Colladda gobolka Tigray ee Itoobiya: Maxaa dhacay maalintii bambaanada lagu garaacay suuqa Tigray?

A woman lies on a stretcher after being injured by the bomb blast in Togoga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warar iskhilaafsan ayaa la isla dhexmarayay kaddib markii gantaal ay rideen Itoobiyaanka uu ku dhacay suuqa magaalo ku taal gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay inay bartilmaameedsanaysay maleeshiyaadka, hasayeeshee ila wareedyo badan ayaa waxa ay tilmaameed in waxyeello wayn ay soo gaartay dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Waxaannu isticmaalnay sheekooyinka dad goobjoog ahaa, sawirro meel sare laga qaaday iyo bayaannada saraakiisha si aannu faafaahin dheeraad ah uga bixinno wixii dhacay.

Sida uu weerrarka u dhacay

Waxyar uun kaddib abaare 13:00 waqtiga maxalliga ah ee 22 Juun, wiil yar ayaa waxa uu ku dheelayay taleefanka mid ka mid ah dukaammada suuqa markii uu maqlay qaraxa wayn.

"Waan orday oo markiiba waxaan arkay dad dhaawac ah oo dhulka daadsan," ayuu u sheegay BBCda. "Lugtaan ka dhaawacmay xilli aan isku dayay inaan meesha isaga baxsado."

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa magaalada Togoga - oo ku dhawaad 25km waqooyi galbeed ka xigta caasimadda gobolka ee Mekelle.

Iyagoo la hadlayay Laanta Afka Tigrinya ee BBCda, ayaa dadkii goobjoogayaasha ahaa iyo dhibannayaashuba waxa ay sugeen waqtigii ay wax dhaceen iyagoo tilmaamay in weerrarka ka hor ay goobtu aad mashquul u aheyd.

Waxaannu dabagalnay farriin uu baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan uu soo dhigay sarkaal ka tirsan mucaaradka Tigray, Hailu Kebede, oo uu ku tilmaamayo in dhacdadu ay dhacay 13:37 waqtiga maxalliga ah.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Suuqa ayaa ah meel furan oo ganacsatadu ay alaabahooda ku iibiyaan, waxaanu ku wareegsan bakhaaro, dukaamo, dawaarro iyo goobo kafeega laga cabbo.

Haweeney da'yar ayaa waxa ay ka dukaamaysanaysay suuqa markii weerrarka gantaalku uu dhacay.

Waa ay miyir daboolantay waxa ayna xasuusataa in dad kale ay isla barxadda soo dhul dhacayeen.

Dadkaas ka badbaaday weerrarka ayaa waxaa u suuragashay in la geeyo isbitaalka Mekelle, halkaas oo ay kaga sheekeeyeen waxa ku dhacay.

Satellite imagery of Togaga market in Tigray
Qoraalka sawirka, Togoga is a small market town 25km from the regional capital Mekelle

"Goobtu waxa ay aheyd mid argagax leh," nin halkaas bas ku wada ayaa BBCda u sheegay.

"Guryaa burburay dad ayaan burburka ku hoos aasmay. Aad ayey u adkeyd in dadka qaar iyo maydadkaba la soo saaro."

Waxa uu baskiisa ku soo qaaday 15 qof oo dhaawac ah waxa uuna ka weecday dhabbaha gala magaalada Mekelle, hasayeeshee dib ayaa waxaa u soo celiyay ciidammada milateriga.

Markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Togoga, waxa uu sheegay in shan qof oo ka mid ah dhibannayaasha ay geeriyoodeen.

Sarkaal caafimaad oo Tigray ah ayaa BBCda u sheegay inuu iskudayay inuu gaari nooca gurmadka degdega ah diro, balse waxaa dib u soo celiyay dad xiran dareeska milateriga Itoobiya.

Waxaa lagu amray inay warqad safarka loogu ogolaanayo ay kala yimaadaan maamulka ku meelgaarka ah.

Markii ay warqaddii la yimaadeenna, waxaa haddana lagu amray inay warqad kale kala yimaadaan madaxweynaha gobolka, hasayeeshee arrintaasi waa ay adkaatay.

Kooxaha kale ee ka shaqeeya gurmadka degdega ah ayaa waxa ay ku soo warrameen dhacdooyin noocaas oo kale ah oo lagu xaddidayo dhaqdhaqaaqooda.

Hospital patients in Mekelle

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa u suuragashay inay tagaan isbitaalka Mekelle

'Qaraxu waxa uu ahaa mid halaag badan'

Mr Kebede ayaa waxa uu baraha bulshada ay ku wada xiriirto soo dhigay sawir lagu qaaday dayaxgacmeed oo la qariyay oo u muuqanaya inuu muujinayo waxyeellada suuqa ka soo gaartay weerrarka.

Waxa uu BBCda u sheegay in dadka deegaanka ay marka hore maqleen codka diyaarad dagaal, ilbiriqsiyo kaddibna waxaa xigay qarax wayn.

"Dhulkii wuu burburay, qaraxuna waxa uu ahaa mid halaag badan," ayuu yiri.

"Qeybta waqooyi ee suuqa ayey waxyeello xun soo gaartay, walow qeybta koonfureedna ay jiingadihii wax soo gaareen."

"Laba canug oo uu saaxiibkay dhalay ayey halkaas waxyeello ka soo gaartay, midkood waa uu dhintay tan kalana lugihii ayaa laga jaray," ayuu yiri.

Togoga ayaa sidoo kale waxaa loogu yeeraa Edagaselus, taas oo ka dhigan Suuqa Talaadada (waa maalilnta uu weerrarka dhacayay).

Mr Kebede ayaa waxa uu sheegay in suuqa ay dad badan joogeen maalintaas, sababtoo ah hal todobaad unbaa ka dhinnaa xilliga gobolka dhulka laga beerto.

"Waxaa joogay beeralay halkaas u tagay inay abuur ka soo iibsadaan, iyo kuwa kale oo badeecadahooda gadayay misana iibsanayay qalabka beerta. Waa mid ka mid ah suuqyada ugu firfircoon ee ka ag magaalada Mekelle.

An injured man is carried out of an ambulance by doctors

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gargaarka caafimaad ee loo fidinayay dadka dhaawacmay ayaa waxaa curyaamiyay jid gooyooyin

Maxay dowladda Itoobiya tiri?

BBCdu waxa ay fiidkii Talaadadii oo ah maalinta uu weerrarka dhacay la hadashay Korneel Getner Adane oo ka tirsan milateriga Itoobiya.

Waqtigaas waxa uu gaashaanka u daruuray in suuqa uu gantaal ku dhacay.

"Weligeen gantaal lama aynaan dhicin suuqa. Sidey arrintaas suuragal ku tahay? Milaterigu si hufan ayuu u garaaci karaa bartilmaameedyadiisa," ayuu yiri.

"Duqeymo dhanka cirka ah waannu fulinay, hasayeeshee waxaannu ku fulinay bartilmaameedyo go'an. Bataatanba waa khalad in la sheegto in gantaallada lagu garaacay suuqa."

Women waiting outside Mekelle hospial

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weerrarka kaddib Khamiistii, ayuu Korneel Getnet waxa uu u sheegay weriyayaasha maxalliga ah ee ku sugan caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa in weerrarka lagu qaaday kooxda mucaaradka ah ee hubaysan ee Tigray oo qabsanaysay xuska maalinta shuhadada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqayntu ay dhacday "wixii ka dambeeyay 15:00 markaas oo suuqlaydu ay kala tageen", hasayeeshee waxaannu dadkii goobjoogayaasha ahaa ee BBCda la hadlay, iyo farriimo la soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan, ka ogaannay in weerrarku uu dhacay abaare 13:00 markaas oo suuqa ahaa waqtiga ugu mashquulka badan.

Korneel Getnet ayaa sidoo kale waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in milateriga uu weerraray dagaalyahanno soo xirtay dharka rayidka oo ku sugnaa Togoga, hasayeeshee aanay ku dhexjirin suuqa.

Damaged building in Togoga

Xigashada Sawirka, Tghat Media

Qoraalka sawirka, Waxyeello wayn ayaa waxaa soo gaaray dhismayaasha ka ag dhaw suuqa

Halkey ciidammada Tigray-gu ka joogaan aaggaas?

Jawaabta arrintaas ma garanayno.

Waxaa aad loo xaddiday galaangalka ay howlwadeennada gurmadka degdega ah iyo weriyayaasha maxalliga ah u yeelan karaan gobolkaasi.

Dowladdu waxa ay sheegaysaa in dagaal uu gobolkaas ka soconayo ciidammada Tigray-guna ay halkaas ku firfircoon yihiin.

Togoga ayaa waxa ay ku taal waddo u dhaxaysa magaalada Mekelle iyo deegaan ay dhawaan dagaalo culus ka dhaceen.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma ay jirto qaab lagu ogaan karo in dagaalyahannadu ay joogaan aaggaasi ama ay Talaadadii ku sugnaayeen meel u dhaw aagga laga dukaamaysto.

BBCda ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay u sheegeen in cid ka mid ah dagaalyahannadu aanay halkaas joogin, hasayeeshee dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan ayey adag tahay inay sheegaan in dagaalyahanno maxalli ah ay joogaan.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa iska cad, in qaar badan oo ka mid ah tobonnaanka qof ee ay waxyeelladu soo gaartay ay yihiin dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.