Yaa hadda sugaya aminiga doorashada Golaha Shacabka?

Iyadoo maanta loo ballansan yahay in guddoonka Golaha Shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaan haddana waxaan cadeyn inay maanta dhici doonto doorashada iyo inkale sababo la xiriira khilaaf dhanka amniga oo xalay soo shaacbaxay oo Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa iska mari la' cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada iyo xildhibaanna matalaya gobolka Gedo.
Yaa hadda sugaya aminiga doorashada Golaha Shacabka?

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya, si waafqasan heshiiskii 17-ka September
Dhanka kale, Taliyaha booliska Soomaaliya, janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Talaadadii sheegay in ilaa iyo hadda aanay heyn liisaska dadka ka qeybgalaya doorashada guddoonka Golaha Shacabka isla markaana ay aheyd in liisaskaas loo soo gudbiyo maalin ama labo maalin ka hor.
Wuxuu ku taliyay in doorashada dib loo dhigo maadama aanan loo soo gudbin liiska dadkii ka qeybgeli lahaa.
"Liiska lamana keenin wax aan hayno ma lahan, taas waxay i tuseysaa in aan anagu ka boolis ahaan mas'uuliyadda amniga ee doorashada aanan damaanad qaadi karin , taladeenuna waxaa weeyee in dib loo dhigo sabahaa awgood iyo amngi dartii" ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan Xijaar.
Wax yar ka dib, warqad kasoo baxay wasiirka amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay taliyaha booliska oo uu ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo doorashada isla markaana uu isku dayay in uu hor istaago doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidaa darteed, wuxuu sheegay in taliye ku xigeenka booliska uu shaqada sii wadi doono.
Sida ay BBC-da ogaatay waxaa hadda amniga sugaya oo goobta ku sugan Ciidamada Mikdowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidmo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Khilaafka kuraasta Gobolka Gedo

Xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashada golaha shacabka ayaa sheegay in aanay teendhada tegi karin xildhibaannada laga soo doortay labada degmo ee Gedo, xilli gudoomiyaha guddigaas uu ku adkeysanayo in xubnaha aanay xaq u lahayn inay go'aan ka gaaraan xildhibaannada ka qaybgalaya doorashada iyo kuwa aan ka qaybgalayn.
Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xildhibaanada aanay xaq u laheyn inay go'aan ka gaaran xildhibaanada shirka ka qeybgalayo iyo kuwa aan ka qeybgaleynin balse taas uu gacanta ku hayo guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xildhibaanadii lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaaharrey aysan ka qeybgeli doonin doorashada guddoonka Golaha Shacabka "iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen".
Khilaafka Xildhibaanada Gobolka Gedo laga soo doorto ayaa uu muddooyinkii dambe xudun u noqday xiisadaha ku gedaamaan doorashada Soomaaliya waxayna arrinta cirka isku sii shareertay ka dib markii Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, uu ku baaqay in la dhaariyo 16-ka xubnood ee ku soo baxay doorashadii ka dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Doorashada Ceelwaaq ayaa waxaa barbar socday doorasho kale oo ay iyadana ka soo baxeen 16 xildhibaan oo laga soo doortay Garbahaarreey.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xildhibaannada Golaha Shacabka, Maamul Goboleedka Jubbaland-na waxaa loo asteeyay in doorashadooda ay ka dhacaday Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarreey hasayeeshee Maamulka Jubaland ayaa ku doodayay in Garbahaareey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka.
Xiisadda Gedo ayaa taagneyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay gacan ku haynta gobolkaas la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka, kuwaas oo meesha ka saaray maamulkii Jubaland ee gobolka xukumayay.
Arrinta Gedo ayaa kamid ahayd dhowr qodobo oo muddo ay u xayirnayd doorashada Soomaaliya, inkastoo dhammaan kuwii kale xal laga gaaray.
Yaa u tarmaya guddoonka?
Guddoonka Baarlamaanka 11-naad waxaa u tartamaya siddeed xubnood oo dhammaantoodba rag ah, waxaana ay kala yihiin:
Xil. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Xil. Aadan Saransoor, Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xil. Sheekh Maxamed Cabdalla iyo kuwa kale.











