Waa kuma dhaqtarka Muslimka ah ee wadnaha doofaarka ku beeray ninka bukaanka ah?

Pakistan

Xigashada Sawirka, Tribune

Qoraalka sawirka, Dhaqtarka ayaa taariikhda galay, kaddib markii wadne doofaar uu ku beeray bani'aadam
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Dr. Maxamed Mansuur Muxyadiin, oo ah dhaqtar u dhashay dalka Pakistan ayaa warbaahinta caalamka qabsaday, kaddib markii isaga iyo dhaqaatiir kale ay wadne doofaar ku beeray nin qabay xanuun dhanka wadnaha ah oo xaaladdiisu ay halis ahayd, sida uu faafiyay taleefishinka Turkiga ee TRT.

Ninkan qalliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo David Bennett oo 57 jir ah, ayay xaaladdiisu geeri qarka u saarneyd.

Dhaqtarka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ilaa 150,000 oo qof oo ku nool gudaha Mareykanka keliya ay sugayaan in xubno kale lagu tallaalo. Intooda badan bukaannadaas ayaa u dhimanaya xaaladdooda haddii aan loo helin xubin kale oo lagu beero, sababtoo ah ma jiraan xubno bini'aadam oo ku filan oo dhammaantood lagu wada talaalo, sida uu dhaqtarku sheegay.

Wuuxu intaas ku daray in shaqadiisa uu diiradda ku saaray uun in dadkaasi loo helo xubin kale oo lagu beero, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Pakistan ee Geo TV.

Qalliinkan taariikhiga ah ayaa guul weyn u ah dhaqaatiirta iyo baarayaasha Jaamacadda Maryland.

Safiirka Pakistan u fadhiya Mareykanka Dr. Asad Majeed Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu Dr. Maxamed Muxyadiin uga mahadceliyay guusha uu ka gaaray in markii ugu horreysay dunida uu wadnaha doofaarka ku beero bani'aadam.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dr Maxamed ayaa sheegay in warbixinta iyo baaritaanka ay kooxdu sameysay ay mustaqbalka ka faa'iidi doonaan bahda caafimaadka.

"Qalliinka guuleystay wuxuu bixiyay warbixin qiimo leh oo bahda caafimaadka ka caawineysa inay horumariyaan habkan naf-badbaadinta." ayuu yiri.

Dr Mohiuddin ayaa waxaa qalliinka la fuliyay Dr Bartley P. Griffith.

Waa kuma Dr. Muhammad Mansoor Mohiuddin?

wadne doofaar

Xigashada Sawirka, UNIVERSITY OF MARYLAND SCHOOL OF MEDICINE

Qoraalka sawirka, Qalliinka lagu sameeyay Baltimore, wuxuu qaatay in ka badan toddobo saacadood

Dr. Maxamed waa agaasimaha barnaamijka xubno beeridda ee Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka. Wuxuu inta badan qaabilsan yahay in xubno xayawaan lagu beero bukaannada aan xaalkooda wax laga qaban karin.

Wuxuu Mareykanka u guuray horraantii sanadihii 1990-meeyadii. Wuuxu sanadkii 1989 ka qalin jebiyay Jaamacadda Dow ee magaalada Karachi ee caasimadda dalka Pakistan, isagoo ka bartay sayniska caafimaadka.

Markii uu tegay Mareykanka wuxuu baayolojiga xubno beerista ka bartay Jaamacadda Pennsylvania, sidoo kale wuxuu beerista dhuuxa ka bartay Jaamacadda Drexel.

Dr Maxamed wuxuu sidoo kale wax ka dhigaa isla jaamacaddaas Maryland.