Feysal Cali Waraabe: Hangoolkeyga waa sida Ushii Nebi Muuse"

Qoraalka Codka, Feysal Cali Waraabe: Hangoolkeyga waa sida Ushii Nebi Muuse"

Siyaasiga Faysal Cali Waraabe, oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaardkaa UCID ee Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegay in hangoolka uu mar walba sito uu astaan u yahay baadigoobka ictiraafka Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in hangoolka sanadkii 1996 uu nin caaqil ah ugu dhiibay magaalada Gaashaamo ee dalka Itoobiya, xilligaas oo uu ka tirsanaa Guddiga Nabadda ee Somaliland.

"Waa ushii Nebi Muuse, ushii uu Nebi Muuse u waday Yahuudda ayaan anna ictiraafkii Somaliland ku raadinayaa" ayuu yiri Faysal oo u warramay BBC-da.

Wuxuu sheegay in hangoolka uu haatan sitaa uusan ahayn isla kii la siiyay berigaas, ee sanadkii xigay ee 1997-dii uu kaga lumay magaalada Gebilley ee Somaliland. "Reer Gebilley ayaan ku iri ii soo maga, oo kan aan haatan sito iyagaa ii keenay," ayuu intaasi raaciyay Faysal.

Dadka ayuu sheegay inay haddiyado ugu keenaan hangoolka, isagana uu sii bixiyo oo uu dadka kale haddiyado u siiyo.

"Gurigeyga sida ciidda ayuu u buuxaa hangoolka. Nin barafasoor ah oo Ruushka deggan ayaa hadda kahor warqad qoray oo yiri Faysal ha leyga soo qaado hangool," ayuu yiri.

Isagoo u warramay BBC-da ayaa dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay xilligii yaraantiisii, iyo wuxuu ku madadaalan jiray xilliyada uu firaaqada yahay.

Feysal waxaa astaan u ah halgoolka oo ah ul dhaqameed dheer oo Soomaalida aad u isticmaasho, inkasta oo tan uu Faysal wato ay tahay mid gaaban.

Taariikh nololeedka Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe
Qoraalka sawirka, Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanaddii 1948 . Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadiihii lixdamaadkii .

Sanadihii 1965kii ilaa 1968 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee engineering-ka ah ku soo qaatay jaamacadda ee Leningrad ee dalka Ruushka.

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda hawlaha guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday faysal madaxii engineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal cali waraabe ahaa gudoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan . burburkii dawladdi dhexe ee somaliya 1991 wuxuu faysal iyo qoyskiisu u qaxeen dalka Finland . jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Faysal Cali waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID ee Somaliland ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi wuxuu 1994 ilaa 1996 uu afhayeen u ahaa koox aqoonyahanno iyo odayaal ahaa oo qurba jog ahaa oo u soo gurmaday xallinta colaadihii la soo dersay xilligaasi Somaliland.

Sanaddii 2000 wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga mucaaridka ee UCID ee cadaaladda iyo daryeelka oo gudoomiye loo doortay shirweynihiisii ugu horeeyay ee 2001.

faysal Cali waraabe wuxuu yahay hadda murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ee UCID doorashada 13november 2017 isagoo laba jeer oo hore u soo tartamay doorashooyinkii madaxeynaha ee 2003 iyo 2010 oo aanuu ku guuleysan . Faysal wuxuu ku hadlaa afafka Ingriisi, carabi , rush iyo finish .

Faysal Cali waraabe wuxuu leeyaha xaas iyo sagaal caruur ah oo siddeed wiilal yihiin .