Tigray: Isbitaallada Mekelle oo ay dawadu gabaabsi ku tahay

An Ethiopian soldier

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqollaal qof ayaa ku dhintay kumannaan kalena way ku barakaceen dagaalka

Isbitaalka weyn ee caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa gabaabsi ku ah dawada, xilli lagu dabiibayo dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka magaalada ka socda, sida ay sheegtay hay`adda Laanqeyrta Cas.

Sabtidii, Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalada.

Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay "wejigii ugu dambeeyay" ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah oo ay ciidamada federaalka la galeen kuwa gobolka Tigray.

Balse hoggaamiyaha TPLF ayaa wacad ku maray inay dagaallami doonaan, sida laga xigtay wakaaladda wararka Reuters.

Faahfaahin yar ayaa ka soo baxaysay Tigray intii uu socday dagaalka iyadoo la jaray isgaarsiinta.

Maxay sheegtay Laanqeyrta Cas?

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ambalaasyada guddiga ee Itoobiya ay "dhaawac iyo meydad" u qaadeen Isbitaalka Ayder.

Booqasho ay ku tageen isbitaalka, shaqaalaha ICRC ayaa ka war helay in "80% bukaannada ay qabaan dhaawacyo maskaxeed, iyagoo intaas ku daray in adeegyadii kale la hakiyay si shaqaalaha yar ee isbitaalka ku sugan ay wax ugu qabtaan dadka u baahan gargaarka degdegga ah.

"Isbitaalka waxaa aad gabaabsi ugu ah dawooyinka sida qallajiyeyaasha, xanuun baabi`iyeyaasha iyo xitaa gacmo-gashiga," ayay tiri madaxa ICRC ee Itoobiya Maria Soledad.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Isbitaalka waxaa sidoo kale ku yar bacaha meydadka lagu rido, sida uu guddigu sheegay.

Guddiga ICRC, si kastaba, faahfaahin kama bixin tirada dhaawaca amaba ku dhimatay dagaalka. Ama haddii ay ahaayeen dad dhacab ah amaba inay ka tirsanaayeen milatariga.

Maxay dowladdu tiri?

Qoraal uu Sabtidii soo dhigay barta Twitter-ka, Mr Abiy ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Mekelle ayna taas "muujineyso gunaanadka wejigii ugu dambeeyay ee milatariga".

"Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan soo afjarnay oo joojinnay howlgallada milatari ee gobolka Tigray," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay sii daayeen kumannaan askari ah oo ay qabteen TPLF isla markaana ay gacanta ku hayaan garoonka iyo xafiisyada kale ee gobolka, isagoo sheegay in howlgalka la fuliyay iyadoo "laga taxadarayo shacabka".

Ra`iisul Wasaaraha ayaa in badan ku qeexay hoggaanka TPLF inay yihiin "xulafo dembiilayaal ah" wuxuuna sheegay in booliisku uu "hor keeni doono maxkamadda".

Map of Tigray region
Presentational white space

Maxay ku jawaabeen TPLF?

Farriin qoraaleed uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael si toos ah ugama uusan hadlin xaaladda gudaha gobolka, balse wuxuu ka hadlay ciidamada dowladda: "Tacaddiyadooda waxay sii xoojinayaan inaan la dagaallanno kuwa qabsaday gobolka."

Wuxuu intaas ku daray: "Tani waa difaacidda xaqa aan u leennahay go`aankeenna."

Lama oga halka uu ku sugan yahay Mr Debretsion.

Waa maxay walaaca bani`aadannimo ee ka taagan gobolka?

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in laga yaabo in dembiyo dagaal ay dhacaan haddii ciidamada Itoobiya ay weeraraan Mekelle.

Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in shaqaalaha gargaarka bani`aadannimo aysan geli karin gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in la furi doono qaab ay hay`adaha gargaarka ku tagaan gobolka taas oo ay kor ka eegeyso dowladda, iyadoo intaas ku dartay inay ka go`an tahay la shaqeynta hay`adaha QM.

Warbixin ay soo saartay Sabtidii, ayay Qaramada Midoobay ku seegtay in in ka badan 40,000 oo Itoobiyaan ah ay ka qaxeen gobolka tan iyo intii uu dagaalku bilowdy horraantii bishan November.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee ay soo magacowday Itoobiya ayaa ku eedeeyay kooxda dhalinyarada ah ee Tigray inay ka dambeeyeen xasuuq bishan dhexdeeda dhacay kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo rayid ah oo aan Tigray ahayn, kana dhacay magaalada Mai-Kadra . TPLF ayaa beenisay inay ku lug lahayd.

Kulan uu Jimcihii la yeeshay ergada nabadda ee Afrika ayuu Abiy ku sheegay in la dhowri doono dadka rayidka ah.

Waa kuwama TPLF?

Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaarayaan 250,000.

Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-meeyadoo wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.

Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu ra`iisul wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.

Mr Debretsion ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay "diyaar u yihiin inay ku dhintaan difaacidda xaqa maamulka gobolka".