Qabiilka ay ka hareen saddex qof keliya ee ka baqaya inay dabar go'aan

Xigashada Sawirka, Bruno Jorge
"Waan u walwalayaa. Waa la dili doonaa wayna baabi'i doonaan."
Iyadoo Rita Piripkura ay sidaas xaaladda ku tilmaantay, ayaa waxaa codkeeda laga dareemayay qalbi-jab.
Haweeneydan da'da ah ayaa waxay ka hadleysay waalkeed Baita iyo wiilka ay eeddada u tahay ee Tamandua mar ay bixineysay wareysi bishii September.
Saddexdooda waa xubnaha keliya ee ka haray bulshada go'doonsan ee Piripkura, oo ah qabiil ku nool bartamaha Brazil oo ay khubarradu ku tilmaamaan inay "khatar ugu jiraan dabar go'" sababo la xiriira xaalufka iyo daaqsinka laga sameynayo keymaha Amazon.

Xigashada Sawirka, Bruno Jorge
Inkastoo Rita ay si joogto ah ula xiriirto dadyowga kale, haddana Baita iyo Tamandua ayaa noloshooda ku qaata keymaha Amazon. Waxay ka baqeysaa in xaaladdooda ay khatar ku jirto.
Guusha dagaalka
Beerta Piripkura ee ku taalla gobolka Mato Grosso, oo aad muhiim ugu ah ganacsiga beeraha ee Brazil, ayaa waxay gacanta u galeysaa beeralley deegaanka qabsata, inkastoo sharcigu uusan oggoleyn.
Inkastoo Piripkura ay dhibaatooyin ka soo gaareen dadka bannaanka uga imaanaya, haddana burburinta lagu hayo beertaas ayaa korortay maalmihii la soo dhaafay: Warbixin la daabacay horraantii November ayaa muujineysa burburka loo geystay kheyraadka dabiiciga ah ee keymaha Amazon.
Hay'adaha aan dowliga ahayn ayaa sheegaya in 24 kilo mitir isku wareeg ah oo ka tirsan beeraha Piripkura la burburiyay intii u dhaxeysay August 2020 iyo July 2021.
Dhulkaas wuxuu u dhigmaa in ka badan 3,000 oo garoomo kubadda cagta ah oo la isu geeyay.
Inkastoo kheyraadka dabiiciga ah ee guud ahaan Brazil ay wajahayaan caqabado uga imaanaya beeralleyda iyo macdan qodayaasha, haddana dadka Piripkura ayaa wajahaya xaalad aad khatar u ah.

Xigashada Sawirka, Survival International
"Waxay qarka u saaran yihiin dabar go' maalmo gudahood ayaana lagu dili karaa," ayay BBC-da u sheegtay Sarah Shenker, oo ka tirsan urur aan dowli ahayn oo xaruntiisu tahay London.
"Dadka qabsaday beerta waxay mar walba ku wajahan yihiin Baita iyo Tamandua."
Waxaa jira caddeymo ku saabsan in ajaanibtu ay si deg deg ah u qabsanayaan beerta, sida uu qabo Leonardo Lenin, oo dowladda Brazil kala shaqeeya arrimaha bulshooyinka qadiimka ah.

Xigashada Sawirka, Rogerio de Assis - ISA
Ururrada u dooda xuquuqda bulshooyinka qadiimka ah ayaa sheegaya in xaalufka uu gaaray meel 5 km u jirta halka ay ku sugan yihiin Baita iyo Tamandua.
"Khatar weyn ayay ku sugan yihiin, taasi waxa shaki ah kuma jiro," ayuu yiri mid ka mid ah dadka u dooda bulshooyinkan.
Xaaladda qabaa'ilka go'doonsan
Piripkura wuxuu tusaale u yahay qabaa'illada ay khubaradu ku sheegeen inay yihiin kuwo aan horumarsaneyn, waana dad aan wax tacaamul ah la sameyn deriskooda amaba qof walba oo kale oo bannaanka ka socda.
Waxaa lagu qiyaasay in in ka badan 100 qof oo bulshooyinkan ka tirsan ay dunida daafaheeda ku nool yihiin, halka kala barna ay ku nool yihiin gobolka Amazon.
Go'doonka waxaa mar walba sabab u ah isku dhac dhex mara iyaga iyo kuwa qabsaday deegaanka, iyadoo qabiilka Piripkura ay arrintaasi dhibaato ka soo gaartay.
Tiro badan oo qaraabadooda ah ayaa la dilay sanadihii 1970-meeyadii, qaarkood waxaa ku dhacay xanuunno sida hargab.
Rita ayaa xusuusata markii ay ka badbaadday xasuuq ay ku dhinteen sagaal ka tirsan qaraabadeeda.
"Way dileen annaguna waan qaxnay," ayay tiri.
Inkastoo dagaalku uu sababay inay yaraadaan, haddana waxaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale saameeyay qaabka ay u nool yihiin.

Xigashada Sawirka, Ricardo Stuckert
"Luqaddooda waxaa ku jira erayo lagu qeexayo dhaqamada wax beerashada, taas oo muujineysa inay hore u yaqaanneen tacabka beeraha."
"Balse sanadihii 1970-meeyadii waxay ahaayeen ugaarsato reer-miyi ah."
"Waa hannaankooda badbaado inay hadba meel u guuraan."
Markii ugu horreysay ee ay Piripkura tagaan deegaanka Funai sanadkii 1984, waxaa la sheegay in keliya 15-20 qof ay ku noolaayeen deegaanka.
Balse keliya Baita iyo Tamandua ayaa u noolaa sanadihii 1990-meeyadii.
Fabricio Amorim, oo ah khabiir dhanka bulshooyinka qadiimiga ah oo la soo shaqeeyay qabiilka Piripkura, ayaa sheegay in Baita iyo Tamandua ay ka dhawaajiyeen jiritaanka "qaraabadooda qaar" oo weli keymaha ku jira.
"Dhibaatada waa inaysan soo hadal qaadin qaraabadaas muddo sanado ah. Kama dhigna inay dhinteen, balse ma ahan calaamad wanaagsan." Ayuu yiri Amorim.










