'Waxaan dib ugu laabtay seygeygii Boko Xaaraam ka tirsanaa ee jaceylka iyo naxariista i tusay'

Aisha Yerima

Xigashada Sawirka, A T Nwaubani

Taxanaha aan ku soo qaadanno waraaqaha ka yimid qoreyaasha Afrika, waxaanu ku eegeynaa weriye iyo qoraa Adaobi Tricia Nwaubani oo haweeney kala sheekeysatay xilliyadii ay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram kula nooleyd keymaha ay ku dhuumaaleysanayeen ee waqooyi-bari Nigeria.

Sanadkii 2017, Aisha Yerima ayaa ka yaabsatay qoyskeeda markii ay dib ugu laabatay Boko Haram oo hore u sii daayay kaddib afduub ay ku heysteen.

Afar sano kaddib gabadhan oo haatan 30 jir ah ayaa ka soo baxsatay kooxda waxaana ay haatan waalidkeed kula nooshahay magaalada Maiduguri, ee caasimadda gobolka Borno.

Kooxda Boko Haram ayaa iyadoo 21 jir ah ka afduubatay magaalo koofur-bari ka xigta Maiduguri waxaana guursaday mid ka mid ah taliyeyaasha kooxda, kaas oo ay sheegtay inuu qalbigeeda ku hantay jaceyl iyo haddiyado.

Wuxuu ku maqnaa dagaal markii ay militariga Nigeria soo weerareen xeradooda ku taallay Keymaha Sambisa, waxaana la soo badbaadiyay Aisha iyo dhowr kale oo haween la qabay ahaa.

Haweenkan ayaa dhammaantood waxaa loo bilaabay barnaamij sanad soconayay oo dhaqan-celin ah, balse keliya afar bilood kaddib, Aisha ayaa u aragtay in la noolaanshaha Boko Haram ay u wanaagsaneyd.

Qaar ka mid ah dadka laga soo badbaadiyay Boko Haram waxaa lagu sameeyaa dhaqan-celin

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka laga soo badbaadiyay Boko Haram waxaa lagu sameeyaa dhaqan-celin

"Way igu adkeyd nolosha," ayay tiri. "Xaaladdu way adkeyd waxaana ku tiirsanaa waaliddiinteyda."

Waxaa sidoo kale ku adkaatay quudinta wiilkeeda labo sano jirka ah ee ay u dhashay taliyihii kooxda.

"Waxaan telefoon u diray seygeyga aad ayuuna ugu faraxsanaa inuu warkeyga helo," ayay tiri Aisha.

"Wuxuu ii sheegay xilliga uu imaanayo Maiduguri si uu uga iibsado shidaal, waxaana ku heshiinnay inaan raaci doono," ayay tiri.

Maalintii ballanta, iyada iyo wiilkeeda way ka soo tageen gurigii waalidkeed, iyadoon cidna u sheegin isla markaana alaabo yar uun qaadatay.

Rasaas dabaal-deg ah

Waxay seygeeda kula kulantay goob qarsoodi ah wuxuuna siiyay lacag ay dhar ku iibsato. Meel kale ayay haddana isugu yimaadeen halkaas oo isaga iyo 20 kale oo kooxdiisa ka tirsan ku sugayeen iyagoo watay gaari bas ah.

"Dhammaantood aad ayay u hubeysnaayeen," ayay tiri.

Waxay kaddib bilaabeen safarkoodii dheeraa ee ay ugu ambabaxayeen Keymaha Sambisa, waxay gaariga uga tageen garaash meel cidlo ah ku yaalla halkaas oo uu ka sii kaxeystay nin ay kooxdu shaqaaleysiisay, kaddibna safarkoodii ayay sii wateen iyagoo lugeynaya.

1px transparent line

"Markii aan nimid xeradeenna keymaha, waxaa la sameeyay dabaal-deg. Qof walba wuu ku faraxsanaa inaan soo laabto rasaas ayayna kor u ridayeen," ayay tiri.

Aisha ayaa durba ku laabatay nolosheedii xaasnimo - waxaa loola dhaqmay si xushmad leh, iyadoo dad kale oo ay kooxdu afduubatay looga dhigay addoon isla markaana iyada iyo wiilkeeda la siiyay raashiin ay cunaan oo ka badan.

Muddo yar kaddib markii ay kooxda u laabatay, way ku faraxday inay uur kale yeelato, balse ilmihii waa ka dhintay markii ay dhashay kaddib.

Militariga ayaa dhibaato kala kulmay gacan ku heynta gobolka Borno, kaas oo bed ahaan la ek dalka Sierra Leone

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Militariga ayaa dhibaato kala kulmay gacan ku heynta gobolka Borno, kaas oo bed ahaan la ek dalka Sierra Leone

Iyadoo leh uur labo bilood ah, ayuu ninkeedu dagaalka ku dhintay.

Kooxda ayaa aaminsaneyd in ilmaheeda aan weli dhalan uu xaq u leeyahay qeyb ka mid ah hantida aabbihiis waxayna sugeen ilaa inta uu ka dhalanayo kahor inta aysan kala qeybin dhaxalka.

"Waxay doonayeen inay ogaadaan in wiil ama gabar ay tahay ilmaha sababtoo ah haddii uu wiil noqdo waxaa la siin lahaa labolaab inta gabadha la siinayo," ayay tiri Aisha.

Ilmaheedu wuxuu noqday wiil, balse musiibo ayaa dhacday. Wuu dhintay markii uu dhashay kaddib. Aisha aad ayay u muraara dillaacday.

Waxaa lagu qasbay inay mar kale guursato

Qeybii ka soo gaartay dhaxalka ayaa u suurto gelisay inay si wanaagsan u noolaato - inkastoo ay dadkii kale ka maseyreen.

"Waxay bilaabeen inay i weydiiyaan sababta aan keligey nolosha ugu raaxeysanayo. Ma dooneyn inaan nin kale guursado balse way igu qasbeen."

Seygeeda cusub isna hanti ayuu lahaa, wuxuu ahaa ganacsade badeecooyinka u keeni jiray Boko Haram, isagoo safar joogto ah ku tegi jiray Maiduguri. Markii ay uur u yeelatay, Aisha haddana waxay ka cabsi qabtay in ilmo kale ay ku weyso keymaha.

"Waxaan ka baryay inaan u guurno Maiduguri, balse wuu diiday," ayay tiri.

Map of Nigeria

Waxaasii xoogeystay hammigeedii ahaa inay meesha isaga tagto kaddib markii weerarrada militariga ay sii xoogeysteen, iyagoo bambooyin ku asqeynayay halkii ay ku sugnaayeen taas oo kooxda iyo qoysaskooda ku kalliftay inay hadba meel u guuraan.

Waxaa intaas dheer, dagaal qaraar ayaa sababay in Boko Haram ay kala irdhoobaan, ayna u kala jabaan labo firqo oo weerar isku qaadaya. Aisha oo u baqatay nolosheeda iyo tan ilmaheeda caloosha ku jira ayaa go'aansatay inay baxsato.

Bishii August subax ay saacaddu ahayd 03:00, ayaa iyada, wiilkeeda iyo xaasas kale oo doonayay nolol cusub ka soo dhaqaaqeen keymaha.

Balse intii ay waddada ku jireen ayaa waxaa qabtay Boko Haram, dib ayayna ugu celiyeen xerada. Si uu uga celiyo inay mar kale baxsato, seyga Aisha iyo dagaal-yahannada kooxda ayaa wiilkeeda oo lix jir ahaa ka kaxeeyay waxayna geeyeen meel aan la ogeyn.

"Markii ay iga kaxeynayeen wiilkeyga, wuu igu dhegganaa wuuna oynayay: 'Mama, fadlan, ha iiga tegin halkan! Fadlan, ha iiga tegin halkan!'" ayay tiri Aisha.

Muddo dhowr maalmood ah, ayay koxda ka baryeysay inay u soo celiyaan wiilkeeda waxayna isku dayday inay raadiso. Balse dadaal badan kaddib way ku hungowday. Markii ay fursad kale heshayna waxay go'aansatay inay baxsato.

Baxsasho iyo naxariis

Mid ka mid ah kooxda, oo yaqaannay waddo qarsoodi ah oo keynta ka tirsan ayaa doonayay inuu lacag ka qaato oo uu caawiyo iyada iyo haween kale oo inay baxsadaan rabay.

Aisha ayaa siisay dhammaan lacagtii ay heysatay. Toddobaad kaddib wuxuu ka kaxeeyay saldhiggii kooxda, wuxuu dhaafiyay tuulooyin miyi ah wuxuuna kaga tegay meel u dhow saldhig militari.

"Ciidamadu aad ayay u naxariis badnaayeen," ayay tiri Aisha.

"Waxay igu ammaaneen geesinnimadeyda aan ku soo baxsaday waxayna qeyb ka bixiyeen lacag aan ku raaco gaari i geeya guriga waaliddiinteyda. Kama aysna fekerin inaan u baahanahay in la i wehliyo."

Markii ay tageen Maiduguri, waxay ka codsatay darawalka inuu gaariga istaajiyo si ay u wacdo hooyadeed ayna u weydiiso tilmaanta guriga maaddaama ay magaaladu aad isku beddeshay intii ay ka maqneyd: "Meel walba waxaa laga dhisay buundooyin iyo waddooyin cusub."

Three girls walk home in Maiduguri, Nigeria, to a camp for displaced people, 2019

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, In ka badan labo milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahooda intii uu socday kacdoonka Boko Haram, qaar badan ayaa u guuray Maiduguri

Dhammaan qoyska way sugayeen markii gabadha ugu weyn siddeed carruur ah oo la dhalatay ay ka soo gashay albaabka kore. Waxay ku soo ordeen oo ay hab siiyeen Aisha.

Qof walba wuu u naxariisanayay oo caawinayay tan iyo intii ay soo laabatay, sida ay sheegtay Aisha, iyadoo deriska qaar ay siinayeen lacag ay nolosheeda ku dabbarto. Balse ilmihii ay dhashay horraantii bishan October wuu ka geeriyooday.

Ilaa iyo haatan, Aisha war kama helin seygeedii ay uga soo tagtay keymaha. Waxay haween dhowaan soo baxsaday ka maqashay inay qabteen koox kale oo Boko Haram ka tirsan oo kooxdiisii ay iska soo horjeedaan, iyadoo aan la aqoon meeshii uu ku dambeeyay.

Aisha oo ay ka go'an tahay inay nolol cusub sameysato, ayaa waxay rajeyneysaa inay urursato lacag ay ku sameysato ganacsi cadarrada ah.

"Waxaan Allah ka baryayaa inuu soo badbaadiyo wiilkeyga, balse dib dambe uguma laaban doono Boko Haram," ayay tiri.