Ron Arad: Sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo lagu wareejiyay howlgal guul laga gaari waayay tan iyo 1986

Xigashada Sawirka, Prime Minister of Israel
Hay'adda sirdoonka Israa'iil ee loo yaqaanno Muusaad-ka ayaa billowday howlgal "dhiirranaan weyn leh" oo rajo looga qabo in lagu ogaado waxa ku dhacay duuliye la la'yahay muddo dheer oo lagu magacaabo Ron Arad , sida uu sheegay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas, Naftali Bennett
Mr Bennett oo ka hadlayay baarlamaanka ayaa sheegay in hadda uu sheegi karo intaas oo kaliya, wax faahfaahin dheeraad ahna uusan ka sii bixin karin howlgalka lagu doonayo in xal loogu helo mid ka mid ah kiisaska ugu jah wareerka badan ee Israa'iil, ee ilaa hadda taagan.
Balse, madaxa Muusaad-ka oo uu soo xigtay telefishin fadhigiisu yahay Israa'iil ayaa sheegay in isku daygaas uu guul darreystay.
Labo xiddigle Korneyl Arnad ayaa la la'yahay tan iyo markii ay diyaaraddiisa soo dhacday xilli ay ku sugneyd hawada dalka Lubnaan, sannadkii 1986, markaas oo ay fulineysay weerar duqeyn ah. Waxaa loo maleynayaa in uu geeriyooday.
Arad oo ahaa duuliyaha qaabilsanaa khadka ay ku socotay diyaaradda iyo duuliyihii kale ee la socday ayaa diyaaradda ka booday inta aysan burburin ka hor. Militariga Israa'iil ayay u suurtagashay inay soo badbaadiyaan duuliyihii kale.

Xigashada Sawirka, AFP
Balse Arad waxaa gacanta ku dhigay kooxda shiicada Muslimiinta ah ee lagu magacaabo Amal, oo uu fadhigoodu yahay dalka Lubnaan.
Hal sano ka dib, hoggaanka kooxda Amal waxay ku yabooheen in ay sii deynayaan sarkaalkaas haddii loo fuliyo shuruud ay ku xireen oo ahayd in xabsiyada Israa'iil laga soo daayo 200 maxbuus oo lubnaan u dhashay iyo 450 maxbuus oo falastiiniyiin ah. Waxa ay sidoo kale dalbadeen in la siiyo lacag madax furasho ah oo dhan $3m (£2.2m).
Wadahadalladii ku saabsanaa arrintaas ayaa guul darreystay ka dib markii Israa'iil ay diidday in ay maxaabiis reer Falastiin ah ku baddashaan duuliyahaas.
Warbixin ay sannadkii 2016-kii soo saareen sirdoonka Muusaad-ka iyo qaybta sidroonka ee militariga Israa'iil ayaa lagu sheegay in Labo xiddigle Korneyl Arad ay u badan tahay inuu gacanta kooxdaas ku dhintay labo sano ka dib markii ay afduubteen.
Laakiin Isniintii, khudbad uu Bennett ka jeediyay xarunta baarlamaanka wuxuu ku sheegay in labo xubnood oo ka tirsan Muusaad-ka, oo kala ah nin iyo haweeney, ay bishii lasoo dhaafay billaabeen "howlgal adag oo ballaaran" si ay xog cusub uga helaan arrinta Arad iyo goobta uu ku dambeeyo.
"Hadda intaas oo kaliya ayaan idinla wadaagi karaa," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, EPA
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ka dibna, mas'uulka ugu sarreeya Muusaad-ka oo uu soo xigtay telefishinka Channel-12 ayaa sheegay in ay muusaadka gudahooda yeesheen shir, wuxuuna yiri: "Wuxuu ahaa howlgal dhiirran, bareer ah, oo aad u adag, balse waa lagu fashilmay. Waan guul darreysannay."
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo ka jawaabay warbixintaas ayaa soo saaray bayaan uu ugu adkeystay in howlgalka uusan guul darreysanin laakiin uu "yahay mid guuleystay, tallaabooyinna la qaaday oo la hirgeliyay ujeeddooyinkii laga lahaa".
Waxaa sidoo kale bayaankaas lagu difaacay go'aanka uu Mr Bennett shacabka ugu soo bandhigay xogtan, sababtuna ay tahay in la muujinayo "dadaalka ay dowladdu waddo iyo sida ay uga go'an tahay in dib loo soo celiyo wiilasha la waayo".
Qoyska Korneyl Arad ayaa u sheegay telefishinka Channel 12 inay wali "rajo ka qabaan in maalin uun loo sheegi doono xogta dhammeystiran ee ku saabsan Ron".













