Ciyaaartoy horay ugu soo dheelay Manchester United oo Kansar ku dhacay
Liam Miller oo ah ciyaaartoy horray ugu soo dheelay Celtic iyo Manchester United ayuu Kansar ku dhacay.
Ninkan Ireland u dhashay ee 36 jirka ah ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo Ireland ka dib markii uu Maraykanka ku soo qaatay dawayn nooceeda loo yaqaanno chemotherapy.
Miller ayaa 21 jeer u ciyaaray Jamhuuriyadda Ireland intii u dhaxaysay 2004tii illaa 2009kii, xirfaddiisana wuxuu ka soo billaabay Celtic ka hor intii uusan u wareegin garoonka Old Trafford ee ay ku dheesho Manchester United.
"Waxaan rajaynayaa in uu ka gudbi doono wakhtigan adag ee noloshiisa soo wajahay" ayuu yiri John Hartson oo ay iskala soo dheeleen Celtic.
"Dhammaan qalbiganagu wuxuu la jiraa isaga iyo qoyskiisa ayuu yiri Martin O'Neill" oo ah tababaraha Jamhuuriyadda Ireland.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images






