Doorashada Soomaaliya: Maxay tahay shaqada Aqalka Sare ee Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waa mid ka mid ah labada aqal ee sharci dajinta ee dalka, oo markii aqalkan loo geeyo kan Golaha Shacabka waxa ay sidaas ku noqonayaan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.
Golahan waxa uu ka kooban yahay 54 xubnood oo matala dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya. Xildhibaannada Aqalka Sare waxaa soo doorta baarlamaan hoosaadyada dowlad goboleedyada.
Sida ku xusan xeer hoosaadka Aqalka, Aqalku waxa uu awood u leeyahay inuu curiyo ama uu wax ka badelo shuruucda dalku leeyahay, waxa uuna sidoo kale hubiyaa hindise sharciyeedyada, islamarkaana kor-meeraa xukuumada iyo saraakiisha kale ee dowladda heer qaran.
54 xildhibaan ee Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa laga soo kala xulaa dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka sida Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno matala gobollada waqooyi ee Somaliland.
Somaliland iyo Puntland ayaa leh min 11 xildhibaan halka afarta maamul goboleed ee kale ay leeyihiin midkiiba 8 xildhibaan.
Guddiyada Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare ee Soomaaliya
Aqalka Sare ee Soomaaliya waxa uu leeyahay guddiyo muhiim u ah socodsiinta howlaha iyo hannaanka sharci-dejinta ee baarlamaanka, waana meesha laga soo qorsheeyo howlaha lagana soo tifaftiro ka hor inta aannu Aqalka go'aan ka gaarin.
Guddiyadu waxa ay ka soo doodaan qabyo-qoraallada la soo gaarsiiyo amaba uu Aqalku hindiso, halka ay baaraan xaaladaha qaar ee u baahan in la soo farageliyo oo go'aan laga gaaro.
Dhanka kale guddi hoosaadyadu waxa ay dusha kala socdaan sida ay waaxda fulinta ee dowladda ay adeegyada u gaarsiiso dadka, iyagoo xaqiijiya in sharciga dalka la dhowro.
Sidaas daraadeed Aqalku waxa uu leeyahay sagaal guddi hoosaad oo midkiiba ay xubno ka yihiin ugu yaraan 4 ilaa 6 xildhibaan.

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare ee Soomaaliya
Guddiyadaas waxa ay kala yihiin;
- Guddiga kor kala socda dib u eegista iyo fulinta dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka
- Guddiga shuruucda iyo hab-raaca aqalka
- Guddiga arrimaha cadaaladda iyo xuquuql insaanka
- Guddiga arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta
- Guddiga ammaanka iyo difaaca
- Guddiga qorshaynta, maalgashiga iyo arrimaha dibadda
- Guddiga arrimaha gargaarka iyo bini'aadamnimada
- Guddiga gaadiidka iyo khayraadka qaranka
- Guddiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo miisaaniyadda
Hase yeeshee, guddiga joogtada ah ee goluhu waa mid goonni u taagan oo ay ku jiraan gudoomiyaha golaha, ku-xigeennadiisa, habdhowrka, ku-xigeennadiisa iyo gudoomiyayaasha guddiyada golaha Aqalka Sare.
Guddiyada golaha ayaa todobaadkiiba kulma labo jeer oo caadiyan ah maalmaha Talaadada iyo Arbacada haduusan jirin kulanka guud ee Golaha Aqalka Sare, si ay gacan uga gaystaan xalka xaaladaha dalka soo food saara iyo si ay howlahooda u qorsheeyaan.
Awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare ee Soomaaliya
Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaa la aasaasay dabayaaqadii sanadkii 2016-kii, xildhibaannada golahuna waxa ay qeyb muhiim ah ku leeyihiin u codaynta musharraxiinta madaxweynayaasha iyadoo xildhibaan kasta uu xor u yahay cidda uu u codaynayo.
Sida ku cad qodobka 71aad ee sharciga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, Aqalku waxa uu leeyahay mas'uuliyadaha sharci dajinta ee ay ka midka yihiin:
- Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
- Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la hor keeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;
- Eegidda sharciyada loo igmaday si waafaqsan Qodobbada 82-83;
- Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;
- Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
- Ka qayb qaadashada hab-raaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
- Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqan gelin habboon iyo dib-u-eegidda Dastuurka;
- Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;
- Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay'adaha dowladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
- Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
- Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
- Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
- Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
- Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Hindise sharciyeedyada iyo shuruucda Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare ee Soomaaliya
Hindise Sharciyeedku waa soo jeedin sharci ee Golaha la hor keenay, waxa ayna maraan marxalado iyo hab-raacyo u gaar ah oo isku xigxiga si looga doodo ugu dambayna loo ansixiyo.
Tan iyo markii Aqalka Sare ee Soomaaliya la aasaasay dabayaaqadii 2016-kii Aqalku waxa uu ka qeyb qaatay curinta, wax ka badalay, ka dooday, meel mariyay ama laalay Hindise Sharciyeedyo la hor keenay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal, waa Golaha Shacacka iyo Golaha Aqalka Sare.
Haddaba Aqalku Sare waxaa jira hab raac u gaar ah oo loo maro hindise sharciyeedyada, kuwaas oo soo mara heerar kala duwan, sida heerka curinta, akhrinta koobaad, doodda iyo baaritaanka guddiga gaarka ah, akhrinta labaad, tan saddexaad, meelmarinta Aqalka iyo ugu dambayn saxiixa Madaxweynaha.
Wax ka badelka Dastuurka

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare ee Soomaaliya
Golahan waxa uu awood u leeyahay inuu ka doodo in wax laga badelo dastuurka, iyadoo ay tahay in xubin kamid ah Baarlamaanka Federaalka uu soo jeediyo in dastuurka wax laga badelo ama ay codsi saxiixaan ugu yaraan 40,000 oo muwaadin.
Markii arrintaas la soo jeediyo ama la codsado oo ay aqbalaan inta badan xubnaha Aqalka Sare, ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxa uu mid kasta magacaabayaa 10 xubnood oo noqda guddi wadajir ah oo arrintaas ka baaraan daga.










