Laacib Muslim ah oo daafaca uga ciyaara West Ham oo Bisad sida kubadda u laagay

Kurt Zuma

Xigashada Sawirka, VISON HOUSE

Muuqaal laga baahiyey Ciyaartooyga reer Faransiis ee difaaca uga ciyaara kooxda West Ham United, Kurt Zuma oo bisad laadaya ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn xooggan.

Dhinacyada Kurt cambaareynta uu soo jeediyey waxaa ka mid ah kooxda West Ham uu u ciyaaraya lafteeda.

Booliska iyo ururrada u dooda xuquuqda xayawaanaadka waxay sheegeen iney dhacadaasi baaritaan ku hayaan.

Tageerayaasha Laacibkan oo aad uga xun falka uu Kurt Zouma ku dhaqaaqay ayaa xalay ku qaylinayey markasta uu ciyaartooygaasi kubbad uu taabto si ay ugu muujiyaan sida ay uga xun yihiin ficilka uu sameeyey.

"Baaritaanno degdeg ah ayaa dhacdadaasi ku haynaa," ayey boolisku yirahdeen.

Kooxda West Ham waxay sheegtay arrinta iney si hoose u eegeyso, iyada oo Kurt uu arrinta raalli gelin uu ka bixiyey.

Tababaraha West Ham David William Moyes wuxuu sheegay "Kurt waxa uu sameeyey iney wanaagsaneyn balse uu u makhraati kacayo inuu yahay ciyaartooyga ugu wanaagsan ee ay kooxdiisu haysato."

Kurt Zouma

Xigashada Sawirka, BBC Sport

"Kurt Zouma oo 27 jir waxaa uu yiri: "Ficilka aan sameeyey raalli gelin ayaan ka bixinayaa. Si niyad ah ayaan uga qoomameynayaa waxa aan sameeyey oo aan wax qiil ah u haynin."

"Dadkii muuqaalkaasi daawaday waan uga tacsiyeynayaa waxa ay dareemeen. Waxaanna idiin xaqiijinayaa labadi bisadoodba iney bad qabaan."

Ciyaartooygan daafaca ka ciyaara ayaa xagaagan heshiis £29.8 malyan oo gani la saxiixday kooxda West Ham United. Kooxduna ficilka uu ku dhaqaaqay Zouma si weyn ayuu u cambaareeyey.

West Ham waxaa kale oo ay sheegtay "Xadgudub kasta oo nooc kasta oo xayawaanaadka loo geysto aan marnaba la aqbaleyn."

Kurt Zuma

Afhayeenka Urur u dooda xuquuqda xayawaanaadka oo lagu magacaabo RSPCA wuxuu sheegay,"waxaan la soconnaa muuqaal bisad lagu xadgudbay hase yeeshee ay arrintu ka hordhaceynin iyaga oo booliska kaashanaya ay baaritaan wadaan. Dhacdadana waa mid laga caroodo."

Ciyaartooyga Kurt Zouma waxaa sidoo oo kale cambaareyn u soo jeediyey guddiga fulinta ururka ay leeyihiin laacibiinta kubbadda cagta ee caalamka.

"Laacibka ma ganaaxi karno balse waxaan ganaaxeynaa ciddii ciyaartooygaasi shaqaaleysatay. Doorkannaga wuxuu yahay ciyaartooyda ficillada noocan ah la yimaaddo inaan la aqbali karin aan u sheegno."

Kurt Happy Zouma

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa kuma Kurt Zouma?

Kurt Happy Zouma wuxuu dhashay 27-kii Oktober 1994-kii.

Waana ciyaartooy dhalasha Faransiis haysto balse asal ahaan ka soo jeedo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika wuxuuna u soo ciyaaray kooxa ka tirsan Primer League oo ay West Ham ka mid tahay iyo xulka qaranka Faransiiska.

Kurt markii ugu horreysay wuxuu u soo ciyaaray looxda Faransiiska ee Saint-Etienne xilli ay da'diisu ahayd 16 jir.

2013-kina wuxuu u wareegay kooxda Coupe de la Ligue. Bishii January 2014-kina wuxuu ku biiray kooxda Chelsea isaga oo la saxiixday £12 malyan oo gini.

Bishii July 2017-kii wuxuu ku biiray Stoke City isaga oo amaah kooxdaasi ula joogay 2017-18. Intaa ka gadaalna wuxuu markale amaah ahaan uu ugu wareegay Everton oo uu la joogay intii u dhaxeysay 2018-19.

Ciyaartoygan oo asal ahaan ka soo jeedo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika isaga oo dalka Faransiiska markii dambe u hayaamay. Walaalahii Lionel iyo Yoan labaduba waa ciyaartooy iyaguna daafaca ka ciyaara.

Zouma wuxuu guursaday haweney lagu magacabo Sandra waxayn u dhashay 3 carruur ah.

Zouma oo ah Muslim diintiisa aad ugu dhaqmo wuxuu waajibaadka xajka uu soo gutay 2019-kii.

Wuxuuna caan ku yahay oo ciyaartooyda kale ee Muslimka ee kubadda cagta kooxaha kala duwan u ciyaara dabeecad wanaag iyo inuu diintiisa ku dhaqmo.

Dad badan oo Kurt Zouma wanaaggiisa garanayeyna waxay u qaadan waayeen muuqaalka laga baahiyey isaga oo bisad laadaya maadaamaa ay ciyaartoygan ficil noocaasi ah ay marnaba ka filaneyn.