Maxaa kala haysta Putin iyo dalalka Afrika?

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxa Midowga Afrika ayaa sheegay in Afrika iyada oo aan waxba galabsan ay dhibane u noqotay dagaalka dalka Ukraine.
Ka dib wadahadalo ka dhacay Sochi, Macky Sall ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu ballanqaaday inuu fududeynayo dhoofinta dalagyada kala duwan iyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha.
Mr Putin ayaa beeniyay in Moscow ay hor-istaagtay dekedaha Ukraine in laga ka dhoofiyo hadhuudhka.
In ka badan 40% qamadiga laga isticmaalo Afrika ayaa inta badan ka timaadda Ruushka iyo Ukraine.
Balse dekedaha Ukraine ee ku yaal Badda Madow ayaa inta badan la xannibay in wax cunno ah laga dhoofiyo tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Kyiv iyo xulafadeeda ayaa ku eedaynaya Moscow in ay go'doomisay dekedaha dalkaasi oo ay diiday in raashiinka kala duwan laga dhoofiyo.
"Haddii aan la furin dekedahaas waxa ay keeni doontaa macaluul" ayuu yiri isku duwaha gargaarka Qaramada Midoobay Amin Cawad oo ku sugan Geneva.
Wuxuu sheegay in haruurka oo yaraada ay saameyn karto 1.4 bilyan oo qof ayna dhalin karto tahriib ballaaran.
Dagaalku aya sii murjiyay xaaladda cunada Afrika oo horey ula daalaa dhacaysay dalagyadii loo baahnaa oo aan soo go'in iyo amni daro.
Qiimaha cunnada ayaa sare u kacay guud ahaan qaaradda tan iyo markii Ruushku uu gudaha u galay dalka Ukrain 100 maalmood ka hor, taasoo keentay in tiro aad u badan ay gaajo qarka u saaran yihiin.
Madaxa barnaamijka cuntada aduunka Mike Dunford, ayaa sheegay in in ka badan 80 milyan oo qof ay haysato cunto yari aad u daran, gaar ahaan qaaradda Afrika .
Dalka Chad ayaa ku dhawaaqay xaalad cuna yari oo degdeg ah oo heer qaran ah. Saddex meelood meel dadka ku nool waxay u baahan yihiin gargaar cunto, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dawladduna waxay codsatay gargaar caalami ah.
Mr Sall, oo ah madaxweynaha Senegal, ayaa u sheegay Putin inuu ka warqabo in dalalka Afrika, xitaa haddii ay ka fog yihiin goobta dagaalka ay dhibanayaal u yihiin dhibaatadan dhaqaale.
Waxa uu sheegay in uu sidoo kale ka codsanayo arrintan dalalka kale ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Laatiin Ameerika.
Mr Putin ayaa dhankiisa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay in uu dammaanad qaado dhoofinta hadhuudhka Ukrain ee laga dhoofiyo dekedaha ku yaala badda Azov iyo Black ee ay maamusho.
Waxa uu sheegay in xalka ugu wanaagsan uu noqon doono in cunaqabateynta laga qaado Belarus, oo ah xulafada ugu dhow ee Ruushka, si haruurka halkaasi looga daabulo.










