Yuusuf Shaacir: "Jaaniska ay Dawladda Federaalka igu magacawday Somaliland ayaa bixisay"

Xigashada Sawirka, Bogga Yuusuf Shaacir
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magacawday guddi ay ugu mgacdareen Guddida Ku Meel Gaarka ah ee horumarinta Af-Soomaaliga.
Guddidan oo ay ku jiraan dad badan oo caan ah, waxaa ka mid Abwaan Yuusuf Shaacir, oo magaacibiddiisu ay hadalhayn badan ka dhalisay baa bulshada.
Guddidan ayay shaqadiisu noqon doontaa sidii ay u qabyo tiri lahaayeen meelaha u baahan kaabidda ee Afka-Soomaaliga, Waana markii u horraysay tan iyo burburkii oo guddi noocan oo kale ah ay dawladdu magacaawdo.
Guddidan oo ka kooban qaybo kala duwan, Yuusuf ayaa magaciisu ku soo baxay qayb loogu magac daray Xeeldheerayaasha Guddida.
Magacaabidda Yuusuf Shaacir ayaa baraha bulshada aad loogu falanqeeyey maadaama uu Hargeysa joogo, halka guddidu ka shaqaynaysaana ay tahay magaalada Muqdisho. Horena waxaa loo ogaa Soomaaliland in ay xidho muwaadiniinteeda taga Muqdisho ee xilal ka qabta halkaas ama u taga arrimo siyaasiya.
Yuusuf Shaacir ayaa sheegay magaca warqadda ku soo baxay in aanu kiisa ahayn oo isaga magaciisu Yuusuf Cismaan, magaca warqadda ku qoranna waaa Yuusuf Cabdulle. Wuxuuse intaa raaciyey markii u la xidhiidhay in uu xaqiijiyey in magacu kiisii yahay.
"Xeeldherayaashu waa dad aqoon u leh dhaqanka iyo oo musdanbeed akaademiga u noqonaya, yacnii wixii adkaada ereyo ha noqoto, buugaag la qorayo ha noqoto ama blahjadahoo kala duwan ha noqoto meel ay ula noqdaan. Qaabkaas ayaannu idinka idiin qaadannay ayuu yidhi markaan la hadlay qoladii barnaamijkaa watay" ayuu yidhi Yuusuf Shaacir oo warbaahinta Hargeysa kula hadlayey.
Yuusuf ayaa ku dooday, haddii arrintu aanay siyaasad ahayn oo af iyo dhaqan tahay dhankiisa wax mushkilada in uusan u arkin, isaga oo dhanka kalena Somaliland ku eedeeyey in jaaniska magacaabbiddiisa ay bannaysay.

Xigashada Sawirka, Bogga Yuusuf Shaacir
"Waxaan filayaa jaaniska in Somaliland bannaysay, tobankii sano ee u danbeeyey illaa xiligaas illaa iyo maanta somaliland waxaannu kala hadlaynay in ay samayso meelo dhaqanka iyo dadka dhaqanka ku xeeldheer isugu yimaaddaan ku tashadaan oo dhallinyartu wax ku weydiiso oo nusdanbeed ah. Nala kama hoos qaadin. " ayuu yidhi Yusuf Shaacir.
"Hargeysa waa la yimaadda Xamarna waa la tagaa, ganacsatadaa tagta, culmida tagta oo umaddu way isu furan tahay, laakiin haddii Somaliland soo rogto amar ah in la kala xidho Xamar iyo Hargeysa oo diyaaradaha la xidho, oo dadka dhulka ku leh iyo ganacsiga u tagay la xidho annuguna tegi mayno oo waa joogaynaa. Laakiin dhaqanka uun in la eegto oo la yidhaahdo abwaan baa tegey ama fannaan baa tegay, oo ganacsadihii tegayo oo culimadii ka soo muxaadaraynayso dee xaq naluu kuma leh" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Shaacir.
Yuusuf Shaacir ayaa dhawr jeer oo kala duwan waxa uu kulammo lagu hormarinayo Afsoomaaliga kaga qaybgalay magaalooyin kala duwan sida Jigjiga, Hargeysa, Garoowe iyo Jabbuutiba. Waxaana uu caan ku yahay aqoonta uu leeyahay suugaanta iyo Afsoomaaliga.
Dad badan ayaa se arrintan u arka in ay ku lug leedahay hawlihii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.
Arrimaha guddigani ayaan ka wareysannay Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, oo ah guddoomiyaha Akaademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Soomaaliya, isla markaana ah guddoomiyaha guddidan ku meelgaarka ah ee Hormarinta Af-soomaaliga, waxa uu u warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayareoo ugu horreyn weydiinnay waxa uu guddigan qaban doono?











