Xasaradda Tigray: Sidee reer galbeedku ay isku seegeen ra'iisalwasaaraha Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP
Xilli xiriirka dowladda Itoobiya kala dhaxeeya Maraykanka iyo Midowga Yurub uu marayo heerkii ugu hooseeyay, ayaa waxaa muuqaneyso in Itoobiya ay meelo kale ka raadinayso xulufo cusub, si ay cagta u mariso jabhadda ka soo horjeedda ee TPLF ee ka dagaalameyso gobolka buuraleyda ah ee Tigray.
Mareykanka iyo Midowga Yurub, labaduba waxay cunaqabatayn ugu hanjabeen dowladda iyo fallaagada ka soo horjeedda ee TPLF, si ay ugu cadaadiyaan in ay soo afjaraan colaadda muddada sanadka ku dhow ka socota gobolkaasi, oo dadka qaarkiis ay ka cabsi qabaan in ay horseedo dhibaato la mid ah tii dagaalkii sokeeye ee sababay in ay kal go'do Yugoslavia.
Kjetil Tronvoll, oo ah bare-sare oo ku takhasusay daraasaadka khilaafaadka, kana tirsan kulliyadda Oslo New University College ee dalka Norway, ayaa sheegay in tani ay keentay in dowladdu dhinaca kale u weecato.
"Dowladda Itoobiya waxay dareensan tahay in ay ka maarmi karto reer galbeedka - in ay hub ka heli karto Iran, Turkiga iyo Shiinaha, amaah fududna ay ka heli karto Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo in ay siyaasad ahaan Ruushka iyo Shiinahu ilaalin karaan," ayuu yiri, wuxuuna sheegay in Ruushka iyo Shiinahu ay horey uga hor istaageen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu qaraar mideysan ka qaato colaadda sokeeye ee Itoobiya.
Waxa uu intaasi ku daray in inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, haddana waxaa jiray warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ciidamada Itoobiya ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka heshay dalalka Iran iyo Turkiga, si ay duqaymo uga fuliso gobolka Tigray isla markaana uga itaal roonaato cadowgeeda TPLF.
Hoggaanka Xasilloonida
Ann Fitz-Gerald oo ah falanqeeye fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa sheegaysa in ay ka walaacsan tahay "tallaabooyinka ciqaabta ahi" ee ay Mareykanka iyo Midowga Yurub ka qaadayaan dowladda Itoobiya.
"Beesha Caalamku waa in ay garab istaagtaa dowladda sharciga ahi ee Itoobiya, iyo dhammaan gobollada saddexda ah ee Tigreeda, Amxaarada iyo Canfarta ee ay colaaduhu saameeyeen. Waa in ay caddeeyaan gumaadka ay wado kooxda TPLF, uguna baaqaan in ay hubka dhigto," ayay tiri Ann Fitz-Gerald. Waxay intaasi ku dartay in sidoo kale loo baahan yahay in dowladdu si oo joogto ah u caddeyso mowqifkeeda.
Prof. Tronvoll waxa uu ku doodayaa in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay ra'iisalwasaare Abiy Axmed u arkayeen nin muhiim ah danahooda xilligii uu xukunka la wareegayay sanadkii 2018, waxayna Itoobiya u arkayeen "hoggaanka xasilloonida" ee gobolka geeska Afrika ee u dhow marinka maraakiibta ee Badda Cas, halkaasi oo ay ku xooggan yihiin mintidiin Islaami ah ila markaana ay inta badan ka yimaadaan dadka muhaajiriinta ahi ee Yurub ku qulqulaya.
"Xiriirkooga ayaa xumaaday kaddib markii uu qarxay dagaalka. Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay noqdeen kuwo aad u dhaliilo tacaddiyada ay dowladda geysanayso iyo xaaladaha macaluusha ee ka jira goblka Tigreeda," ayuu yiri Prof Tronvoll.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in xayiraadda ay dowladdu ku soo rogtay gobolka Tigreeda ay xaddidday gargaarka la gaarsiin lahaa halkaasi, taasi oo keentay in ilaa 400,000 oo qof ay wajahaan xaalado u muuqda macaluul.
Faysal Rooble, oo ah falanqeeye arrimaha geeska Afrika oo fadhigiisu yahay Maraykanka ayaa sheegaya in haddii aysan dawladdu khafiifin mowqifkeeda adag, reer galbeedku waxay ka fikiri karaan in marin gargaaka bini'aadantinimo lagu gaarsiinayo gobolka Tigreeda ay ka furaan dhanka Suudaan, ama xitaa gobolkaasi ay kaga dhawaaqaan aag ka caagan duullimaadyada, si halkaa cunnada iyo dawada hawada lagu soo daadiyo dadka gobolkaasi.
Balse Wuhibeegzer Ferede oo falanqeeyaa arrimaha Itoobiya ayaa ka digaya "gumeysi gabbaad looga dhiganayo arrimaha bini'aadantinimada" iyo "cadaadis aan xakameysnayn" oo dhanka diblomaasiyadda ah oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.
Wuxuu intaasi ku daray in taasi badalkeeda ay habboon tahay in kooxda TPLF cadaadis lagu saaro in ay dowladda federaalka shuruud la'aan u oggolaato in ay ka hawlgasho gobolka Tigreeda, si ay dadka u gaarsiiso gargaar.
"Beesha caalamku ma ahan oo kaliya in ay diiradda saarto xaaladda gobolka Tigreeda ", basle sidoo kale waa in ay la socoto xaaladda gobollada dariska la ah ee sida Axmaarada iyo Canfarta, maadaama duulaanka TPLF uu dhibaato bini'aadantinimo ka abuuray gobolladaasi, ayuu sii raaciyay.
Hoos u dhaca diblomaasiyadda
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa 18-kii Agoosto ku dhawaaqay in iyada oo kaalmada horumarineed ee Itoobiya la siiyo ay sii socon doonto, haddana Midowga Yurub uu qorsheynayo in uu cunaqabatayn ku soo rogo kooxaha ku lugta leh colaadda, marka la soo gabagabeeyo baaritaanka Qaramada Midoobay ee tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Prof Tronvoll ayaa sheegaya in maamulka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu sidoo kale sare u qaadayo cadaadiska ka dhanka ah dowladda isaga oo qaadayo tallaabooyinka hoos ku xusan.
- Wuxuu amar ku bixiyay in "baaritaan sharci ah" lagu sameeyo in tacaddiyadii ka dhacay gobolka Tigreeda ay u dhigmaan xasuuq iyo in kale.
- Wuxuu ka codsatay hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga adduunka in Itoobiya ay ka hakiyaan deymaha ay siiyaan.
- Wuxuuna sidoo kale ka fiirsanayaa suurtagalnimada in Itoobiya uu ka saaro liiska waddamada cashuur la'aanta badeecadahooda ku geliya suuqyada Maraykanka, si waafaqsan xeerka kobaca iyo fursadaha qaaradda Afrika, tallaabadaasi oo dhabar jab weyn oo siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku noqon doonto dowladda Itoobiya.
"Marka uu jiro dagaal iyo cadaadis lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalkaasi, waxaad filan kartaa in Itoobiya ay xoojiso galaangalkeeda diblumaasiyadeed ee gudaha Mareykanka iyo Yurub, si ay ugu guuleysato arrimahaasi, balse taasi caksigeeda ayaa haatan dhacaysa," ayuu yiri Prof Tronvoll.
Marka uu sidaa leeyahay waxa uu ka hadlayaa tallaabadii dowladda Itoobiya ay bishii Juun ku shaacisay in ay xirayso ama hoos u dhigeyso hawlgallada ilaa 30 safaaradoo oo ay ku leedahay dalalka caalamka - oo ay ku jiraan dowladaha Afrikaanka ahi ee sida Kenya oo deris la ah isla markaana ah awoodda dhaqaale ee Bariga Afrika iyo Masar oo Itoobiya uu kala dhaxeeyo khilaaf ka dhashay biyo xireen ay Itoobiya ka dhistay wabiga Niil.
"Itoobiya waxay lahayd mid ka mid ah diblomaasiyadda Afrika ugu da'da weyn uguna xoogga badan, balse taasi ayaa isbedelayso inta ay jirto xukuumaddan," ayuu yiri Prof Tronvoll.
Cabduraxmaan Sayid oo falanqeeyaa arrimaha Geeska Afrika oo fadhigiisu yahay UK ayaa sheegaya in xukuumadu ay ku dhaqaaqday "diblumaasiyadda dhanka tiknoolajiyadda ahi" si ay u hesho dhigaal lacageed iyo "safaaradaheedu ay ka "nadiifiso" taageerayaasha TPLF.
"Wadamada reer galbeedku ma fahmayaan Itoobiya. Waxay dhiirrigelinayaan kooxda TPLF, iyagoo dowladdana ugu hanjabaya cunaqabatayn," ayuu yiri Cabduraxmaan Sayid.
"Waxay u baahan yihiin in ay wax ka bartaan Midowga Afrika (AU) oo ixtiraamay awoodda dowladda federaalka ee guud ahaan dhulkeeda."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Prof. Tronvoll ayaa sheegaya in cadaadiska dublamaasiyadeed ee ka imanaya Maraykanka iyo EU uu yahay mid lagu doonayo in xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF ay ku heshiiyaan xabad joojin iyo la furo wadahadal nabadeed oo uu garwadeen ka yahay Midowga Afri
Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, u magacaabay in uu noqdo ergeyga gaarka ah ee ururkaasi kaddib markii ra'iisalwasaare Abiy Axmed, oo horey ugu guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel uu ku gacan-seyray dedaalladii ay wadeen ergohore oo ay ka mid ahayd Ellen Johnson Sirleaf oo madaxweyne ka soo noqotay dalka Liberia isla markaana iyana ku guuleysatay isla abaal-marintaasi nabadda ee Nobel, si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac isla markaana xabbad joojin loo saxiixo.
"TPLF waxay soo dhawaysay hindise kastaa oo wada-xaajood nabadeed ah lagu galayo, balse waxay shaki ka muujiyeen Obasanjo sababo ay ka mid yihiin in isaga iyo Abiy Axmed ay haysta mad'habta masiixiga ahi oo isku mid ah," ayuu yiri Prof Tronvoll.
"Dhinaca Abiy, waxa uu aqbalay Obasanjo shakhsi ahaan, balse ilaa iyo hadda ma uusan ogolaan in la furo hannaan nabadeed," ayuu sii raaciyay Prof Tronvoll.
Maqaal ay si wadajir ah ugu qoreen majaladda Politico, ayaa Alex Rondos iyo Mark Medish, oo ahaan jiray saraakiil sar-sare oo ka tirsanaan jiray Midowga Yurub iyo dawladda Maraykanka, waxay ka digeen in Itoobiya ay u burburto sida Yugoslavia oo kale, haddii aan la dardargelin dedaallada lagu joojinayo colaadda.
"Dhibaatadani waxay u baahan doontaa diblomaasiyad iyo dhexdhexaadin aan la arag tan iyo geeddi-socodkii nabadda ee Dayton ee sanadkii 1995, si loo soo afjaro dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Bosnia," ayay ku sheegeen qoraalkaasi.
Haseyeeshee Cabduraxmaan Sayid waxa uu shaki geliyay in geeddi-socod kastaa oo nabadeed uu guulaysan doono.
"Siyaasadda Itoobiya mar walba waa mid ay tahay in lagu kala adkaato oo dhinacyadu midkood uu kan kale ka adkaado," ayuu yiri.ka.










