Qalalaasaha Itoobiya: Maxay tahay cabsida dalalka geesku ka muujiyeen dagaalka Itoobiya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddamada dariska la ah Itoobiya ayaa ka cabsi qaba colaadda sii xoogeysatay ee ka taagan waqooyiga dalkaasi in ay horseedi karto kororka hubka sharci darrada ah ee ka socda gobolka bariga Afrika, waxaana suuragal ah in boqolaal kun oo qaxooti ah ay ku qul-qulayaan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.
Walaacaas ayaa yimid iyadoo jabhadda Tigray People's Liberation Front (TPLF) oo mar ahaan jirtay xisbiga talada haya ee waqooyiga gobolka Tigreega ee Itoobiya, ay ku hanjabeen inay u dhaqaaqi doonaan dhanka caasimadda Addis Ababa, ka dib markii ay qabsadeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Axmaarada.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa ku baaqay shir madaxeed 16-ka bisha November ee sanadkan ka dhici doona dalka Itoobiya, kaas oo looga hadli doono colaada Itoobiya oo soo bilaabatay bishii November ee sanadkii 2020-ka, waxaana iska hor imanaya kooxda TPLF iyo xulafadeeda iyo dawladda Faderaalka.
3dii Nofembar, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay "in dagaalku uu joogsado" wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya "inay raadiyaan sabab ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda oo ay wada hadlaan".
Madaxa urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa sheegay "in wada-hadal qaran oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiintu ay danta dalka iyo gobolkaba ku jirto" sida uu u sheegay wargeyska Daily Nation.
Hasa ahaate xukuumada Itoobiya ayaa wali sii wada diidmada ku baaqaya in wadahadal lala galo kooxda TPLF.
Si kastaba ha ahaatee, 7dii Nofembar, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ku baaqaya midnimo, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen caasimadda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dowladda.
"Midnimo aan leexleexad lahayn, waxaan ku sii socon doonnaa waddadeenna oo ku aaddan meel sare," ayuu soo dhigay Twitter-ka.
Dhammaan dhinacyada isku haya gobolka Tigreega ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Rabshadaha muddada sanadka ah ayaa sidoo kale khatar ku ah midnimada qallafsan ee Itoobiya iyo xasilloonida gobolka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Imaanshaha kumannaan qaxooti ah oo ku sugan dalka Suudaan oo ay qalalaasuhu ka jiraan ayaa walaac ka abuuray Khartoum bilihii la soo dhaafay.
'Saameyntu waa mid wayn'
"Dagaalka durbaba waxaa uu noqday mid gobol," ayuu yiri Rashid Cabdi, oo falanqeeya arrimaha goboolka Geeska Afrika.
"Sudan ayuu saameyn ku yeeshay, sidoo kale waxa ku lug yeelan doona dalalka kale ee gobolka iyo kuwa ka shisheeyaba, sababtoo ah waa gobol istaraatiji ah, saameyntu waa mid wayn",ayuu intaa ku daray.
Waxaa uu sidoo kale rumeysan yahay in dagaalkan ay Eritrea oo xuduud dheer la leh gobolka Tagrey ay sidoo kale saameyn ku yeelatay,.
Madaxwaynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa saaxib dhaw la ah rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Waxaa sido kale aan shaki ku jirin in dagaalka ka socda gobolka Tigray uu furi doono aag cusub, balse ilaa iyo imika xukuumadda Eritrea ayaa beenisay in dagaalka ay ku lug leedahay.
Waxaa sidoo kale jirta halis ah in dagaalka ay dowladda fedaraalka diiradda ku saareyso gobolka Tigray uu wiiqi karo taageeridii ay xukuumadda Itoobiya u fidin jirtay dowladda Soomaaliya, islamarkana lagula dagaalamayay Al-Shabab.
Balse agaasimaha xarunta the Horn Institute, oo fadhigeedu yahay Nairobi Hassan Khannenje, ayaa qaba in rai'sul wasaare Abiy looga baahnaa in uu khadka dowladda dhexe ku soo celiyo Tigray si looga hortago xaalad ah in kuwa kale ay ku deydaan.

"Mr Abiy ayaa u arka in arrintani ay tusaale xun u tahay gobolada kale... dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah ayaa waxay micnaheedu noqonaysaa in Itoobiya ay kala go'do taasi oo micnaheedu yahay inay noqto dhamaadkii Itoobiya qaran ahaan," ayuu BBC u sheegay Mr Khannenje.
"In arrintan la soo afjaro waxay isu keenaysaa dalka waxayna gacan ka geysanaysaa in dalka oo mideysan ay doorasho ka dhacdo sanadka soo socda," ayuu intaa ku daray.
Waxa ugu dambeeya ee loo baahan yahay
Dad gaaraya 600,000 oo shacabka ku nool gobolka Tigray taasi oo u dhiganta 10% guud ahaan shacabka - ayaa hore ugu tiirsanaa cunnooyiinka gargaarka, islamarkaana ku dhawaad 7 milyan ayaa imika cunni yari wajahaya guud ahaan Itoobiya, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.
Haddiii uu dagaalka sii socdo waxaa sii kordhi doona tirada dadka u baahnaan doona gargaarka.
Baaxadda Itoobiya iyo istaraatijiyad booska ay kaga taallo gobolka ayay micnaheedu tahay in wax ka dhacaya Itoobiya uusan ku koobnaan doonin oo kali ah dalkaasi , haddii ay noqoto in gudaheeda ay dagaalanto amaba xitaa dhibaato bina'aadannimo.
Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku kalsoon in dagaalkan uu noqon doono mid muddo kooban socda , islamarkana waxaa uu ku adkeystay in arrintani tahay mid Itoobiya u taalla, balse haddii uu dagaalka sii daba dheeraado waxaa uu saameyn halis ah ku yeelan doonaa guud ahaan gobolka.
Kenya, South Sudan iyo Djibouti ayaa sidoo kale loo badinayaa in ay qaabili doonaan qaxooti haddii ay colaaddu sii korodho.
Kenya hore ayaa ay u xidhay xuduudkeeda, iyada oo shaki ka muujinaysa xaalka sii kordhaya.












