaan ah oo lagu magacaabo Kim Potter, taas oo ka howlgasha xarunta Brooklyn. Askariyadan hore ayaa lagu helay dambi ah inay gashay dembiyo darajada koowaad iyo labaad ah, waxaana lagu xukumay labo sano oo xarig ah.
Dilkan ayaa dhaliyay qaylo-dhaan guud ahaan ka dhacday Mareykanka, iyadoo dad badan ay u arkayeen inuu yahay tusaale kale oo ah tacaddiyada aan loo meel-dayin ee ay boolisku ku hayaan dadka madowga ah ee Maraykanka ah.
Dilkan ayaa ka dhacay meel u dhow goobtii Derek Chauvin, oo ah sarkaal hore oo ka tirsan booliska Minneapolis, uu ku dilay George Floyd, kaas oo dhimashadiisa ay horseedday bannaanbaxyo ka dhacay Mareykanka iyo guud ahaan dunida.

Xigashada Sawirka, Reuters
Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sano iyo bar xabsi ah. Floyd ayaa geeriyooday kaddib markiii sarkaalka uu jilibka uga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqo. Xeer-ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah, maaddaama uu galay saddex dambi.
Mr Floyd walaashiis Bridgett Floyd ayaa sheegtay in xukunka "uu muujinayo in arrimaha ku saabsan naxariis-darrada booliska ugu dambeyn si dhab ah loo qaatay" laakiin, wali "waxaa harsan wado dheer".
Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa bishii April ee sanadkii hore lagu soo rogay bandow, kaddib markii ay sii xoogeysteen rabshadaha iyo mudaaharaadyada looga soo horjeeday dilkii Daunte Wright oo ay toogatay Kim Potter oo ka tirsaneyd ciidanka booliska.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay dhowr degmo ka dhaceen dilal ay boolisku u geysteen dad madow ah. Sanadkii hore, magaalada Minneapolis waxay oggolaatay inay siiso 27 milyan oo doollar qoyska Floyd, taasoo qareennada ay sheegeen inay ahayd mid ka mid ah heshiisyadii ugu weynaa ee ka dhaca Mareykanka.
Magaalada Louisville, Kentucky ayaa sidoo kale oggolaatay inay qoyska Breonna Taylor siiso 12 milyan oo doollar. Taylor waxaa toogtay booliska iyada oo ku sugan gurigeeda intii lagu jiray weerar qarsoodi ah.
Mar sii horreysay, gobolka Minnesota wuxuu 20 milyan oo doollar siiyay qoyska Justine Ruszczyk Damond, oo uu Maxamed Nuur oo askari Soomaali Ameerikaan ah toogasho ku dilay. Ruszczyk Damond oo aadday dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyadoo damacsanayd in ay ku wargeliso in ay ka shakisay in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo ayaa la dilay 15-kii Luulyo ee sanadkii 2017.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga loo yaqaanno yoga, waxayna ka soo jeedday magaalada Sydney ee dalka Australia.
Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Raysul wasaarihii Australia ee waqtigaas Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay "mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay".
Maxamed ayaa sanadkii 2019-kii xabsiga loo taxaabay isla markii ay xeerbeegta ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn. Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay gabadha.










