Maafiyada Talyaaniga: Burcad si weyn loo doon doonayay oo raashin uu karinayay dartiis lagu qabtay

Police at a mafia trial

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Heavy security as the trial into hundreds of alleged members of the 'Ndrangheta mafia group opened in January

Nin ka tirsan burcadda loo yaqaanno Maafiya ee dalka Talyaaniga - oo si weyn loo raadinayay - ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii lagu soo raacay muuqaal uu isaga qudhiisa soo galiyay Youtube, kaasoo uu ku muujinayay xirfadda uu u leeyahay cunto karinta.

Ninkan ayaa lagu soo warramay in uu baxsad ahaa muddo toddobo sano ah, booliskuna ay heli waayeen wax horseeda soo qabashiisa.

Booliska Talyaaniga ayaa ninkan oo lagu magacaabo Marc Feren Claude Biart, da'diisuna tahay 53 sano, ku soo raadiyay muuqaallada uu soo galinayay Youtube.

Inkastoo uu qarinayay wajigiisa, wuxuu illoobay in lagu aqoonsan karo shaabado (tattoo) ku xardhanaa gacmihiisa iyo qeybo ka mid ah jirkiisa.

Ninkan oo la sheegay inuu xubin ka yahay koox burcad ah oo lagu magacaabo "Ndrangheta" ayaa Arbacadii lasoo dhaafay lagu xiray waddanka Dominican Republic, waxaana dib loogu dhoofiyay waddankiisa Talyaaniga, halkaas oo loogu gacan galiyay booliska.

Biart ayaa lagu soo warramay in uu si dhuumasho ah ku dagganaa magaalada Boca Chica, sida lagu xusay bayaan ay soo saareen booliska Talyaaniga.

Waxaa la raadinayay tan iyo sanadkii 2014-kii, kaddib markii lagu eedeeyay inuu daroogada cocaine-ta si sharci darro ah ku galiyay waddanka Netherlands, isagoo xilligaas wakiil ka ahaa kooxda 'Ndrangheta mafia.

Stock shot of a man's hands cutting an avocado

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda 'Ndrangheta ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah burcadda ugu awoodda badan caalamka ee fulisa dambiyada, maadaama ay maamulaan inta badan ganacsiga sida sharci darrada ah daroogada cocaine-ta loogu geeyo qaaradda Yurub. Saldhiggoodu waa gobolka Calabria ee dalka Talyaaniga.

Ninka lagu tilmaamay inuu hoggaamiyahooda yahay waxaa lagu magacaabaa Luigi Mancuso, da'diisuna waa 66 sano. Iyaga dhexdooda waxay ugu yeeraan "Adeerka". Xubnaha kale ayaa iyaguna sameysta naaneysyo kala duwan.

Dhammaantood waxay hadda wajahayaan dacwaddii ugu weyneyd ee ka dhan ah Maafiyada ee ka socota dalka Talyaaniga, taasoo ah tii ugu ballaarneyd ee la arko muddo tobannaan sano ah gudahood.

Waxaa kiisas kala duwan lagu soo oogay 355 qof oo lala xiriiriyay inay la shaqeyn jireen kooxdaas burcadda ah.

Mar dacwadda si hordhac ah loo dhageysanayay, waxay qaadatay in ka badan saddex saacadood aqrinta magacyada eedeysaneyaasha, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Dacwadaha loo heysto waxaa ka mid ah dilal, kala gudbin daroogo, jirdil iyo lacago si khaldan musuqmaasuqay.

In ka badan 900 oo marqaati ayaa la filayaa inay bixiyaan caddeymo ka dhan ah eedeysaneyaasha la maxkamadeynayo, oo dacwaddooda la furay bishii January, waxaana lagu wadaa in ay socoto ilaa labo sano.