Hawsha guriga: Ma mudan yihiin dumarka la qabo in mushaar la siiyo?

Haween sharciga bartay oo ka soo jeeda dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania oo kulan ku yeeshay caasimadda Kampala ayaa ugu baaqay xukuumadaha dalalkaas inay ragga shaqeeya ku amraan mushaar siinta xaasaskooda guri joogga ah.
Waxa ay ku doodayaan in dumarka gurya joogga ah ay saacado badan ku qaataan hawl aan lacag lagu siin, taasoo bedalkeeda ay u xamaali tagi karaan suuqyada.
Esther Amati, oo kamid ah haweenka qareennada ah ee shiray ayaa ku dooday in ragga shaqeeya ay xaasaskooda lacag ku siiyaan hawlaha ay guriga ka qabtaan gaar ahaan xannaanada carruurta, waayeelka, nadaafada iyo weliba daryeelka ay u fidiyaan raggooda.
"Inta badan haweenka dalkeeda waxa kuma soo kordhiyaan dhaqaalaha waddanka maadaama ay saacado badan ku lumiyaan shaqo aan lacag lagu siin. Waa sababta aysan intooda badan u lahayn hanti," ayay tiri Esther.
Waxa ay tilmaantay in loo baahan yahay in waddamada Bariga Afrika ay ka fekeraan qaab ay ku xaqiijin karaan in dumarka la qabo ee gurya joogga ah ay helaan dhaqaalo soo gala.
Arrintan ayaa dhalisay dood kale oo ah waxa laga yeelayo dumarka shaqeeya ee ay qabaan ragga aan camalka hayn.
Noah Wasswa oo xisaabiye ka ah shirkad caalami ah ayaa kamid ah dadka su'aashaas qaba.
"Muxuu noqonayaa xaalka dumarka shaqeeya ee ay raggooda guryaha joogaan? Sidoo kale, maxaa laga yeeli doonaa gabdhaha ka shaqeeya guryaha ee mushaarka qaata isla markaana qabta hawl-maalmeedka xaafadda ee ay ku nastaan haweenka la qabo?" ayuu yiri Wasswa.
Qaar kamid ah dalalka horumaray iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa gunnooyin siiya xaasaska shaqaalahooda, si ay dhaqaalo ahaan u kabaan.
Bishii September 2021, garsoore ka tirsan maxkamadda saree e Kenya oo lagu magacaabo Teresia Matheka, ayaa xukuntay in xaasaska guryaha jooga ay hayaan shaqo buuxda oo mudan in mushaar lagu siiyo bil kasta.

Xigashada Sawirka, Facebook
Xukunka ayaa ku salaysnaa dacwad ay gubisay haweeney garoob ah oo doonaysay in qaar kamid ah hantida ninka ay kala tageen la siiyo, taasoo ku doodday in markii uu hantidaa tabcayay ay gacan weyn ka siisay hawsha guriga iyo korinta carruurta.
Maxkamaddu xilligaas ma aysan go'aamin xaddiga mushaarka la siinayo haweenka xaasaska ah ee gurya joogga ah.
Arrintaas ayaa dood xooggan ka abuurtay bulshada dhexdeeda, waxaana dumarka qaar ay sheegeen in hawsha guriga ay ka dhib badan tahay tan ragga u shaqa taga xafiisyada iyo xarumaha kale.











