Afar arrimood ka ogow weerarkii xalay ka dhacay Gaalkacyo

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo, qeybta maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, uu ku dhintay labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray is rasaaseyn ka dhacday guri ay kulan afur ah ku lahaayeen.
Dadka dhaawacmay ayaa kala ah taliye ku xigeenka booliiska gobolka Mudug ee Puntland, Cabdi Siciid Xuseen Koomaad iyo duqii hore ee magaalada Gaalkacyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Gaashaanle Muumin Cabdi Shire oo ah taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland.
Cabdisaciid Muuse Cali ayaa qoraal uu xalay bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu weerarkaasku ku sheegay isku day dil oo isaga lala damacsanaa, wuxuuna ku eedeeyay taliyaha booliiska gobolka Mudug ee Puntland, isagoo sheegay inaysan ka hari doonin arrintaas oo baaritaan lagu sameyn doono.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Sidee ayay wax u dhaceen?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Weerarka ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay beerta guri uu magaalada Gaalkacyo ka deggan yahay duqii hore ee magaalada ahna nabaddoon caan ka ah gobolka, Yaasiin Cabdisamad.
Guriga uu kulan afur ah uga socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali, Nabaddoon Yaasiin, nabaddoonno iyo siyaasiyiin kale ayaa waxaa ka dhacay is rasaaseyn dhex martay ciidamada Puntland iyo ilaalada wasiirka.
Gaashaanle Muumin Cabdi Shire oo ah taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland, ee uu wasiir Cabdisiciid ku eedeeyay inuu weerarka ka dambeeyay oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ciidanka weerarka geystay ay sameynayeen roondo.
"Waxay wax ka dhaceen meel beer ah oo ay ku sugnaayeen wasiirka arrimaha dibadda iyo ciidan PSF ah oo ilaalo isaa u ahayd, iyo ku xigeenka qeybta oo watay ciidan yar oo roondo ah oo doonayay inuu wax uun ka ogaado waxa meesha socda, sidaas darteed kolley wax haddeer weyn oo meesha ka jiray oo afur aan ahayn oo markii dambe aan ogaannayna ma jirin, dabcan amar dagaal oo soo baxay oo ahaa in meeshaas la weerarana ma jirin," ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ayaa intaas ku daray inay maamulka Puntland uu u soo diray guddi baaritaan ah oo u kuurgeli doona sida ay wax u dhaceen.
Muxuu wasiirku ka doonay Gaalkacyo?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali oo shalay tegay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu magaalada u tegay in maalmaha dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan uu waqti la soo qaato qoyskiisa.
"Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah. Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh" ayuu yiri wasiir Cabdisaciid Muuse.
Hase yeeshee in kulanku ahaa mid afur ah waxaa beeniyay Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, mar uu warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu ku eedeeyay wasiirka inuu fidno waday.
Wuxuu intaas ku daray in wax shaq ah oo wasiirka Gaalkacyo ka yaalla aysan jirin, isla markaana uusan qoys u joogin sida uu wasiirku sheegay.
Muxuu maamulka Puntaland ka yiri?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/Ahmed Karaash
WWasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal bartiisa tweterka soo dhigay ayaa ku eedeyay taliyaha ciidamada booliska gobalka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Muumin Cabdi Shire inuu weeraray xilli la afurayay isaga falkaasna ku tilmaamay inuu ahaa isku day dil.Balse Taliyaha ayaa dhankiisa beeniyay hadalkaas.
Taliyaha ayaa sheegay in8usan jirinw ax mar ah oo ay dowladdu bixisay oo la xiriiray weerarkaasi.
"Dhabcan baaritaanka ayaa lau ogaan karaan ma jirin wax amar dowladeed oo ah in meeshaas la weeraro. Arrintan wax ka dhex dhacday ciidankaa ka tirsan PSF-ta ee ilaalinayay wasiirka iyo ciidammada booliska. Nin ma'suul sare o boolis ah ayaa sidoo kale Meesha joogay o u tagay inuu madaxda la hadlo," ayuu yiri
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo ka hadlay weerarkaas xalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana uu u magacaabay guddi baaritaan ku sameeya sida ay wax u dhacee.
Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ka tacsiyeeyay khasaarihii weerarka ka dhashay isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka dambeysay weerarka.
"Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.
Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.
Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan." Ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Facebook.
Maxaa xilligan ku soo beegay?

Xigashada Sawirka, Puntland State House
Weerarka ayaa kusoo aadaya iyadoo maamulka Puntland ay amarro ka soo saareen shirarka siyaasadeed ee lagu qabto magaalooyinka Puntland, ilaa iyo haddana lama oga, sababta rasmiga ah ee weerarkaas ka dambeysay.
Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in maaddaama xaaladda ammaanka ee gobolku ay xasaasi tahay la soo rogay amar ah inaan shirar siyasaadeed lagu qaban.
Dhanka kale, Yaasiin Cabdisamad waa duqii hore ee Gaalkacyo, waana nabaddoon aad looga yaqaanno gobolka. Waayadaan dambe ayaa la sheegay inuu dhaliil u jeedinayay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Meesha wax ka dhaceen oo ah aagga ciid guduudda ayaa la sheegay inuu haatan deggan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisciid Muuse Cali iyo wasiirro kale oo Puntland ah iyo siyaasiyiin kale, waana goob si aad ah loo ilaaliyo sida ay wararku sheegayaan.
Weerarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka Puntalnd Axmed Cusmaan Karaash uu dhowaan sheegay inuu si ku meel gaar ah ula wareegay maamulka, iyadoo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku maqan yahay magaalada Muqdisho, isagoo u sharraxan madaxtinnimada Soomaaliya.










