Ra'iisul Wasaare Rooble:"Waa noolyihiin kuwii qarashka ku bixiyay ninkii Aamino isku qarxiyay"

Maxamed Xuseen Rooble raysal wasaaraha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

Qoraalka sawirka, Maxamed Xuseen Rooble raysal wasaaraha Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ka hadlayay kulan loogu tacsiyaynayay Allaha u naxariistee xildhibaannad Aamino Maxamed Cabdi, oo dhawaan iyada dad kale lagu dilay qaraxa ka dhacay magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in gacanta dishay Aamino ay tahay gacantii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo horey uga tirsaneed sirdoonka Soomaaliya isla markaana la waayay.

"Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay in aan caawa dhiman karo in Aamino gacanta ka gardaran ee dishay ay ahayd gacantii Ikraan ka dambeysay" ayuu yiri ra'iisul Rooble.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in ka hor dhimashadii marxuumad Aammino ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe ka wada hadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida uu Rooble sheegay guddoomiyihii la badalay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamino u tartamaysay cid gaar ah loo xiro.

Kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle lana magacaabay guddoomiye kale ra'iisul Rooble wuxuu sheegay in wakhtigaas wax yar kadib loo soo diray fariimo loogu hanjabayo.

Kulan tacsi ah

Xigashada Sawirka, RadioMuqdisho

Qoraalka sawirka, Kulan tacsi ah

"Walaalkey Cali Guudlaawe subixii dhaweed ee uu isoo wacay oo ay is khilaafeen guddoomiyaha SEIT ee Hirshabeelle kaas oo doonayay in kuraas u xirnaato oo dad gooniya la siiyo, markii madaxweyne Guudlaawe aqbaly in kuraastaasi la furo oo ila soo xiriiray garabna aan ku siiyay in ninkaasi la badalo waxaan isla markii aniga madaxweyne Guudlaawe ka wadahadllanay furitaanka kiiskaas oo ay Aamino ka mid tahay in dhibaato ay soo gaari doonto," ayuu yiri Rooble.

Isaga oo arrintaa ka sii hadlaya ayuu hadalkiisa waxaa uu raaciyay:-" Ilaahaa iga sarreeya wax saacad ka yar kadib fariimo ayaa ii soo dhacay waan hayaa oo la illeeyahay kursigaas Aamino furitaanka aad furteen boob iyo ujeeddo ayaad ka leedahay laakin waa waxaad ka hesho". Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dadkii qarashka ku bixiyay dilka Aamino iyo kuwii abaabulayba ay noolyihiin isla markaana aan laga hari doonin.

"Waa noolyihiin kuwii qarashka ku bixiyay ninkii Xildhibaannad Aamino isku qarxiyay kuwii abaabulay waa noolyihiin laakin in sha Allah, Alle Subxaanuhu Watacaalaa wuu ka soo saarayaa xaqdarada ay galeen mana ka haraynno intaan noolahay," ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.