Muxuu doonayaa Kim Jong-un?

Kim Jong Un

Xigashada Sawirka, KCNA VIA REUTERS

Qoraalka sawirka, Kim Jong Un

Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo waramayaa in ay gantay gantaalkii ugu weynaa tan iyo sanadkii 2017-kii, kaas oo masaafo ahaan gaaray 2,000km ka hor inta uusan ku dhicin badda Japan.

Xeeldheerayaasha gobolka ayaa ku doodaya in gantaalka uu ahaa baaq uu Kim Jong-un doonayo in uu kusoo jeediyo dareenka Maraykanka, si dib loogu bilaabo wada hadaladii dhanka Niyuukleerka ee joogsaday.

Waxa ay sidoo kale sheegayaan in sida caadada ahayd ay Kuuriya Waqooyi doonayso in ay muujisay awoodeeda ciidan.

Balse marka laga tago arrimahaasi, maxay tahay ujeedooyinka kama dambeyska ah ee uu doonayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John Un?.

Qubarada militariga ee aan la hadalnay waxa ay qabaan in KW ay ku socoto waddadii ay ku yeelan lahayd awood aanan la loodin karin oo dhanka gantaalada iyo niyuukleerka ah.

Prof Kim Dong Yup oo horey u ahaa taliye ka tirsan ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa yiri "Sababta aan ula yaabno KW marka ay gantaal tuuraan ayaa ah waxa aan marka horeba qiyaas qaldan ka haysanaa awooddooda qalabka militariga, waxaanan iska dhaadhicinaa in Kuuriyada Waqooyi ay hadda ku jirto dhibaato, balse waxaa cad in ay sii horumarinayso awooddeeda militari in ka badan inta aan qiyaasayno".

Labo tijaabo oo la sameeyay 5-tii iyo 10-kii bisha Janaayo, xukuumadda Pyongyand waxa ay sheegtay in si guul ah ay u tijaabisay gantaalka loo yaqaano HGV ee guuxiisa ka dheereeya, iyo kan loo yaqaano MARV ee is rogroga badan.

Haddaba maxay ka dhigantahay tani?

Tani waxa ay ka dhigantahay in Kuuriyada Waqooyi ay samaysanayso tiknoolajiyad ay ku jiiri karaan nidaamka difaaca gantaalada qaaliga ah ee Maraykanka iyo Japan ku rakibeen gobolka

Gantaalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gantaalka

Duyeon Kim oo ka tirsan xarunta Centre for New American Century, waxa uu qabaa in Kim Jong Un uu samaysanayo gantaalo aan la ogaan karin in ay hawada kusoo jiraan, lagana hortagi karin , kuwaas oo jiho wareerin kara nidaamka difaaca gantaalada ee casriga ah ee gobolka yaala.

"Waxa ay doonayaan in ay yeesheen nidaam waabin kara cadawga, sida seenta dib-qalooca" ayuu yiri Prof Yup.

Dib-qalooca seenta uma adeegsado in uu isku difaaco, ee wuxuu u adeegsadaa in uu ku weeraro, kuna dilo hadba sheeyga uu markaasi ugaarsanayo. Marka Kuuriyada Waqooyi qaabkee ayay u adeegsan rabtaa?.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureedba waxa ay ku celceliyeen in aysan lahayn waxa damac ah oo ay ku weeraraan Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ay sidaasi tahayna Kuuriyada Waqooyi waxa ay gaartay heerkii loogu talogalay oo ay isku difaaci lahayn wixii weerar ah ee lagu soo qaado, marka maxaa hoggaamiyaha dalkan yar ee faqiirka ah uu shan meelood meel daqliga dalkiisa ugu adeegsanaa dhanka militariga?.

Ankit Panda oo ka tirsan mac-hadka Carnegie ee nabadda waxa uu qabaa in marka laga tago waxa ay aaminsanyihiin dadka banaanka jooga, in Kuuriyada Waqooyi ay rumeysantahay in aysan haysanin hub ku filan.

"Kim wuxuu dareemayaa cabsi badan , waxay ila tahay in aysan jirin qof uu aamino, xitaa Shiinaha iyo Ruushka, sidaas awgeed wuxuu dareemayaa baahida ah in uu dhiso awoodiisa illaa heer uu karkaar dhaafiyo intii loo baahnaa" ayuu yiri Panda.

Balse dad kale ayaa qaba aragti taas ka duwan, Prof Brian R Myer oo wax ka dhiga jaamacadda Dongseo eek u taala magaalada Busan ee Kuuriyada Koonfureed ayaa qaba in Pyongyan ay leedahay hadaf aad u heersareeyo oo dhanka Niyuukleerka iyo gantaalada ah.

Qaar ka mid ah hubka Kuuriyada Waqooyi oo warbaahinta dalkaas ay soo bandhigtay sanadkii hore

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah hubka Kuuriyada Waqooyi oo warbaahinta dalkaas ay soo bandhigtay sanadkii hore

Waxa uu qabaa in ay gantaalada ay doonayaan in ay u adeegsadaan awood ay ku geli karaan gorgortan nabad ay la qaataan Kuuriyada Koonfureed, kuna xaqiijiyaan in Maraykanka uu ciidamadiisa ka saaro gacanka Kuuriya. Kadibna markaas Waqooyiga ay maquunin karaan Koonfurta.

Prof Panda waxa kale oo uu qabaa in Kuuriyada Waqooyi ay aad ugu wanaagsantahay in ay iyada isku darto ajandaha caalamka , taasi oo ay u marto gantaalada ay gamayso had iyo jeer, taasina ay soo jiidato dareenka caalamka.

Si hadafkaasi ay u xaqiijiso, Kuuriyada Waqooyi waxa ay dhalisaa qalalaase weyn, si la mid ah sidii ay samaysay dhawr jeer ooh ore.