Angela Merkel ayaa ka degeysa xilka hoggaamiyaha Jarmalka kaddib 16 sano oo ay xilkaasi heysay, taas oo soo afjareysa waayaheedii siyaasadeed oo socday muddo ka badan 30 sano.
Waa xirfad lagu muujiyay sawirro dhan walba: laga soo bilaabo booqashadeedii kalluumeysata horraantii ololaheedii, ilaa wada hadallada Aqalka Cad, iyo wax walba oo intaa u dhaxeeyay.
Halkan, waxaanu idinkugu soo ururinnay qaar yar oo ka mid ah kumannaanka sawir ee laga qaaday haweeneydan sanadaha badan udub dhexaadka u ahayd siyaasadda Jarmalka.
Xigashada Sawirka, DPA/Alamy
Qoraalka sawirka, 23 September 2021: Muddo-xileedkii Merkel wuxuu ahaa mid guulihiisa iyo guuldarrooyinkiisaba watay balse waxaa lagu xusuusan doonaa hab maamulkeedii cajiibka ahaa iyo awoodda ay u lahayd gadaal ka riixidda heshiisyada
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Xagaagii 1989: Mrs Merkel (midig) oo la sawira Malgorzata Jeziorska iyo ninkeedii mustaqbalka Joachim Sauer iyagoo ku sugan jaamacad ku taalla Poland
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, November 1990: Sanadkii xigay, waxay u ololeyneysay doorashadii federaal ee ugu horreysay ee ka dhacda Jarmalka tan iyo intii dalkaasi uu isbeddel galay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, January 1994: Mrs Merkel oo loo magacaabay wasiirka deegaanla - oo dadweynaha u tusaaleyneysa sida dib loogu isticmaalo waraaqaha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, March 1995: Mrs Merkel oo la qosleysa wasiir Horst Seehofer, xilli uu socday shirka golaha wasiirrada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, March 2000: Mrs Merkel waxaa loo doortay inay hoggaamiso xisbiga Dimuqraaddiyiinta Kirishtaanka ah ee midig-dhexe (CDU) sanadkii 2000
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, July 2005: Shan sano kaddib, waxay ku soo laabatay saaxadda ololaha - ololahaas oo horseeday inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa Jarmalka
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, June 2007: Inkatsoo lagu jiray qarniga 21-aad, siyaasadda waxaa weli majaraha u hayay rag, marka Mrs Merkel - waxay halkan la sawiran tahay Ra'iisul Wasaarihii Talyaaniga Romano Prodi, Madaxweynihii Faransiiska Nicolas Sarkozy, Madaxweynihii Mareykanka George W Bush, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Ra'iisul Wasaarihii UK Tony Blair - waxay inta badan ahayd haweeneyda keliya ee raggan ku dhex jirtay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, April 2009: Mrs Merkel waxay calaamad u noqotay badbaadinta dhaqaalaha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, April 2011: Hillary Clinton, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, iyo Mrs Merkel oo ku sugan Berlin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, June 2015: Mrs Merkel oo la saiwran madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaddib shirkii G7 ee ka dhacay koofurta Jarmalka. "Waxaad ahayd saaxiib la isku halleyn karo dhammaan muddada madaxtinnimadeyda - si ka baaxad weyn hoggaamiye kasta oo dunida," ayuu madaxweynihii Mareykanka ku yiri Merkel sanad kaddib
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, September 2015: The chancellor's decision to open Germany's borders to refugees in 2015 divided the country. Pictured: Refugees making their way through Hungary
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, April 2018: Waxay isku dhaceen madaxweynihii Mareykanka Donald Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, June 2018: Socdaalku ma ahayn arrinta keliya ee ay isugu dhaceen. Kuuriyada Waqooyi, Iiraan iyo ganacsiga ayaa sidoo kale jawigan oo kale ka abuuray shirkii G7 ee Canada
Xigashada Sawirka, BBC Sport
Qoraalka sawirka, 2020/21: Iyadoo xanuunka safmarka ah ee coronavirus uu dunida ku baahay, Mrs Merkel ayaa ammaan ku muteysatay sidii ay u xakameysay xxanuunka; dadka qaar ayaa sheegay in aqoonta ay u leedahay sayniska ay caawisay
Dhammaan xuquuqda sawirrada waxaa leh AFP ama Getty Images