Miyaa lagu khiyaanay Putin duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine?

Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay marin-habaabiyeen la taliyeyaashiisa oo aad uga baqaya inay u sheegaan saameynta ba'an ee dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale ay sirdoonka reer galbeedka sheegeen in madaxweyne Putin aan loo sheegin saameynta dhabta ah ee cunaqabateynada ku yeelan karaan dhaqaalaha Ruushka, sida uu aqalka cad sheegay.

Aqalka Kremlin ayaan weli ka jawaabin warkan ka soo baxay sirdoonka dalalka reer galbeedka.

Afhayeenka Aqalka Cad Kate Bedingfield ayaa sheegtay in Mareykanka uu hayay war ah in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga taasna ay ka dhalatay xiisad joogto ah oo u dhaxaysa Putin iyo hoggaanka militariga.

waxay sheegtay in dagaalka Putin uu Ruushka ka dhigi doono mid daciif ah islamarkaana uu noqon doono mid go'doon ku jira.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaanshigga Mareykanka John Kirby ayaa isagana ku baaqay in war la'aanta Putin ay sameyn ku yeelan karto dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa bilaabay isku dayo ay Ruushka dib ugala wareegayaan qeybo ka mid ah meelaha uu horey qabsaday.

Jeremy Fleming, oo ah madaxa hay'adda sirdoonka Britain ee dhanka internet-ka ayaa sheegay in Ruushka uu si khaldan u qiimeeyay xaaladda uuna ku qasbanaaday inuu dib u fakaro.

Ciidamada Ruushka ayaa si lama filaan ah u soo riday diyaarad ay iyagu leeyihiin, mararka qaarna waa ay diidi jireen in ay u hoggaansamaan awaamiirta, sida ay sheegtay laanta internetka u qaabilsan hay'adda sirdoonka ee Britain.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Dhanka kale Ruushka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dadka rayidka ah u oggolaadaan inay ka baxaan magaala Mariupol Khamiista haddii Kyiv ay damaanad qaado inay ilaalin doonto shuruudaha xabbad joojinta.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo Laanqayrta Cas ay gacan ka geysan doonaan daadgureynta dadkaas oo billaaban doona tobanka subaxnimo ee xilliga dalkaas.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ukraine balse isku dayo hore oo lagu doonayay in xabad joojin lagaga dhaqangaliyo Mariupol ayaa burburay iyadoo ay labada dhinac ku eedeeyeen caqiidada.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa dhankiisa ka digay in Ruushka uu ciidamadiisa ka saarayo caasimadda iyo waqooyiga si ay ugu diyaar garoobaan weerarro cusub oo ay ku qaadaan degaanka Donbas ee bariga dalkaasi.

Muuqaalkiisii ugu dambeeyy ee uu soo duubo ayaa waxaa uu intaa ku daray in dib u bixida Ruushka ay sabab u tahay difaaca adag ee ciidamada Ukraine ay ka xirteen caasimada Kyiv iyo Chernihiv.