Maxay yihiin qodobada uu guddoomiyaha Aqalka Sare been abuurka ku tilmaamay?

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo horjeestay xeerarka uu maalmahan ka doodayay golaha shacabka, kuwaas oo qaarkood la ansixiyay, isagoo ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah.
Warqad kasoo baxday xafiiska guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xildhibaanada loo qeybiyay dokumenti ka duwan nuqulkii ay soo diyaariyeen guddiga wada jirka ah e labada aqal.
Guddigaas ayaa loo xilsaaray inay soo diyaariyaan xeerarka kala ah:
Xeerka deegaameynta kuraasta- sharciga doorashooyinka qaran ee heer Federaal.
Xeerka xaqiijinta qoondada haweenka
Xeerka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeedo gobollada Waqooyi.
Xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inaanay isticmaali karin xeerrarka hadda la ansixiyay iyo kuwa doodoodu socoto.
Guddoomiyaha waxaa uu soo jeediyay in xildhibaanka golaha Aqalka Sare ay dib ugu laabtaan ka doodista nuqulkii asalkaa ah ee guddiga wadajirka ah ee labada aqal.
"Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare isaga oo ka digaya cawaaqibka ka dhalanaya falka ka been abuurista afarta xeer ee kor xusan, wuxuu u soo jeedinayaa guddoonka Aqalka golaha shacabka in si deg deg ah dib loogu noqdo nuqulkii asalka ahaa ee guddiga wadajirka ah u soo gudbiyeen guddoonada labada aqal, loona maro harbaarac dastuuriga ah ee xeer dejinta dalka" ayaa lagu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare.
Xeerarkan ayaa qaarkood la ansixiyay halka qaar kalena haatan ay xildhibaanada ka doodayaan.
Qaar kamid ah qodobada Guddoomiyaha Aqalka Sare uu sheegay in laga been abuuray
- Nuqulka saxda ah ee loo soo gudbiyay guddoonka labada aqal waxaa bog walba saaran saddex shaabbadood oo kala ah tan Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo Guddiga wadajirka ah halka nuqulka loo qeybiyay golaha shacabka uu bog welba saarnaa shaabbada guddiga wadajirka ah oo kaliya.
- Nuqulka saxda ah waxaa ku qornaa Xeerka asteynta kuraasta BFS, qoonadada kuraasta haweenka iyo mataaladda kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir halka midka laga cawday uu ku qornaa Xeerka asteynta kuraasta BFS, qoonadada kuraasta haweenka iyo mataaladda gobolka Banaadir. Waxaa halkaas laga tirey ereyga AQALKA SARE
- Nuqulka saxda- Cinwaanka Cutubka 2-aad Astaynta Kuraasta Labada Aqal ee BFS halka midka kale loo qoray Tusmada Cutubka 2-aad, Astaynta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Halkaas waxaa laga tirey ereyga LABADA AQAL
- Nuqulka saxda ah-Cutubka 3-aad: Qoondada Kuraasta Haweenka Labada Aqal halka midka been abuurka lagu sheegay loo qoray sidatan,Cutubka 3-aad: Qoondada Kuraasta Haweenka BFS. Halkaas waxaa laga tirey ereyga LABADA AQAL
- Nuqulka saxda ah-Magaca xeerka- Xeerka gaarka ah ee doorashada xildhibaanada labada aqal gobolada waqooyi(Somaliland) halka nuqulka kale uu u qornaa sidatan Magaca xeerka- Xeerka gaarka ah ee doorashada xildhibaanada BFS ee Gobolada Waqooyi. Halkaas waxaa laga tirey ereyga SOMALILAND
- Nuqulka saxda ah- Qodobka 12-aad Xeerarkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu BFS ansixiyo, Madaxweynaha JFS meel mariyo, isla markaasna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda halka nuqulka lagu sheegay been abuurka uu yahay, Qodobka 12-aad Xeerarkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu Baarlamaanka JFS ansixiyo. Halkaas waxaa laga tagay ANSIXINTA MADAXWEYNAHA IYO FAAFINTA RASMIGA AH.
Warbixintan waxaan kasoo xigannay warbixin kasoo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare, kuwanina waa qodobo ka mid ah 27 qodob oo Aqalka Sare sheegay in la been abuuray, kuwaas oo badeli karaa micnaha rasmiga ah ee qodobada xeerka marka la isu eego labada nuqul , sida Aqalka Sare uu ku doodayo.
Weli wax jawaab ah ma aysan bixin guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyada oo labo ka mid ah xeerarka la meelmariyay, labo kalena hawshooda loo fadhiyo.










