'Marka uu codka iga lumay ayaan ogaaday inuu kaansarka naasaha i haleelay'

Jen Hardy

Xigashada Sawirka, Jen Hardy

Qoraalka sawirka, Jen Hardy

Jen Hardy marki uu codka ka xirmay waxay la xiriirtay dhakhtar iyada oo u haysata inuu hayo caabuqa cunaha ku dhaca ee codka xiro.

Edinburg waxaa marki hore loo sheegay iney dhuunta wax ka qabto ayna nasasho u baahan tahay .

Balse afar toddobaad oo la rafaadsaneyd iney codka soo saarto kaddib, waxay markale ku noqotay dhakhtarkeedi wuxuu u diray isbitaal si baaritaan Scan loo yaqaanno loogu soo sameeyo.

Haweeneydan 54 jirka ah BBc Scotland waxay u sheegtay marka ay arrintan ku dhaceysay iney safar shaqo ay ku joogtay Dubai, howshaasi oo la xiriirtay jaamacadda ay ka shaqeyneysay.

Waxayna sheegtay in baaritaanki ay sameysay natiijadi ka soo baxday taleefan loogu soo sheegay, laguna wargeliyey iney qabto cudurka kaansarka ee naasaha ku dhaca heerka afaraadna uu marayo.

"Aniga oo weli taleefanki natiijada la iigu sheegayey xirin ayaanwixi la i yiri warqad ku qoray waxaanna u dhiibay saaxibkeey, oo aan u sheegay waxa i hayo" ayey tiri.

"Xataa marki la ii sheegay cudurka i hayo inuu yahay mid an lga bogsan kari, weli ma qaadanin waxa uu hadalkaasi ka dhin yahay."

"Codkayga toddobaadyo ayuu iga maqnaa balse weligey kuma fikirin inuu cudurka kaansarka uu noqon doono, mana haynin xal degdeg ah marki la igu wargeliyey inaan toos guriga u yimaado."

Carysiyo Jen Hardy

Xigashada Sawirka, Jen Hardy

Afar saac kaddib diyaarad ayey soo raacday.

Dadku waxay ku lahaayeen ma hadlo karto oo waxay marwalba weydiinayeen waxa cidkeeda ka khaldan, laakiin meysan ogeyn inuu hayo kaansarka nooca labaad xabadkeedana uu ku faafay.

"Wax buro ah naasahayga kuma yaallin, mana ogeyn iney wax iga khaldan yihiin, marka laga reebo buro yar oo lafa dhabarta meel u dhow igaga taallay oo aan u maleeye wax muruqa la xiriia" ayey tiri.

"Marweliban naasahayga ayaan eegi jiray, balse ma helin wax astaan ah oo tilmamaya kaansarka naasaha."

"Waxaanna maqlay inuu i hayo kaansar faafay , balse anigu wma fahmi karin."

Dhkhaatiirtu waxay Jen dhuunta kaga dureen irabdo si ay codka ugu soo celiyaan. waxayna ku guuleysteen iney codkeeda si wanaagsan ugu soo celiyaan inkasta oo sidiisi hore oo kale uusan ahayn.

Bishii Oktoober 2017-kii marki kaansarka laga baaray ee laga helay waxaa loo sheegay inuu cimrigeeda uu ka harsan yahay wax aan ka badneen 2-3 sano maadaamaa uu cudurka qayb jirkeeda ka mid ah uu ku faafay.

"Waxaan u maleeyey inaan dhimanayo oo ay noolasheyda bilooyin ka harsan tahay, qoyskeygana sida oo kale ayey maleynayeen" ayey tiri.

"Fikirka aan ka haystay cudurka kaansarka ayaa wuxuu ahaa inuu cudrka laga bogsado ama loo dhinto, balse haba yaraatee wax fikirad ah kama haysanin inaan la noolaan karo."

Jen Hardy

Xigashada Sawirka, Jen Hardy

Qoraalka sawirka, Jen waxay ku biirtay fasalka jirdhiska ee kaansarka

Waxaana loo sameeyey farsamooyinka cudurka lagula tacaalo ee Chemotherapy oo November 2017-ka ah iyo Radiotherapy oo Oktoobat 2018-ka.

Balse hadda marki dawooyin iyo talooyin badan ay dhakhaatiirta ka qaadatay waxaa loo sheegay iney sanada badan noolaan karto halka marki hore loo sheegay 2-3 iney noolaan kartaa.

Waxay tidhi: "Markaan runta sheego waxaan dareemeysaa, nafteydu si lama filaan ay mustaqbal u yeelatay.

"Marki ugu horreysay ee la i baaray natiijadana la ii sheegay waxaan go'aansaday inaan shaqada ka tago, carruurteyda qalin jabineysana aan u tagin waxaanna iisu diyaariyey inaan safar degdeg ah galo. Balse hadda waxaan ogaaday iney rajadeyda noolaleed ay marba marka ka sii dambeyso ay sii wanaagsananeyso" ayey tiri.

Jen iyo gabadheeda Carys Hardy

Xigashada Sawirka, Jen Hardy

Waxay sidoo kale ku farxi doontaa inay aragto Cary oo xagaaga soo socda ka qalin jabiyay Jaamacadda Dundee .

"Hadda sidii hore uma ciyaari karo oo uma firfircooni balse kursiga curyaamiinta ayaan ku fadhiyaa" ayey tiri.

Ujeedka ugu weyn ee Jen dhowrka sano ee soo socda waa iney billaawdo Kaarka Kansarka, oo ah dukaan meel-joojin ah oo loogu talagalay wax kasta oo aad u baahan tahay marka lagaa helo kansarka.

Waxayna ku hammineysaa iney la xiriirto hay'adaha samafalka si iyaduna ay gacan uga geysato dadka iyada la midka ah ee uu cudurka kaansarka noocyadiisa kala duwan uu ku dhacay ay u helaan taakulo caafimaad iyo mid dhaqaale maadaamaa ay iyadu soo argatay dhibka loo maro la tacaalidda cudurka kaansarka.