Caddeymo la xaday: Daanyeer la baxsaday caddeymo muhiim u ah kiis maxkamadeed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kiis maxkamadeed oo ku saabsan dil sanadkii 2016 ka dhacay dalka Hindiya ayaa dib loo dhigay, kadib markii boolisku sheegeen in caddeymihii ay ururiyeen uu xaday daanyeer, sidaana lagu waayay.
Wargeyska the Times of India ayaa daabacay in caddeymaha uu xaday daanyeerka ay kamid tahay toori la rumaysan yahay in loo adeegsaday dilka.
Booliska magaalada Jaipur ayaa maxkamadda u diray qoraal uu ku sheegayo in daanyeerka uu la cararay caddeymaha xilli loo waday goob lagu keydin lahaa.
Maxkamada ayaa horay uga dalbatay booliska inay soo bandhigaan caddeymaha kiiska dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Shashikant Sharma, kaasoo 6 sano ka hor meydkiisa laga helay meel u dhaw saldhigga booliska ee Chandwaji ee magaalada Jaipur.
Booliska oo qoraalka ku faahfaahiyay sida loo xaday caddeymaha ayaa sheegay in askarigii safrinayay galkaas uu ku nastay geed hoostii, kadibna uu daanyeerka dafay galka, sidaana lagu waayay.
Askarigaas oo magaaciisa lagu sheegay Hanuman Sahai Yadav ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kadibna waxa uu ka farriistay hawsha booliska, waxaana uu geeriyooday sanadkii 2021.
Rabshad ka dhalatay dilka Shashikant Sharma ayaa maalmo haraysay magaalada Jaipur, waxaana ay booliska markii dambe falkaas u qabteen laba nin oo lagu kala magacaabo Rahul iyo Mohanlal Kandera oo ka soo jeeda magaaladaas.
Dacwad oogaha kiiska iyo weliba garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inay ka caroodeen dayaca uu ku kacay booliska magaalada Jaipur, waxaana ay sheegeen in doodda ah in caddeymaha uu la cararay daanyeer ay tahay mid aan caadi ahayn.
Lama oga sida ay maxkamadda u sii wadi karto kiiskan, maadaama caddeymihii loo adeegsan lahaa qaadidad dacwadda ay meesha ka maqan yihiin.
Daanyeerrada Hindiya
Dhacdo kale oo layaab leh ayaa dabayaaqadii sanadkii tegay ka dhacday Hindiya, kadib markii ay saraakiisha dalkaas sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba daanyeer oo laayay ku dhawaad 250 eey.
Weerarkaas ayay waaxda keymaha ee Hindiya ku tilmaameen mid aargoosi ahaa kadib markii eeyuhu ay dileen daanyeer dhal ah.
Arrinta oo ka dhacday magaalada Beed ee gobolka Maharashtra ayaa waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta caalamka.
Labada daanyeer ayaa markii dambe la sii daayay, sida ay ku warrantay warbaahinta ANI ee xarunteed tahay Hindiya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan












