Amniga Madaxweyneyaasha: Sida loo ilaaliyo Madaxweyneyaal uu ku jiro Farmaajo

Xigashada Sawirka, Reuters
Mid ka mid ah shaqooyinka ugu halista badan ee adduunka waa in la qabto xilka madaxweynaha, meelaha qaarna waxayba ka tahay jagada ugu khatarta badan, maadaama ay tahay mid xasaasi ah, yihiin kuwa ah bartilmaameedka koowaad.
Waxaa jira madaxweyneyaal ku nool waddamo ay uu ka jiro qalalaase ama ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan kooxo argagixiso ah. Dalalka qaarna waxaa ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeedo hoggaanka dowladda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha, sida waddamo ka mid ah carabta iyo Afrika.
Bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay, madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Mali, Korneyl Assimi Goita, ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa xilli uu ku tukanayay Masaajid. Weerarka fashilmay wuxuu daba socday afgembi ka dhacay dalkaas.
Isla bishaas gudaheeda waxaa la dilay madaxweynihii dalka Haiti, Jovenel Moïse, kaasoo dilkiisa uu ilaa hadda yahay dhacdo aan xog badan laga haynin. Waase fal tusaale u ah khatarta ay wajahayaan madaxweyneyaasha.
Haddaba sidee loo sugaa amniga madaxweyneyaasha khatarta ku jira?
Marka laga soo tago waardiyaha khaaska ah ee madaxweynaha daba taagan, waxaa jira koox kale oo u xil saaran amniga hoggaamiyaha, kuwaasoo inta badan ka socda waaxda sirdoonka.
Xirfadda ciidanka Sirdoonka iyo xogta ay helaan ayaa aasaas u ah badbaadinta nolosha madaxweyne kasta oo xil haya.
Inta badan waddamada caalamka waxay ilaalinta amniga hoggaamiyaha ugu sarreeya ku wareejiyaan taliska sirdoonka, kuwaasoo sii saadaalin kara khatarta kusoo fool leh.
Tusaale ahaan, sirdoonka Mareykanka ayaa gacanta ku hayay difaaca madaxweyneyaasha waddankaas tan iyo sanadkii 1901-dii, kaddib markii dil loo gaystay William McKinley, oo ahaa madaxweynihii 25-aad ee soo maray Mareykanka.
Muxuu yahay doorka Sirdoonka?
Shaqada laanta Sirdoonka waa in ay aruuriyaan macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha keeni kara khatarta amni, si wax looga qabto ka hor inta aysan dhicin.
Taasi waa sababta ay iyagu si gaar ah ugu xil saaran yihiin in ay sugaan amniga madaxda sare oo uu ka mid yahay Madaxweynaha ama Ra'iisul Wasaaraha.
Howlgallo khaas ah oo mararka qaar hubaysan ayay ka fuliyaan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyagoo wax walba u sameynaya qaab qarsoodi ah. Waxaa kale oo jira xiriir ka dhaxeeya sirdoonka dalalka qaar ee saaxiibbada ah.

Xigashada Sawirka, KEVIN LAMARQUE/REUTERS
Haddii uu waddan ka dhaco fal lid ku ah dowladnimada, eedda ugu horraysa waxaa leh saraakiisha sirdoonka ee shaqada haya. Waxaa kale oo howlahooda ka mid ah in ay xog ka raadiyaan waddanka dibaddiisa iyo in ay saadaaliyaan waxyaabaha ka dhacaya caalamka.
Waxaan eegeynaa qaar ka mid ah madaxda adduunka ee laga ilaaliyo kooxaha argagixisada iyo qalalaasaha ka dhashay dagaalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Dalalka ay kooxaha loogu yeero argagixisada ka howl galaan waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo kooxda al-shabaab ay fariisimo ku leedahay.
Siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta dowladda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha ayaa bartilmaameed u ah kooxdan, sida ay marar badan horay u sheegtay.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Horraantii isbuucan, taliska Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirodonka Qaranka, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in ay madaxda dalka ku wargeliyeen xog ku saabsan in al-Shabaab ay diyaarinayaan weerarro lagu beegsanayo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Amniga madaxweynaha Soomaaliya waxaa u xil saaran ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban Amisom iyo militeriga Soomaaliya, kuwaasoo si joogto ah u ilaaliya madaxtooyada.
Waajibaadka ciidanka Amisom waxaa ka mid ah in ay ilaaliyaan mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo xarumaha xukuumadda, iyagoo kaashanaya ciidanka xoogga dalka.
Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu leeyahay cutub ka tirsan ciidanka sirdoonka oo leh taliye u gaar ah, waxayna u xil saaran yihiin sugudda amniga Madaxweynaha iyo qoyskiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddankan ayaa sidoo kale hay'adihiisa amniga mid ka mid ah ka dhigay "Laanta La dagaallanka Aargagixisada, kuwaasoo howshoodu ay tahay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha khalkhalka galiya amaanka.
Kooxda al-Shabaab ayaa Kenya marar badan ka fulisay weerarro waaweyn, waxayna ku gooddiyeen in ay sii wadi doonaan falalkooda ka dhanka ah amniga Kenya.
Vladimir Putin
Markii uu billowday dagaalka Ruushka, waxaa durbadiiba sare loo qaaday amniga madaxweyne Vladimir Putin, oo waxyaabo badan lagu soo kordhiyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sirdoonka Ruushka ayaa dareensan in Putin uu bartilmaameed yahay, amnigiisana waxaa loo xil saaray ciidamo badan oo isugu jira kuwo ku hareereysan iyo kuwo dusha sare ka ilaaliya.
Koox ka tirsan ciidanka sirdoonka ayaa loo xil saaray in qaarkood ay Madaxweynaha la socdaan, qaar ay dhex galaan shacabka, halka qaar kalena ay fuulaan dhismeyaasha ku dhow goobaha uu Putin joogo, si ay u toogtaan cid walba oo halis ku ah.
Sidoo kale waxaa laga ilaaliyaa in cuntada ama cabitaanka sun loogu daro, waxaana mamnuuc ah ah Putin in uu isticmaalo telefoonnada casriga ah, si uusan dhib uga soo gaarin weerar looga so qaaday dhanka internet-ka.











