Doorashada Iran: Waa kuma madaxweynaha mayalka adag ee Iiraan ee maanta xilka la wareegay?

Iranian presidential candidate Ebrahim Raisi addresses supporters at an election rally in Eslamshahr, Iran (6 June 2021)

Xigashada Sawirka, EPA

Ebrahim Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo xiriir dhow la leh Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa maanta la dhaariyay ka dib markii bishii June ee sanadkan loo doortay madaxweynaha Iiraan.

Ninkan 60 sano jirka ah oo maanta la wareegaya xilka, ayaa isku magacaabay inuu yahay qofka ugu fiican ee la dagaallami kara musuqmaasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan ay wajahday intii uu xukunka hayay madaxweynihii isaga ka horreeyay Xassan Rouhani.

Wuxuu hore u ahaa madaxa waaxda garsoorka, wuxuuna qabaa aragtiyo siyaasadeed oo xagjir ah. Dad badan oo reer Iiraan ah iyo kuwo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya doorkii uu ku lahaa dilkii sanadihii 1980-meeyadii lagu fuliyay maxaabiis siyaasadeed.

Iranian Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei (R), Iranian President Hassan Rouhani (R2), judiciary chief Ebrahim Raisi (L3), First Vice President Eshaq Jahangiri (L2) and Intelligence Minister Mahmoud Alavi (L) attend a memorial for Qasem Soleimani in Tehran, Iran (9 January 2020)

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty Images

Qoraalka sawirka, Raisi (dhexda) madaxweyne Hassan Rouhani (qofka labaad midig) oo salaamaya Ayatollah Ali Khamenei sanadkii 2020

Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makrii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xirta dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isgaoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Isagoo arday ah ayuu ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay Galbeedku taageerayeen, kaas oo xilka looga qaaday kacdoon Islaami ah oo uu hoggaaminayayAyatollah Ruhollah Khomeini.

A Shia cleric holds up a banner showing Ayatollah Ruhollah Khomeini during Iran's 1979 Islamic Revolution

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iiraan ayaa noqotay Jamhuuriyad Islaami ah kaddib kacdoonkii 1979, iyadoo Ayatollah Khomeini uu noqday hoggaamiyaha sare

Kaddib kacdoonka wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano.

Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday "Guddiga Dhimashada".

Maxkamadahan ayaa "dib u maxkamadeeyay" kumannaan maxaabiis oo hore loogu xukumay xabsi sababo la xiriira inay howlo siyaasadeed ku lug lahaayeen. Badankood waxay ka tirsanaayeen kooxda mucaaradka ee Mujahedin-e Khalq (MEK), oo sidoo kalena loo yaqaanno Ururka Mujahedin ee Dadka Iiraan (PMOI).

Some 800 portraits of political prisoners who were executed in Iran in 1988 after displayed by representatives in France of the People's Mujahedin Organisation of Iran on the Esplanade des Invalides in Paris (29 October 2019)

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mucaaradka Iiraan oo dadkii la dilay ku xusaya Paris sanadkii 2019

Tirada saxda ah ee dadka ay maxkamaddu ku xukuntay dilka lama hubo, balse kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ilaa 5,000 oo rag iyo dumar isugu jira la dilay laguna aasay xabaalo aan la calaamadeyn taas oo loo arkay dembi ka dhan ah bani'aadannimada.

Hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma beeniyaan in dilalkaasi la fuliyay, balse faahfaahin kama bixiyaan kiisaska shaskhsiyaadkii la dilay.

Raisi ayaa dhowr jeer beeniyay inuu ku lug lahaa xukunnadaas dilka. Balse wuxuu sidoo kale sheegay in arrintaas uu amray hggaamiyihii hore ee Ayatollah Khomeini isla markaana loo eegay dhanka fatwada iyo diinta.

Shan sano kahor cajalad uu ku duuban yahay codka shir sanadkii 1988 dhex maray Raisi, dhowr xubnood oo kale oo garsoorka ka tirsan iyo ku xigeenkii hore ee hoggaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Hossein Ali Montazeri (1922-2009) ayaa la soo dusiyay. Waxaa la maqlayay Montazeri oo dilalkaas ku sheegaya "dembigii ugu weynaa ee taariikhda Iiraan soo mara". Sanad kaddib Montazeri ayaa waayay fursaddii uu ku beddeli lahaa Khomeini, Ayatollah Khamenei ayaana noqday hoggaamiyaha sare kaddib geeridii Khomeini.

The shrine of the Shia Imam Reza in Mashhad, Iran (2013)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Raisi wuxuu ahaa imaamka masjidka Shia Imam Reza oo ku yaalla Mashhad laga bilaabo 2016 ilaa 2019

Raisi wuxuu noqday dacwad-oogaha Tehran, kaddibna ku xigeenka madaxa garsoorka, kahor intaan loo magacaabin dacwad-oogaha guud ee Iiraan sanadkii 2014.

Labo sano kaddib, Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay madaxa mid ka mid ah ururrada diimaha ee ugu muhiimsan Iiraan uguna dhaqaalahabadan ee Astan-e Quds-e Razavi.

Ebrahim Raisi casts his ballot for the 2017 Iranian presidential election at a polling station in southern Tehran (19 May 2017)

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Raisi wuxuu ku guuleystay ku dhowaad 16 milyan oo cod ah doorashadii sanadkii 2017 balse waxaa ka guuleystay Hassan Rouhani

Sanadkii 2017, Raisi ayaa ka yaabiyay kormerayaasha isaga oo garab istaagay madaxweynaha.

Rouhani, oo isna wadaad ah, ayaa mar labaad wareeggii hore ee doorashada ku guuleystay, isagoo helay 57% codadka. Raisi, oo isku sheega inuu yahay nin la dagaallama musuqmaasuqa balse uu madaxweynaha ku eedeeyay inuu inuusan wax badan ka qaban isagoo ah ku xigeen madaxa waaxda garsoorka, ayaa soo labeeyay oo helay 38% codadka.

Guul-darrada saameyn kuma yeelan sumcadda Raisi ee sanadkii 2019 Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay booska culus ee madaxa waaxda garsoorka.

Chairman of the Assembly of Experts Ahmad Jannati (C) and Judiciary Chief Ebrahim Raisi (L) attend an Assembly of Experts meeting in Tehran, Iran on 22 February 2021

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty Images

Qoraalka sawirka, Raisi waa ku xigeenka madaxa Golaha Khubarrada, kuwaas oo dooran doona hoggaamiyaha sare ee xiga

Toddobaadkii xigay, waxaa sidoo kale loo doortay ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Khubarrada, oo ka booban 88 xubnood mas'uulna ka ah doorashada hoggaamiyaha sare ee xiga.

Ka madaxa garsoorka ahaan, Raisi wuxuu hirgeliyay isbedello horseeday yareynta tirada dadka lagu xukumo dilka. Si kastaba, Iiraan ayaa si wadday inay dil ku fuliso dad aad u badan marka loo eego dalalka kale.

Waaxda garsoorka ayaa sii wadday la shaqeynta waaxaha ammaanka si loo ugaarsado oo eedeymo basaasnimo ahna loogu so oogo dad badan oo Iiraan u dhashay isla markaana heysta labo dhalasho amaba degganaansho rasmi ah ka heysta dal shisheeye.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Raisi sababo la xiriira taariikhdiisa xuquuqda bani'aadamka ee sanadkii 2019, isagoo ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dilka dad aan qaan gaarin xilligii la sheegay inay ka qeyb qaateen dibadbaxayad ay soo abaabuleen mucaaradka dhaqaqaaqda Cagaarka ah kaddib doorashadii lagu murmay ee dhacday sanadkii 2009.

Supporters of Iranian presidential candidate Ebrahim Raisi hold pictures of him at an election rally in Eslamshahr, Iran (6 June 2021)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Raisi ayaa ololaha doorashada ku galay inuu yahay nin la dagalalama musuqmaasuqa

Markii Raisi uu ku dhawaaqay musharraxnimadiisa doorashada sanadkan, wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono saboolnimada, musuqmaasuqa, sumcad dilka iyo takoorka.

Doorashada waxaa si weyn u hareeyay doodda laga keenay Golaha Ilaalada ee mayalka adag ee is hortaagay musharraxiin badan oo caan ah. Musharraxiintaas ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay inaysan ka qyeb qaadan doorashada, iyagoo ka cabanaya in loogu talo galay in Raisi uusna wajihin loollan adag.

Wareeggii hore wuxuu ku guuleystay 62% codbixinta. Si kastaba, dadka ka qyeb qaatay codbixinta ayaa ka hooseeyay 49% - waana tiro hoose marka la eego doorahsooyinkii dhacayay tan iyo sanadkii 1979.

Waxyar ayaa laga yaqaannaa nolosha gaarka ah ee Raisi marka laga reebo in xaaskiisa Jamileh ay wax ka dhigto Jaamacadda Shahid Beheshti ee Tehran, iyo inay isu dhaleen labo gabdhood. Soddoggii waa Ayatollah Ahmad Alamolhoda, wadaadka mayalka adag ee salaadda Jimcaha ka tujiya Mashhad.