Pakistan: Muxuu yahay codka sirta ah ee xiisadda siyaasadeed ku kiciyay Imran Khan

Maryam Nawaz iyo Imran Khan

Xigashada Sawirka, GETTY/REUTERS

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa ka hadlay arrin maalimihii lasoo dhaafay hadal-heyn weyn ka abuurtay waddankaas.

Khan ayaa sheegay in arrintani ay tahay sheeko riwaayad ah oo lagu soo jiidanayo dareenka dadweynaha. Waxa uu sheegay in looga gol leeyahay sidii loo carqaladeyn lahaa baaritaannada ku socda Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Nawaz Sharif, oo loo heysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.

Sharif iyo qoyskiisa ayaa wajahaya maxkamadeyn kaddib markii ay soo ifbaxday inay qayb ka yihiin fadeexadda musuqmaasuqa ee lagu shaaciyay warqadaha Panama.

Muxuu yahay codka sirta ah ee la faafiyay?

Codkan hadal heynta iyo xiisadda siyaasadeed dhaliyay ayaa la sheegay inuu yahay mid laga soo duubay madixii hore ee Waaxda Caddaaladda dalka Pakistan, Mian Saqib Nisar, oo la maqlayo isagoo qof u sheegaya "in Nawaz Sharif iyo gabadhiisa Maryam Nawaz ay khasab tahay in xabsi lagu hayo si Imran Khan uu xilka u qabsado mar kale.

Nawaz Sharif ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Nawaz Sharif ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay

Sida laga maqlay codka, qofka lagu tilmaamay inuu yahay Garsoore Nisar ayaa yiri: "Haddii aan u hadlo si daacad ah, nasiib darro waxaa naloo dhiibay farsamooyin noo sheegaya go'aannada aan qaadaneyno. Sidaas darteed waa naloo meeriyay wax walba. Imran Khan waa in la ciqaabo. Aniga waxaa la igu amray inaan Imran Khan xukunka u dhiibo".

Codkan oo lagu shaaciyay website lagu magacaabo "Fact Focus" ayaa sidoo kale laga maqlayaa in qofka laga soo duubay uu sheegayo in gabadha uu dhalay Nawaz Sharif ee lagu magacaabo Maryam Nawaz ay sidoo kale ku jirto dadka la qorsheeyay in ay xabsi ku jiraan, iyadoo xitaa aan wax caddeymo ah loo heynin eedeymaha loo jeediyay.

Qof kale oo telefoon kula hadlaya ruuxa hadalladaas sheegay ayaa la maqlayaa isagoo leh: 'Maryam lama ciqaabi karo'.

Sida lasoo tabiyay, Garsoore Nisar oo taas ka jawaabaya ayaa yiri: "Haa waa runtaa. Aniga xitaa waan u sheegay saaxiibbadeey in arrintan ay khasab tahay in wax laga qabto, balse aysan igu raacsaneyn. Waaxda garsoorka ma noqon doonto mid xor ah oo madax bannaan. Marka waa sax sida aad sheegtay."

Muxuu arrintan ka yiri Garsoore Nisar?

Former Chief Justice of Pakistan Mian Saqib Nisar

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Former Chief Justice of Pakistan Mian Saqib Nisar

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Shari, iyo xisbigiisa ayaa tan iyo markii uu codkan soo if baxayba dalbadanaya in madixii hore ee Caddaaladda uu sharraxaad ka bixiyo waxa socda, uuna shaaca ka qaado cidda ku khasabtay inuu sameeyo go'aanno dani ugu jiro Ra'iisul Wasaare Imran Khan.

Hase ahaatee, Garsoore Nisar ayaa beeniyay in codkaasi uu yahay kiisa, isagoo iska fogeeyay codkan oo uu sheegay inuu yahay "mid la been abuurtay".

Isagoo la hadlayay wargeyska Pakistan kasoo baxa ee lagu magacaabo Dawn, ayuu yiri: "Waligey qof kalama hadlin arrintaas mana ihi qofka laga maqlayo codkaas."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Codkan ayaa kiciyay dagaal hor leh oo u dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Imran Khan iyo Maryan Nawaz oo markii horeba ay ka dhaxeysay xiisad siyaasadeed.

Mr Khan ayaa sheegay in 25-kii sano ee uu siyaasadda kusoo jiray uu musuqmaasuqu ahaa dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Pakistan, walina uu ka jiro dalkaas.