Dhibaatada maandooriyaha: Sheekada nin seexday meel qubuuro ah oo uur ku taalle ku noqotay

.

Xigashada Sawirka, GLOUCESTERSHIRE POLICE

Ku dhawaad ​​4,000 oo dhallinyaro ah ayaa halis ugu jira in sannad walba loo isticmaalo in daroogo ay geeyaan miyiga UK, sida ku cad xogta ay bixisay hay'adda aan dawliga ahayn ee Safer London.

Waxay ku dhacaan gacanta kooxaha dambiilayaasha ah ee adeegsada carruurta, qaarkood xitaa waa illaa 12 sano jir, si ay u iibiyaan mukhaadaraadka iyagoo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, sidaa darteed waxaa loo yaqaanaa naanaysta "khadadka ismaamullada."

Mid ka mid ah carruurtan ayaa BBC-da uga waramay sida ay u shaqaaleysiiyeen kooxaha dambiilayaasha ah, taas oo ay saraakiisha u arkaan qaab dhiig-miirasho ah.

Michael, wuxuu ahaa 13 sano jir markii saaxiibkiisii iskuulka ay wada dhiganayeen u yimid isaga oo damacsan inuu ka dhigo qof ka ganacsada daroogada.

Waxaa lagu tijaabiyay oo laga dhaadhiciyay fikradda ah inuu lacag sameeynayo, ka dibna Michael wuxuu bilaabay inuu daroogada ku iibiyo xaafaddiisa, balse si tartiib-tartiib ah ayuu u gaaray heerar kala duwan.

Kooxdii burcadda ahayd ee badeecadda daroogada u dhiibtay ayaa dhowaan bilaabay inay Michael ka soo kaxeeyaan London iyagoo u ballanqaaday in isaga oo dhallinyaro ah uu toddobaadkii heli karo qiyaastii $ 650 doolar.

Waxaa la geeyay guriga nin balwadda aad u isticmaala oo ay kooxda ka afduubteen bartamaha Britain, si uu u iibiyo badeecadda. (Waxaana lagu magacaabaa guriga cuckoo, oo micneheedu yahay shimbir ukunteeda ku dhasha buulka ay shimbiraha kale ka guureen.)

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wax yar oo dheeraad ah ayaan ka heli karaa

Isagoo gurigan saldhig ahaan u adeegsanaya, Michael wuxuu waqtigiisa ku qaatay waddooyinka intii uu iibinayay daroogooyinka kala ah heroin iyo kookeyn, habeen iyo maalinba.

"Xoogaa waan dhibsaday, balse runtii waan baqay," ayuu yidhi.

"Hase yeeshee markii aan helay lacagtii, waan beddelay fikradaydii oo waxaan is idhi 'hagaag, wax yar baan heli karaa'".

Qoyskiisa, miyaanay ogayn maqnaanshihiisa? Sida laga soo xigtay sheekadiisa, Michael wuxuu haystay nolol caadi ah iyo xiriir aad u wanaagsan oo kala dhaxeeyay waalidiintiisa.

Balse iyagoo ka walwalsan maqnaanshihiisa, mudada dheer ayay isku dayeen in ay joojiyaan oo ay qariyaan taleefankiisa gacanta, laakiin isla markii uu guriga ka baxay, kooxdii burcadda ahayd ayaa mar kale bilowday in ay handadaan.

Xubno burcad ah ayaa geeyay guri ay quraac ku siiyeen dhowr dhallinyaro ah, ka hor intii aysan aadin iskuulka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Ka dib waxay na geeyeen iskuulka waxayna na raaceen fasalada ka dib," ayuu yidhi.

In kastoo uu la noolaa koox maandooriye qabatimay, Michael wuxuu leeyahay "weligiis ma ogaan halista" ama ma arag sida uu dhibbane u noqon karo.

Wuxuu weli xusuustaa oo maskaxdiisa ka bixi la' habeen uu ku xayirmay meel boqollaal mayl gurigiisa u jirta, ka dibna ay danta ku khasabtay inuu seexdo qabuuro ku yaal meel aa ka fogeyn halkii uuu ku xayirmay. "Waxay ahayd arrin aad u culus oo lama ilaabaan ah," ayuu yiri.

Ka ganacsiga daroogada ka dib, Michael wuxuu go'aansaday inuu iska daayo iibinteeda, balse ma ahayn wax fudud in laga xuroobo burcadda.

"Waxay isku dayeen inay mar kale i shaqaaleeyaan, laakiin waxaan ku guulaystay in aan ka baxo aaggooda waxayna ila tahay in taasi ay wax badan iga caawisay," ayuu yiri isagoo sharraxayay qaabkii uu uga badbaaday inuu markale la shaqeeyo burcadda.

"Waxaan bilaabay in aan helo aqoon ka duwan tii daroogada si aan wax kale ugu sameeyo noloshayda."

Ballan-qaadyada isu roga hanjabaadaha

Machadka Safer London wuxuu la macaamilay dhallinyaro badan sida Michael, kuwaas oo ay ka faa'iidaysteen dad iyaga ka waaweyn oo kooxo dambiileyaal ah si ay daroogada ugu iibiyaan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Agaasimaha Safer London, Claire Hubberstey ayaa xustay in dhallinyaro aad u tiro badan ay halis ugu jiraan inay ku xayirmaan waxa loogu yeero "khadadka ismaamullada".

"Waxaan sameynaa diiwaangelinta wiilasha markaan aragno in ay jirto nooc hanjabaad ah oo na cabsi gelinaysa," ayay tiri Claire.

Iyada oo lagu saleynaya tirakoobka dhalinyarada ee ay hay'adda u adeegto, waxaa la qiyaasay in ilaa 4,000 oo carruur ah ay wajahaan caqabadda nocaan oo kale ah sannad kasta iyaga oo gala shabakadahaan ka ganacsada daroogada.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kevin Hyland, Komishanka La -Dagaalanka Addoonsiga - oo ah xafiis ku yaalla Ingiriiska oo u heellan la dagaallanka tahriibinta dadka - ayaa xusay in waxa loogu yeero "khadadka ismaamullada" ay bilaabeen in la aqoonsado.

"Waan soo jeednaa, laakiin miyaan si buuxda arrintan ugu soo jeednaa? Malaha maya, laakiin waan bilaabaynaa," ayuu yiri Hyland.

Wuxuu intaas ku daray in soo afjaridda dhibaatada ay u baahan tahay in la beddelo fikirka booliiska iyo mas'uuliyiinta kale si ay ganacssatada yaryar ugu aqoonsadaan dhibbaneyaal baddalkii ay dambiilayaal ka dhigi lahaayeen.