Xasan Sheekh oo 'tareenkiisii' uu u jiheystay Baydhabo, muxuu halkaa ka doonay?

Guriga cusub ee madaxtooyadda Koonfur Galbeed

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Qoraalka sawirka, Guriga cusub ee madaxtooyadda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo noqonaysa meeshii ugu horeysay oo uu safar ku tago tan iyo intii 15-kii bisha madaxweynenimada loo doortay.

Madaxweyne Xasan markasta oo uu madaxweyne noqdo waxa uu safarkiisa ka bilaabaa magaalada Baydhabo, hase yeeshee afhayeenka madaxweynaha Cabdikariim Cali Kaar oo BBC-da la hadlay wuxuu sheegay intaasi aysan ahayn mid ku kooban Xasan Sheekh, "Sida aad xusuusato madaxweyne kasta oo dalka yimaada waxa uu safarkiisa ka bilaabi jiray Baydhabo" ayuu yiri afhayeenka.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagay xilli xasaasi ah oo aanan weli la caleemo saarin, islamarkaasna uusan magacaabin Ra'isulwasaare sidaba uu qirayo afhayeenka madaxweynaha, hase yeeshee wuxuu afhayeenka dhinac kale uga wareegay su'aal aan hor dhignay oo ahayd in madaxweynaha uu kalsooni u raadinayo Ra'isulwasaaraha uu soo wado maadaamaa Koonfur Galbeed ay xildhibaanada ugu badan ku leedahay baarlamaanka oo ay tahay in uu ansixiyo Ra'isulwasaaraha iyo golaha wasiiradda.

Ujeedka Safarka sida uu u sheegay Afhayeenka

Afhayeenka madaxweynaha Cabdikariim Cali Kaar (Bidix) Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige (Midig)

Xigashada Sawirka, @Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Afhayeenka madaxweynaha Cabdikariim Cali Kaar (Bidix) Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige (Midig)

Inkasta "Madaxweyne Xasan hal ku dhigiisa wuxuu ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, safarkana wuxuu ku saabsanyahay Soomaali heshiis ah, marka ay Soomaalida heshiiso ayay dowladnimadana hanoqaadi kartaa" ayuu yiri Afhayeenka oo aanan faahfaahinin waxyaabaha laga heshiinayo.

Afhayeenka waxa uu sheegay in labada madaxweyne uusan jirin wax ay kaligood ka wada hadlayaan, ee si guud tashi loola samaynayo bulshada iyo maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo yiri "Madaxweynaha ma tagayo dal kale, meesha uu u socdaayi waa dalka dhexdiisa".

Xiriirka Lafta Gareen iyo Xasan Sheekh

Mid ka mid ah wasiiradda la safray madaxweynaha oo diyaaradda iskula soo sawiray

Xigashada Sawirka, @Abdulkadir Mohamed Nur

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah wasiiradda la safray madaxweynaha oo diyaaradda iskula soo sawiray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka mid ahaa saaxiibaddii siyaasadda aad ugu dhowaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana soo baxay tuhuno sheegayay in madaxweynaha cusub aysan isku wanaagsanayn.

Balse afhayeenka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ololihii doorashada lasoo dhaafay, "Madaxweynaha nabadoonimadii uu doorashada ku galay ayay siyaasadiisa ku qotomi doontaa".

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in arrinka xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Rooboow aysan ahayn moowduuc gaar ah oo ay labada madaxweyne ka wada hadlayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, @Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Weftiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa qeyb ka ah ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna afhayeenka sheegay in arrimaha abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa lagu lafo guri doono booqashada Baydhabo.