Somaliland: Markii uu Midowga Afrika wax yar u jirsaday inuu aqoonsado Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax Bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muusa Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu Midowga Afrika ay mudan tahay iney tixgeliso shacabka Somaliland.
Biixi ayaa sheegay shacabka Soomaaliland inuu mudan yahay tixgelin haddii aan wax loo tareyn in la siiyo inuu sida u isagu doortay lagula shaqeeyo oo ah inuu qarannimo madax bannaan ah doortay.
"Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno walaaladayada ayaa khaldan oo leh aan wada gubannee soo hara."
"Ururka Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wafdigii uu soo diray 2005-tii ee yiri arrinta Somaliland wey ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego in tii halkii laga qaado oo la soo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa," ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax Bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaaliland Muusa Biixi Cabdi oo khudabad ka jeedinayey munaasabad loogu talagalay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay ciidammada Somaaliland.
Haddaba Guddigi xaqiiqa raadinta ee ka socday midowga Afrika ee Somaliland booqday 2005-tii uu Madaxweyne Biixi soo hadal qaaday waxay booqashadooda ka diyaariyeen bayaan lix bog ka koobnaa oo ay kaga hadlayeen xaqiiqooyinka ay ku soo arkeen Somaliland inti ay booqashada ku marayeen.
Bayaanka Midowga Afrika uu 2005-tii ka diyaariyey Guddi Midowga Afrika ka socday
Guddiga xaqiiqa raadinta ee ka socday Midowga Afrika waxay Somaliland booqasha ku tageen inti u dhaxeysay 30-ka April-4-ta MAy 2005, si ay ugu ku uurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqan-dhaqaale, amniga, baniaadanimada iyo arrimaha kale ee la halmaala.
Guddiga xaqiiqa raadinta oo u hogaminayey ku xigeenka golaha Midowga Afrika Patrik Mazimhaka booqashadana ay ku wehliyeen xubno kale oo ka koobanb khubaro dhinaca amniga iyo miitariga.
Guddigu booqashadooda Somaliland markii ay dhameysteen waxay dib ugu laabteen magaalada Addis Ababa waxayna diyaariyeen bayan dhowr bog ka kooban.
Bayaanka dabagalka ee ay Somaliland ku sameeyeen guddi ka socday midowga Afrika ayaa ka koobnaa lix qodob oo cinwaan uga dhigeen booqashadi dabagalka ee ay Somaliland ku sameeyeen iyo waxa ugu soo baxay. Qodobbadaasi oo kala ah:
Ujeedka Socdaalkooda:
Qodobka koobaad guddigu waxay ku faahfaahiyeen ujeedka Socdaalka ay ku tageen Jamhuuriyadda Iskeed Madax Bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaaliland iyaga oo sheegay iney booqashadaasi ka dambeysay casuumaad ay dhanka Somaliland ka heleen.
Madaamaa ay Somaliland si isdaba joog ah Midowga Afrika ay sanadihi 2003, 2004, iyo 2005 ay uga codsatay Midowga Afrika iney u soo dirtay guddi u kuurgala xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ka jira Somaliland si ay AU ugu fududaato ka jawaabidda qadiyadda Somalialnd.
Inta ay socdaalka ku jireen waxa u qabsoomay:
Guddiga booqday Somaliland warbixintooda waxay ku sheegeen iney wadatashiyo kala duwan ay magaalada Hargeisa kula yeesheen dhinacyada siyaasadda Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Sida Madaxweynah, golahiisa wasiirrada, Ergada Ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada rayadka, siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada haweenbka.
waxayna guddigu booqashadooda ku soo mareen Dekadda Berbera, magaalada Boorama iyo magaalada Sheikh iyo deegaannada ku xeeran iyada shacabka magaalooyinkaasi kulammo iyo wada tashiyo la qaatay.
Dhammaan kulammada ay bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiintaba la yeesheen farriinta loo gudbiyey ee ay ka soo qaadeen ayaa waxay tahay: "Madax bannaanida Somaliland iney lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galeyn, dib dambana ay Soomaaliya ula midoobeyn ayna doonayaan iney Midowga Afrika iyo Beesa caalamkaba ay Somaliland ictirafaan."
Qiimeynta Guud ee xaaladda Somaliland:

Xigashada Sawirka, .
Guddigu waxay sheegeen booqashada ay ku tageen Somaliland iney ku qanceen ayna soo arkeen iney Somaliland qiimeyn guud markii ay ku sameeyeen ay garwaaqsadeen iney Somaliland ay leedahay dhammaan sifooyinki ay dowlad madax bannaan yeelan lahayd.
Guddigu waxay sheegeen aragtida gooni isu taagga ee Somaliland inay soo billaabatay 1991-kii markii ay burburtay dowladdii uu madaxweynaha u ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Somaliland markii ay gooni isu taaggeeda ay sameysatay Dastuur dhammeystiran oo qab dhismeedka iyo awoodaha dowladda qeexaya, ayna maamusho dhammaan dhulki uu xilligi guumeystaha uu Ingiriiska maamuli jiray ee la oran jiray British Somaliland.
Dhul ahaan ay xad la leedahay Badda cas iyo Gacan Cadmeed, ayna ku nool yihiin dad ka badan 3,5 malyan. Waxayna guddigu qirteen iney Somaliland buuxa hanatay marka lo eego Koonfurta Soomaaliya iyo gobolka sida u u gubanayo. Ayna leedahay dhaqaale ku filan oo ay isku maamuli karto wa sida ay guddiga midowga Afrika ka socday ee Somaliland booqday ay warbixintooda ku sheegeene.
Natiijada Booqashadooda:
Guddiga xaqiiqo raadinta ee Somaliland ee booqashada ku tagay waxay booqashadooda ku ogaadeen arrimahan soo socda:
- Somaliland tani iyo markii ay ku dhawaaaqaday gooni iisu taagga iney ku dhaqaaqday hirgelinta nidaam dimuqradiyadeed taasoo qaranimada aasaas u ah.
- Dhibaatooyinka Somaliland ka soo wajaha dhinacyada Siyaasadda, dhaqan-dhaqaale, ciidan iyo bani aadanimo iney ahayeen kuwa ay ka dhaxleen midowgi ay soomaaliya la midoobeen.
- Shacabka Somaliland ineyu baahan yihiin dhibaatooyinki ka soo gaaray midnimadi ay soomaaliya la qaateen uu burbur badan dhaxalsiiyey ayna u baahan dhaqaale badan oo ay dhibaatooyinkaasi uga soo kabtaan.
- Somaliland inkasta oo ay ku tallaabsatay hirgelinta nidaam dimuqraadiyadeed oo heer wanaagsan maraya haddana waxay daldaloolooyin ka jiraan oo wax ka qabasho u baahan arrimo ay ka mid yihiin sinnaanta jinsiga iyada oo raggu awoodda ugu badan ee dalkaasi ay hayaan. Dumarkana loo baahan yahay in siyaasadda iyo waxabarashada si buuxda looga qayb geliyo iwm.
Talada ay guddigu soo jeediyeen Guddiga Midowga Afrika:
- Waxay guddigu sheegeen iney soo arkeen rabitaanka shacabka iyo soo jeedinta cad ee maamulka Somaliland marka la eego taariikhda siyaasadeed ee Somliland midowgi 1960-kii dhacay uu ku keenay dulmi iyo dhibaato baaxad leh.
- Waxayna sheegeen iney soo ogaadeen dib u midoobidda Hargeysa iyo Muqdisho iney mutaxiil tahay marka la eego mowqifka shacabka Somaliland iyo maamulka ka arrimiyaba.
- Midowga Afrikana arrinta Somaliland waa inuu si gaar ah uu u wajaha.
- Mas'uuliyadda ugu weyn ee AU ictiraaf looga raadinayo Somaliland iney saaran tahay Shacabka Somaliland.
- Iney shacabka Somaliland ay dadaalladooda ictiraaf traadintana ay beesha caalamka gaarsiiyaan si rabitaanka shacabka uu u fulo.
- Iney shacabka Somaliland dhaqalahooda ay meel isugu geeyaan si ay gacan uga geystaan dhibaatooyinka bulshada saameeya sida daka soo barakacay ama qoxootiga ka soo laabtay.
- Ugu dambeyntina guddigu waxay soo jeediyeen Maadaamaa ay dhici karto Muqdihso iyo Hargeisa iney isku dhacaan ay AU abuuraan wadahadallo ay labada dhinac xiriirkooda muhiimka ah ku wanaajinayaan. Dadaalkaasina wa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaadaa.











