Qalalaasaha Tigray: "Waxaan duqeynay TPLF dhar shacab xiratay"

Nin ku dhawaacmay duqaynta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin ku dhawaacmay duqaynta

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen gobolka Tigray taasoo sababta ay daraasin dad ah ay ku waxyeeloobaan.

Midowga Yurub ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid welwelkeeda leh iyagoo sheegay in ''si ula kac' ah rayidka loo bartilmaameedsanaya.

Miltaraiga Itoobiya ayaa beeniyaay in rayid la bartilmaameedsaday, balse xaqiijiyay inay jireen duqyemo.

Mareykanka ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah oo madax banaan.

Dhibaatada soo gaartay rayidka

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan "argagixisada".

Afhayeen u hadlay milateriga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahanno oo keliya, balse aanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay Togoga.

"Waxay ahaayeen dagaalyahanno xiran dharka shacabka," ayuu sheegay Korneylka.

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay duqeynta lagu beegsaday suuqa, waxaana uu sheegay inay qeyb ka tahay tacadiyadda aadanaha ka dhanka ah ee ka socda Tigray.

Maraykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeynta, waxaana uu sheegay in wararka tilmaamaya in gawaarida gurmadka degdega ah loo diiday inay daadgureeyaan dhaawacyada ay tahay mid aan la aqbali karin.

Xoogaga kacdoonka Tigreega ayaa la sheegayaa in dagaalka ay horumar ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay. Waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhawr magaalo halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahannada oo rondo sameynayo. Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF.

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ay gacan ka geysteen daadgureynta dhaawacyada. Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday inay baarto duqeynta la sheegay.

Kumanaan dad ah ayaa la dilay malaayiinna waa la barakiciyay kadib markii iska hor imaadka uu qarxay ku dhawaad ​​sideed bilood ka hor.

Khasaare intee la'eg ayaa ka dhashay duqeymaha?

Dhakhtar caafimaad oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Mekelle ee Aider ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay intaa kasii badato.

Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay oo barooranaya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay oo barooranaya

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay daweynayaan tobannaan qof, oo uu ku jiro canug labo sano jir ah oo uu dhaawac ka soo gaaray duqeynta.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in milateriga Itoobiya ay ka hor istaageen in ay gaaraan goobta uu weerarku ka dhacay si ay u caawiyaan dadka kale ay suurogeliweysay inay qaxaan.

Wiil yar oo 16 jir ah ayaa BBC-da u sheegay isagoo ku sugan isbitaalka Aider in gacanta uu kaga dhacday firir iyo in uu arkay dhowr qof oo dhulka yaalay. Wuxuu sheegay in duqeynta cirka u ku dhintay nin uu garanayay.

Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in duqeymaha ay ahaayeen kuwo ka dhan ah bartilmaameedyada xooggaga Tigray.

"Weligeen duqeyn dhanka cirka ah kuma aanan qaadin suuqa. Sidee ayay taasi ku suurtagali kartaa? Ciidanku waxay awood u leeyihiin inay si sax ah u duqeeyaan bartilmaameedyadooda. Waan sameynay weeraro cirka ah, laakiin keliya waxaan bartilmaameedsanay gobihii aan ugu talagalnay," ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada dowladda.

Muxuu salka ku haya dagaalka TPLF iyo dowladda Itoobiya?

Dowladda Itoobiya oo gacan ka helaysa ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa billowday duullaan bishii Nofeembar ee sanadkii hore si meesha looga saaro xisbigii xilligaas xukumayay gobolkaas ee TPLF. Dhamaadkii isla bishi Nofeembar, waxay dowladda ku dhawaaqday inay guuleysatay.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda TPLF ayaa khilaaf aad u weyn kala dhaxeeyey raysal wasaare Abiy Ahmed ka dib isbadalkiisa siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii saldhigyadii militariga federaalka ee Tigray uu horseed u ahaa duulaanka.

Kooxda TPLF ayaa wixii intaa kadambeeyay waxay kubiirtay xoogaga kooxaha kale ee kusugan gobolka si ay udhisaan jabhada kacaanka ee difaaca (TDF).

Mr Abiy oo Isniintii la hadlayey BBC-da ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtey doorashadii qaranka ee labada jeer dib u dhac ku yimid, ayuu sheegay inuu la shaqeynayo ciidamada ku sugan dalka deriska la ah ee Eritrea si ay dalka uga baxaan balse wuxuu sheegay inuusan "dibedda u riixayn."

Waxaa lagu eedeeyay inay geysteen xasuuq, kufsi wadareed iyo xannibaaddo dhanka gargaarka bani'aadamnimada - eedeymahaas oo ay Eritrea beenisay.