Koonfur Afrika: "Ma oggolaaneyno in dumarkeenna ay rag badan isla guursadaan"

Dumarka ragga badan qaba.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dumarka ragga badan qaba.

Dad u badan kuwa ay ku weyn tahay ilaalinta dhaqanka Afrikaannimada ayaa si weyn u dhaliilay qorshe ay taageertay dowladda Koonfur Afrika oo haweenka loogu oggolaanayo in mar qura ay wada guuran karaan rag badan.

Balse Prof. Collis Machoko, oo caan ku ah mowduucan ayaa si weyn ula yaabay qorshahan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo sinnaanta ragga iyo dumarka.

"Bulshooyinka Afrika diyaar uma aha sinnaanta dhabta ah. Ma naqaano waxa aan ku sameyno haweenka aynaan xakamayn karin," ayuu yiri mar uu BBC u warramay.

Dalka Koonfur Afrika oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay waddamada leh dastuurka xorta ah, wuxuu oggolaanaya guurka dadka isku jinsiga ah iyo in ragga ay haween badan guursadaan.

Musa Mseleku oo ah ganacsade iyo jilaa caan ka ah Koonfur Afrika, isla markaana qaba afar xaas ayaa ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda qorshahan.

"Arrintan waxay baab'inysaa dhaqanka Afrka. Sidee ayay noqonayaan carruurta ay dhalaan dumarka ay qabaan ragga kala duwan? Yaa lagu magacaabayaa oo waalid noqonaya?" ayuu weydiiyey Mseleku qolooyinka arrintan u ololeynaya.

"Haweeneydu hadda ma qaadan karto dowrka ninka. Waa wax aan horay loo maqal. Haweeneydu hadda ma waxay raggan badan ku bixin doontaa kharashka nin walba arooskiisa uu ku dhacayo. Ninku ma laga sugayaa inuu qaato magaceeda?" ayuu yiri.

Ururrada qarsoon

Prof. Machoko wuxuu daraasad qoto dheer uu dalkiisa hooyo ee Zimbabwe uu kaga soo sameeyey nidaamka dumarka u oggolaanayo in ay rag badan mar wada guursato.

Intii uu daraasadda wadayna wuxuu la hadlay 20 dumar ah iyo 45 nin oo dumarkaasi horay u soo guursaday oo nidaamkaasi ku soo dhaqmay, inkasta oo guurka nocaasi uu bulshada Zimbabwe dhexdooda uu ceeb ka yahay sharci ahaanna aan loo aqoonsaneyn.

"Guurkan ay dumarka ragga badan wada guursada bulshada qeyb ka mid ah way iska fogeeyaan, balse si qarsoodi ah ayay ugu dhaqmaan," ayuu yiri.

"Markii ay la kulmaan qof aysan ku kalsoonayn ama aysan aqoon, waxay xitaa diidaan in guurka noocaas ah jiro. Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah cadaadiska iyo cabsida ay bulshada kala kulmaan."

Afar xaasle Mseleku

Xigashada Sawirka, Musa Mseleku

Qoraalka sawirka, Afar xaasle Mseleku

Prof. Machoko ayaa sheegay in ragga u warramay ay ku doodayaan in iyagu ay ku heshiiyeen inay wadaagaan hal xaas, maadaama ay "doonayeen inay ka wada faa'iideystaan wanaagga qoftaas."

Cilmi-baraahan ayaa ku doodaya in dhaqanka ah in dumarka ay rag badan mar qura isla qabaan uu horay uga jiray Koonfur Afrika, balse dad doonaya in ay "xoojiyaan" sinnaanta jinsiga ay dowladda ku cadaadiyeen inay sharciyeyso si aan dadka loogu ciqaabin arrinkaas.

Dumarka ragga badan isla guursada

Xigashada Sawirka, Olivia Howitt

Qoraalka sawirka, Dumarka ragga badan isla guursada

"Nin Afrikaan ah ma oggolaanayo inay haweenka rag badan isla guursadaan"

Mzwanele Manyi oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Isbeddelka Afrika (ATM) ayaa su'aal geliyay sida in haweenka loo oggolaado inay rag badan mar qura isla guursadaan ay wax uga qaban karto sinnaanta.

"Ma waxaa i dhaafay cabashada haweenka ama shirarka iyagoo ku baaqaya inay rag badan mar qura guursadaan?" ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyay in nin Afrikaan ah oo magac qabiil ku abtirsada uusan oggolaan doonin inay haweenku rag badan mar qura isla guursadaan.

"Nin Afrikaan ah waxba kuma falayo haweeney uu uureeyay nin kale. Sidaas darteed, haddii ay haweeneydu qabaan saddex nin oo Afrikaan ah ayna uur yeelato, labada kale waa 'inay bannaanka ka joogaan' inta ay uurka leedahay. Taas mala sameyn karaa?"

Dad badan ayaa hadalka siyaasigan ka falceliyay, iyadoo qaar ay taageereen kuwo kalena ay ku dhaliileen inuu ka soo horjeedo sinnaanta.

Kooxaha taageersan

Elizabeth Retief, oo xubin ka ah ururka PolyamorySA, ayaa soo dhoweysay soo jeedintan iyadoo ku sheegtay inay tahay tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah.

Sida ay qabto Retief, soo jeedinta waaxda ayaa horseedi doonta in la aqbalo dhaqanka guurka badan ee dalkaas.

Waxay sheegtay in guurka badan ay ku saleysan yihiin qiyamka, fekerka dhaqanka iyo doorarka jinsiga kala duwan.

Dad kale oo la dhacsan soo jeedintan ayaa baraha bulshada kaga dhiibtay ra'yigooda:

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2