Muxuu daanyeerka dhasha uga laynayaa eeyaha?

Daanyeer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daanyeer

Tuulada Lavul ee ka tirsan gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa waxa ay toddaabkan soo gashay bogaga hore ee wargeysyada maxaliga ah iyo kuwa calamiga ah.

Waxa hadal haynta tuuladani dhaliyay ayaa ah dagaal u dhexeeya daayeero iyo eeyaha.

Eedeymo kala duwan ayaa lagu soo jeediyay warbaahinta oo ku saabsan muranka. Warbixino dhowr ah oo warbaahinada qaar qoreen ayaa sheegaya in daanyeerada ay dileen 200 oo ey ah.

Si kastaba ha ahaatee, markii BBC-da ay booqatay deegaanka si ay u baarto eedeymaha, waxaa soo baxay sawir kale.

Daanyeerradii kaxaystay ilamaha eyda...

In kasta oo arrintani laga hadal hayay gudaha Hindiya iyo dibada-ba todobaadkii hore, haddana dadka deggan tuulada Lavul, ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya Eeyda iyo Danyeerada uu bilaabmay bishii Sebtembar, ka dib markii laba daayeer ay yimaadeen tuulada Lavul.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, Panchayat Samiti, ayaa yiri, "Magaalada ma joogin daanyeero badan, kuwa halkaas joogayna ma ahayn kuwo dadka dhiba.

Balse markii ay yimaadeen labada daanyeer ayaa waxaa la arkay dhacdooyin yaab leh. "

Daanyeeradan ayaa waxa ay si xoog ah ku qaadanayeen dasha eeyga,ka dib-na waxay la koraan geed ama saqafka kore ee guriyaha.

Markii hore dadka tuuladan wax dan ah kama lahayn dhacdooyiinkan, balse waxaa sii kordhay tirada ilaha yaryar ee Eyga ee ay daanyeerada la tagayaan.

Daanyeer sita ilmo yar oo Eey ah

Xigashada Sawirka, NITIN SULTANE

Qoraalka sawirka, Daanyeer sita ilmo yar oo Eey ah

Ka dib maxaa dhacay?

Waxaa ay xaaladda si murugta ka dib markii ay qaar ak mid ah dhasa Eeyda oo ay danyeerada la tageen la arkay iyaga oo dhintay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in danyeerada ilmaha Eeyga ee ay qaateen ay ka so tuureen geedaha korkooda taasi oo keentay in ay dhintaan.

Dhacdooyiinkan ka dib ayaa waxaa soo baxay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan in danyeerada ay beegsanayaan oo ay dilayaan dasha Eeyga.

Dadka tuuladan ku taalla dalka Hindiya ayaa cabsi wayn ka muujiyay dhacdooyiinkan.

Waxaa jira dhowr kiis oo ah in danyeerada ay sidoo kale ceyrsadeen caruur taasi oo cabsi kale abuurtay.

Dadka ayaa bilaabay in guriyaha ay isku soo xiraan, markaasi oo maamulka magaaladaasi ay ku baraarugeen.

Waxaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay tuulada islamarkana waxay maamulka Gram Panchayat ku qasbanaadeen inay u gudbiyaan cabashooyinka dadka deegaanka waaxda ilaalada duurjoogta.

Madaxa horumarinta tuulada Nanasaheb Shelke ayaa yiri, "Waxaan warqad arrintan ku saabsan u qoray waaxda ilaalada duurjoogta iyo deegaanka bishii Sebtembar, laakiin kama aan helin jawaab."

Dadka tuulada ayaa go'aansaday in ay raadsadaan caawinaad iyaga oo adeegsanaya warbaahinta, markaasi ak dib oo arrintani xal loo helay.

.

Xigashada Sawirka, NITIN SULTANE

Qoraalka sawirka, .

Kadib dood dheer oo ay warbaahinta ka yeelatay arrintan ayaa waaxda keymaha Dharur waxay ugu dambeyntii la xiriirtay mas'uuliyiinteeda Nagpur waxayna amar ku bixiyeen in lasoo qabto daanyeerada dhibaatada ku haya deegaankaasi.

Kadib, 19-kii December, saraakiisha Nagpur waxay bilaabeen in ay dabin u dhigaan daanyeerka. Qaar ka mid ah ayaadabinkaas ku dhacay ka dib markii dhasha eyga halkasi la dhigay markii ay daanyeerada isku dayeen in ay qaataan-na la qabtay.

Laxman Bhagat ayaa yiri, "Caruurtu waxay ka baqayaan inay aadaan iskuulada, ragga ma aadi karaan baadiyaha, dumarkana kama bixi karaan guriga si ay u shaqeeyaan."

Daanyeeradu waxay dul joogeen saqafka guriga Laxman Bhagat dhowr maalmood, waqtigaas waxay keeneen inta u dhaxaysa 8 ilaa 10 eey.

Lakshman Bhagat wuxuu yiri, "Waxaa na dhibay oohinta dhasha Eeyda xiliga habeenkii ee ay daanyeerada xoogga ku haystaan.

Maxay daanyeeradu falkan ugu kaceen?

DS More oo ah sargaal ka tirsan waaxda duurjoogta ayaa sidoo kale sharaxay sababta ay daayeeradu u soo guranayeen eeyaha.

Sida uu sheegay, 'Waxaa jira injir yaryar, oo gasha dhogorta Eeyga dhasha taasi oo ay aad u jecel yihiin daanyeerada in ay cunaan oo ay quutaan.

Waxaa uu intaa ku daray in danyeerada aysan qaadi Karin eeyga waawayn islamarkana ay taasi tahay sababata ay caruurta u qaataan si ay injirta uga gurtaan.

DS More ayaa xusay in marka ay daanyeerada ay injirta ka gurtaan dhasha Eeyda ay saqafka korkiisa ama geedaha uga tagaan halkaasi oo ay ka soo dhacaan ka dib-na ay dhintaan.

Tuulada Lavul

Xigashada Sawirka, NITIN SULTANE

Qoraalka sawirka, Tuulada Lavul

Maxay ka yiraahdeen khubarada?

Beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Siddharth Udyan ee deegaanka Aurangabad waxa ku jira duurjoog aad u kala duwan.Dr BS Naikwade waxa uu ka shaqaynayey halkaas muddo dheer.

Waxay sidoo kale isku dayayaan inay fahmaan dhaqdhaqaaqa daayeeradan.

Naikwade ayaa yiri, "Waa run in daanyeerka uu ku waxyeeleyn karo marka uu xanaaqo, islamarkana mararka qaar uu aargoos geysto.

Dhanraj Shinde, oo madax ka ah Ururka daryeela duurjoogta, ayaa qaba fikrad ka duwan.

Waxaa uu yiri, "Daayeerku waa xayawaan fikir badan, laga yaabee inuu u sameeyay ficilada ujeedo xiiso leh.