Muxuu yahay filimka Soomaalidu jileyso ee labada jeer abaalmarinta ku guuleystay?

filim

Xigashada Sawirka, OMAR ABDI/BUFO

Qoraalka sawirka, Filimka loogu magac daray 'Xabaal Qodaha'

Filimka lagu magacaabo "Xaaska xabaal qodaha" oo uu sameeyay Khadar Ceydarus Axmed, ayaa xalay ku guuleystay abaalmarinta Stallion of Yennenga kaddib markii uu galay kaalinta koowaad ee tartanka Bandhigga Filimada Afrika ee Ouagadougou.

Tartankan oo ka dhacay magaalada Ouagadougou ee dalka Burkina-Faso ayuu filimka "Xaaska xabaal qodaha" wuxuu ka galay kaalinta koowaad.

Khadar Ceydarus Axmed, oo ah ninka sameeyay filimka ma uusan joogin goobta abaalmarintaasi lagu buixinayay balse qof wakiil ka ah ayaa u qaaday billadda la guddoonsiiyay iyo qiyaastii in kabadan 35,000 oo doolar oo lacag ah.

Filimkaasi ayaa lagu dhigay gudaha dalka Jabuuti, waxaana lagu matalayay qoys Soomaaliyeed oo danyar ah oo aabaha reerku shaqadiisu tahay xabaal-qode. Waxa uu la nool yahay wiilka uu dhalay iyo xaaskiisu kelli ka xanuunsan, si qalliin loogu sameeyana u baahan lacag uusan xabaal-qode awoodin.

Xabaal-qodahaasi oo ku matalayay magaca Guuleed ayaa rajeynaya in add kale ay dhintaan, si lacagta uu ka helo uu ugu daweeyo xaaskiisa xanuunsan.

Horraantii bishan ayaa filimkaasi loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala tartanka abaalmarinta Oscars.

Filimkan oo ay jilaayaasha ku jira wada yihiin Soomaali ayaa la sameeyay sannadkan, waxaana lagu baahiyay qaar ka mid ah dalalka caalamka, waxaana sida la sheegay uu ka turjumayaa qiso dhab ah oo 10 sano ka hor ku dhacday qoyska Khadar oo ah maskaxda ka dambeysa filimkan. Qaar ka mid ah soo saarayaasha filimka ayaa ahaa ajaaniib.

filim

Xigashada Sawirka, BUFO

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah jilaayada filimka "Xaaska Xabaal Qodaha"

Muxuu yahay Filimkan?

Waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay dalka Canada, waxaana jilay dhalinyaro Soomaali ah. Goobtii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay waxaa filimka lagu guddoonsiiyay abaalmarin.

Filimkan oo loogu magac daray 'xaaska xabaal qodaha' ayaa lagu jilay luqadda Soomaaliga isla markaana looga hadlayo qoys Soomaaliyeed oo danyar ah iyo marxaladaha kala duwan ee ay nolosha ku soo mareen, iyadoo uu jeceyl dhexyaallo.

"Filimka waa xaaska xabaal qodaha,waa qiso uu qoray nin aan walaalo nahay oo Khadar Ceydaruus Axmed la yiraahdo, waa qiso Soomaaliyeed oo Soomaali lagu hadlayo waa filin qof kasta uu daawan karo waana sababta keeneysa in adduun weynaha uu wareego," ayuu yiri, Cumar Cabdi oo kamid ah jilaayaasha filinka.

Wuxuu ka shekeynayaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas.

Waa filim taabanayo jaceylka xiddideystay ee ka dhex jira qoyska saboolka ah iyo sida uga go'antahay badbaadinta hooyada la daalaa dhaceysay xaaladda caafimaad darro.

FILIM

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Khadar Axmed (bidix) Yasmin Warsame, (dhexda) iyo Cumar Cabdi oo ka qeybgalayay goobtii lagu soo bandhigay Filimka ee Toronto.

"Waa qisada hooyo, aabe iyo canug yar oo ay dhaleen, qisada ay xambaarsan tahay waxay ina tusineysaa jaceylka in meel walbo uu dhex yaallo, nolosha farxadda ah in cid kasta ay yeelan karto laakiin lagu kala duwan yahay marka xaaladaha qaar yimaadaan. "

Filimka ayaa diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho.

Ka sokow noloshaas adag waxaa weli sii xoogeystay jeceylka dhexyaallo lamaanahan.

"Sheekada waxay na tusineysaa inta uu gaarsiisan yahay jaceylka dhex yaalla labada qof, waxay isu sameyn karaan, sida badbaadu ay ku xiran tahay , sida qofkan uu qofka kale u badbaadin karo" ayuu yiri Cumar Cabdi.

Filimkan waxaa laga soo dhex xushay kumanaan aflaam ah, wuxuuna kamid ahaa filimadii lagu abaal mariyay Canada iyo Ouagadougou.

Cumar Cabdi wuxuu sheegay in filimka uu soo bandhigayo muuqaalka dhabta ah ee dadka Soomaalida si aanan loo soo gudbin wararka la xiriira dhibaatooyinka ka dhaca dhulka Soomaalida.

"Anagu waxaan dareensanahay Soomaalinimo in anagoo Soomaali aan heerkaa gaarno, wixii looga bartay ay caalamka ka soo daaynayeen ama mar haku tilmaamaan burcad badeed...in dadkayagu aan tusno in dhaqan, dal iyo dad wanaagsan aanu leenahay"