Maxaa soo celceliya khilaafka Guddoonka Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi?

Xigashada Sawirka, ,
Shalay oo Sabti ahayd waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Guddoonka Guddiga Doorashada ee Somaliland, iyada oo ay ka maqnaayeen xubnihii uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Doorashadaasi waxaa durbaba soo dhaweeyay ra'iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, wuxuna sheegay in uu sii wadi doono waanwaanta uu ka dhex wado labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo.
Labada garab ayaa ka ah; garab uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo garab kale oo uu hoggaamiyo ra'iisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed.
Tan iyo markii u billaabmay geeddi socodka doorashada Soomaaliya, is-qabqabsiga ka taagan xubnaha metelaya Gobollada Waqooyi ayaa ahaa meelaha ugu waaweyn ee la isku maandhaafsanaa. Markii ra'iisalwasaare Rooble la wareegay hannaanka doorashada, waxaa loo arkayay in hawshani ay soo dhammaan doonto, waxaase muuqata in maalin weliba weji cusub ay sii yeelaynayso.
Maxaa keenay is-qabqabsiga?
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in uu yahay mas'uulka ugu sarreeya siyaasiyiinta Somaliland ku metala dowladda Federaalka, waxaana uu doonayaa in uu wax ku yeesho go'aannada khuseeya qaabka loo maamulayo kuraasta gobollada waqooyi, halka raysalwasaare ku xigeen Mahdi uu isaguna qabo dood taa u dhaw oo ah in uu yahay mas'uulka ugu mudan ee xaq u leh magacaabiddan iyo guud ahaan maamulka arrimaha gobollada woqooyi.
Kulan is-afgarad ah oo u dhexdhexaadiyay ra'iisalwasaare Rooble ayay labada dhinac ku heshiiyeen in ay kala qaybsadaan xubnaha lagu muransan yahay oo midba in ka mid uu soo magacaabo.
Waxaase weli jira muran ka taagan sidii ay u qaybsan lahaayeen guddoonka guddidaasi, iyaga oo labada dhinac xubnihii ay kala keeneen waa Mahdi iyo Cabdi Xaashi uu mid weliba kal hore uu isu doortay gaarkii.
Waxaana u danbeeyay isla doorashadan hadda oo ay ka maqan yihiin garabkii Cabdi Xaahi.
Horey waxaa u jirtay in Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xukuumaddu ay tanaasul ka sameysay arrinta xubnaha gobollada woqooyi oo sida ay sheegtay iyada oo "sharci-darro ay tahay" la siiyay Cabdi Xaashi afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee soo xulaya xildhibaannada gobollada woqooyi.
Wasiirka warfaafinta, Cismaan Duube, oo mar saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu ku gacan seyray afartaasi xubnood ee loo oggolaaday, sidaana la isku mari waayay.
"Xukuumadda waxay ka tanaasushay oo ay u tanaasushay guddigii dhexdhexaadinta iyo odayaashii madaxweyneyaasha ka ahaa maamul-goboleedyada in Cabdi Xaashi la siiyo afar xubnood oo guddiga doorashooyinka ah oo ka mid ah guddiga doorashada Somaliland… haddana wuu diiday Cabdi Xaashi inuu qaato afar xubnood oo ah 40% xubnaha guddiga doorashooyinka," ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Waana markii saddexaad ee la doorto Khadar Xariir iyo ku xigeenkiisa Najiib oo shalay guddoomiye iyo ku xigeen mar kale loo doortay, iyada oo saddexdaa jeerba ay ka maqnaayeen garabka Cabdi Xaashi.
"Runtii arrinta Somaliland doorashooyinkii u danbeeyey iyo tanba laba arrinba way u cakiran tahay: midda koowaad waxa weeye, ma laha madaxweyne iyo deegaan doorasho rasmi ah, oo hadda Somaliland doorashada kama dhacayso. Midda kalena waxa waaye in ay jiraan siyaasiyiin reer Somaliland ah oo xukuumadda iyo mucaaradka ka kala tirsan oo loo qaybinaayo xubnihiii" ayuu yidhi, Mahad Waasuge, oo ah cilmibaadhe ku sugan Soomaaliya.
Sidee ayay u arkaan garabka Cabdi Xaashi doorashadan?
Inkasta oo aanu weli war rasmi ahi ka soo bixin, lana filayo sidii horeba u dhici jirtay in kuwanna gaarkood isu dooran doonaan haddana, ra'iisalwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed, oo ah garabka mucaaradka ah ayaa BBC-da u sheegaay in arrintaasi aysan waxba ka beddelayn khilaafkii jiray.
"Go'aankan ra'iisalwasaaruhu qaatay waxba ka beddeli mayso khilaafkii jiray, waxaan ka rabnay ra'iisalwasaaraha muhiimaddii uu arrintan ku xallin lahaa. Maadaama guddidu ay ka timi laba dhinac, waa in uu isu keenaa labada dhinac, guddiganina wuxu fure u yahay arrinta doorashada."

Khilaafka u dhexeeya Cabdi Xaashi iyo Xukuumadda
Qodoka kale ee ay dadka siyaasadda Soomaaliya falanqeeya u arkaan in uu sal u yahay muranka ka taagan Guddiga Doorashada ee gobollada waqooyi ayaa ah khilaafka gaar ah ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Khilaafka ka dhaxeeya labadani mas'uul ayaa la rumeysan yahay inuu aad u soo shaac-baxay sanadkii 2020-kii, markaasi oo ay si xowli ah u billowdeen wararka la xiriira doorashada dalka iyo hannaanka ay tahay in loo maro.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku celceliyay marar badan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu aqoonsanayn Aqalka sare, hase yeeshee ilaa haatan BBC-du ma hayso caddeymo muujinaya eedeymahaasi wuxuuse guddoomiyuhu yidhi:"Waxaan ka xumahay in madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya aanu aqoonsaneyn Aqalka Sare ama oggaleyn oo hawlihiisa oo dhan aan ciriiri ku wadnay ilaa maanta".
Golaha shacabka ayuu sheegay guddoomiyaha Aqalka Sare in ay meel mariyeen sharciyo ay ahayd in ay si wada jira ah u meelmariyaan, si ay sharci u noqdaan markaa kaddibna uu madaxweynuhu u saxiixo, haseyeeshee waxaa iyana xusid muddan in labada guddoomiye ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare uu khilaaf u dhaxeyay .
Halka sida oo kale Cabdi Xaashi dhawr jeer eedaymo u mariyey warbaahinta Madaxweyne Farmaajo, aynu u danbaysay warkii dhawaan in iyaga oo aan heshiin sawir lagu gaaday, oo lagu sheegay in ay heshiiyeen.
Guddomiye Cabdi Xaashi wuxuu ka cawday sawwir iyo muuqaallo muujinayay isaga oo la socda madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa golaha shacabka, arrintaa oo uu sheegay in si ka duwan xaqiiqada laga dhigay in ay khilaafkii jiray ka heshiiyeen.
Hadalka Cabdi Xaashi iyo sida uu uga falceliyay sawirkaasi ayaa muujinaya sida labada dhinac ay u kala fog yihiin, waxaase wali la eegayaa halka ay arrintani oo muddada soo jiitameysay isugu soo uruuri doonto.










